Waa kuma wiilka carbeed ee dilkiisu gilgilay Faransiiska?

Dilka Nahel M, oo 17 jir ah, ayaa rabshado ka dhaliyay magaalooyin ku yaala dalka Faransiiska iyo sidoo kale magaalada Nanterre oo dhanka galbeed kaga beegan Paris oo uu ku soo barbaaray.

Waxa uu ahaa ilmaha keliya ay korisay hooyadii, waxa uu ahaa darawal gaari cuntada geeya xafaadaha. Horyaalka ciyaarta legdinta ee rugby ayuu ka shaqeyn jiray.

Waxbarashadiisa ayaa lagu tilmaamay mid fowdo ah. Waxa laga qoray kulliyad ku taal Suresnes oo aan ka fogayn meeshii uu ku noolaa, si uu ugu tababaro xirfadda korontada.

Dadkii yaqaanay ayaa sheegay in si weyn looga jeclaa Nanterre halkaas oo uu kula noolaa hooyadiis Mounia iyada oo sida la sheegay uusan aabihii arkin.

Rikoorkiisa kulliyadda ayaa ahaa mid liita. Ma uusan lahayn wax dambi ah laakiin waa yaqaanay booliiska.

Hooyadii ayuu si fiican u dhunkaday ka hor inta aysan shaqada aadin, waxa uuna yiri "waan ku jeclahay hooyo".

Wax yar ka dib sagaalkii subaxnimo ee Talaadada ayaa si xun looga toogtay xabadka, weliba meel bannaan ah.

"Hadda maxaan sameeyaa?" Ayay tiri hooyadii. "Wax walba isagaan u hibeeyey, waxa Alle isiiyay keligii ma dhalin 10 carruur ah. Waxa uu ahaa noloshayda, saaxiibkayga ugu fiican."

Ayeeyadiis waxay ku tilmaantay inuu ahaa "Wiil naxariis badan oo wanaagsan".

Nahel waxa uu saddexdii sano ee la soo dhaafay u ciyaarayay kooxda Rugby-ga ee Pirates of Nanterre. Waxa uu qayb ka ahaa barnaamij is dhexgalka dhalinyarada dhibaatada ka haysata wax barashada iskuulka, oo uu maamulo urur lagu magacaabo Ovale Citoyen.

Barnaamijkan ayaa ujeedadiisu ahayd in dadka ka soo jeeda degaannada danyarta ah ay helaan waxbarasho, Nahel wuxuu baranayay in uu noqdo farsamo yaqaan dhanka korontada ah.

Madaxweynaha ururka Ovale Citoyen, Jeff Puech ayaa yiri: “Wuxuu ahaa wiil ay dadka waaweyn ee maxalliga ah si fiican u yaqaaneen.”

"Wuxuu ahaa qof doonaya inuu la jaan-qaado bulshada, ma ahayn ilmo ka ganacsada daroogada ama ku raaxaysta dembiyada kale ee ay dhallinta galaan," Mr Puech ayaa u sheegay Le Parisien.

Waxa uu bartay Nahel markii uu hooyadii kula noolaa xaafadda Vieux-Pont ee Nanterre ka hor inta aysan u guurin dhismaha Pablo Picasso.

Qoyskiisu waxay asal ahaan ka soo jeedaan Aljeeriya. “Alle ha u naxariisto,” ayaa lagu yiri boodh lagu xardhay waddada Paris ee bannaanka garoonka Parc des Princes.

"Rabshadaha booliisku waxay dhacaan maalin kasta, gaar ahaan haddii aad tahay Carab ama madow," ayuu yiri nin dhallinyaro ah oo ku nool magaalo kale oo Faransiiska ku taalla kaas oo ku baaqaya in caddaaladda la hor keeno dadka ka dambeeyay Nahel.

Balse qareenka qoyskaasi, Yassine Bouzrou, ayaa sheegay in dhacdadani aysan ahayn cunsuriyad, balse ay ku saabsan tahay caddaaladda.

"Waxaan leenahay sharci iyo nidaam garsoor oo difaaca saraakiisha booliiska, waxayna taas abuurtay isla xisaabtan la'aanta Faransiiska," ayuu u sheegay BBC.

Kiiska Nahel ayaa ah kiiskii shanaad oo la xiriira xadguubka booliks tan iyo 2021-kii.

Rabshadaha ka dhashay dilka Nahel ayaa waxay dadka dib u xusuusinayaan dhacdooyinkii 2005-tii, markaasoo labo dhallinyaro ah oo lagu kala magacaabo Zyed Benna iyo Bouna Traoré, ay koronto dishay iyagoo booliska ka carararaya.

"Waxay dhacdadaan ku dhici kartaa aniga, waxay ku dhici kartaa walaalkey iga yar," waxaa sidaasi website-ka Faransiiska ee Mediapart u sheegay wiil dhalinyaro ah oo la yirahdo Maxammed.

Nahel M ayaa talaadadii la soo dhaafay waxaa toogtay ciidamada booliska, kadib markii uu joojin waayay gaari uu waday, iyaga oo amar siiyay ka hor inta aysan dilin.