You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabadha lacagta ku qaadata ololeyaasha doorashada balse aan codeyn
Diana Mwazi, waa mid ka mid ah dhallinyarada ku nool Kenya. Waxay doorashada ku soo food leh dalka u aragtaa fursad ay lacag ka heli karto, halka ay dooran lahayd dad wax ka beddela nolosheeda.
Gabadhan oo 20 jir ah waxay saameyn ku yeelatay siyaasadda Kenya ee ay raggu u badan yihiin. Waxay ka soo jeeddaa deegaanka aan rasmiga ahayn ee Kibera, halkaas oo ay ku nooshahay.
Waxaa la siiyaa lacag, iyadoo dadka shaqo-la'aanta ah ku dhiirrigelisa inay ka qeybgalaan isu-soo-baxyada siyaasadeed, waxayna ku faraxsan tahay inay adeeggeeda u fidiso xisbi kasta oo siyaasadeed.
"Waan ku faraxsanahay doorashada, sababtoo ah waxaan shaqo ka helayaa siyaasiinta doonaya inay muujiyaan inay taageero ka heystaan shacabka," ayay tiri.
Dalka Kenya, waxaa haatan aad looga dareemayaa ololeyaasha doorashada guud ee dhici doonta 9-ka bisha Agoosto. Boorarka murashaxiinta kala duwan ayaa ku dheggan goobaha dadweynaha, halka heeso laga daaro sameecadaha gaadiidka.
"Inaan dadka u abaabulo inay ka soo qayb galaan isu-soo-baxyada siyaasadeed ma ahan shaqo adag, sababtoo ah inaad hesho dhallinyarada shaqo-la'aanta ah waa wax aad u fudud," ayay tiri Mwazi, oo qudheeda aan qorsheyneyn inay codeyso.
"Siyaasiinta dhamaantood been ayay sheegaan, xilliga doorashada ballan-qaadyo ayay sameeyaan, balse marka la soo doorto ballamahaas ma fuliyaan, marka abaabulka dadka waa shaqo ii gaar ah," ayay tiri.
Inta lagu guda jiro xilliga ololaha doorashada, Mwazi waxay la shaqeysaa kooxo kale oo iyaguna abaabul sameeya, waxayna isu keeni kartaa inta u dhaxaysa 40 ilaa 100 qof hadba tirada dadka loo baahan yahay.
"Isu-soo-bax kasta, waxaan qaataa 500 oo shilinka Kenya ah ($5 ama £3), laakiin, siyaasiyiinta qaar waa deeqsi," ayay tiri Mwazi.
Dadka ka soo qeybgala isu-soo-baxyadaas waxaa sidoo kale la siiyaa isla qiimahaas.
Howsha abaabulka dadka, waxaa ugu fudud haweenka halka ay xoogaa ku adag tahay dhanka ragga.
"Raggu waxay aad uga cawdaan tirada lacagta la siiyo," ayay tiri.
Murashaxiinta u tartamaya jagooyinka kala duwan ayaa malaayiin doollar ku bixiya ololaha doorashada iyo isgaarsiinta, oo ay ku jiraan dad saameyn ku leh baraha bulshada.
Waxaa ay sidoo kale tahay inay la jaan-qaadaan codbixiyeyaasha isa soo taraya, kuwaas oo lacago ka dalbada siyaasiinta si ay codadkooda u siiyaan. Siyaasiyiinta Kenya ayaa ka mid ah siyaasiinta ugu mushaarka fiican caalamka.
“Hannaanka siyaasadeed ee dalka ayaa loo qaabeeyay in la hubiyo in la soo doorto murashaxiinta lacagta ugu badan ku bixiya ololaha doorashada,” ayuu yiri Boniface Mwangi, oo sanadkii 2017-kii u tartamay kursi xildhibaan.
"Mid ka mid ah murashaxiinta doorashada ayaa lacag dhan labo milyan oo doollar (£1.5m) ku bixiyay in loo soo doorto kursi xildhibaan," ayuu sii raaciyay.