You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
War hor leh oo ka soo kordhay burcad-badeedda Soomaalida ee afduubatay markabkii Bangladesh
Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Bangladesh, burcad-badeedda Soomaalida ee afduubtay markabka dalkaas laga leeyahay ee MV Abdullah ayna saarnaayeen 23 shaqaale ah ayaa maanta xiriir la soo sameeyay milkiilayaasha markabka kadib muddo sagaal maalmood ah.
Mizanul Islam, oo ah la taliyaha warbaahinta ee Kooxda KSRM, ayaa yiri: "Burcad-badeedda ayaa duhurnimadan nala soo xiriiray balse waxba ma aysan dalban."
"Waxaan ka hadalnay shaqaalaha iyo markabka guud ahaan. Haatan waxaa abuurmay hannaan wada-xaajood. Waxaan rajeyneynaa in xal la gaari doono. Waxay nagu wargeliyeen in dhammaan dhaqaalaha ay bad-qabaan. Lama jirdili doono, iyo inay nala soo xiriiri doonaan," ayuu intaa ku daray.
Sida ay daabaceen warbaahinta Bangladesha, qoysaska shaqaalaha saaran markabkan lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ayaa walaacsanaa iyaga oo dowladooda ku cadaadinayay in si degdeg ah loo soo badbaadiyo dadkeeda.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland oo dhowaan BBC-da lahadlay ayaa sheegay in ay ka warqabaan in markabku kusoo wajahanyahay xeebaha Puntland qorshena ka leeyahiin.
“Annagu howlgal rasmi ah oo aanu kula wareegayno gaadiidka iyagana aanu ku xidhayno kuna marinayno shuruucda [ayaan leenahay]. Marka annaga istiraatijiyaddayaddu waxaa weeye in ayna xeebahayagu noqonin bahalo galeen lala yimaado gaadiidka badaha lagusoo afduubto ayaa naga go’an”
Shirkadda markabka iskaleh ayaa sheegtay in ay dedaalo badan samaysay sidii ay kusoo badbaadin lahaayeen shaqaalaha markabka, iyagoo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ee maraakiibtoodu badaha ka howlgalaan, waxay sheegeen in ilaa maanta xidhiidh toos ah ayna la yeelan shaqaalaha markabka.
Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in qoyaysaska shaqaalaha markabka saaran ay talaadadii isa soo dhoobeen xafiiska shirkaddu ku leedahay gudaha magaalada Chittagong ee dalka Bangladesh.
Markabkii ugu danbeeyay ee laga leeyahay dalkaan Bangladesh ee lagu afduubto xebaha Soomaaliya waxuu ahaa sanadkii 2010 kii, kaas oo lacag culus oo madax furasho ah markii laga bixiyay lahaystayaasha lasii daayay 100 maalmood kadib.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Bangladesh Xasan Maxmuud oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay isku dayayaan in ay la xidhiidhaan budhcadda, iyaga oo adeegsanaya gacan labaad.
Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’addaha sirdoonka dalka arrinta aad uga shaqaynayaan isagoo xusay in Ra’iisul Waaraha dalku aad uga walaacsanyahay dhacdada.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalkaas ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in ay la xidhiidheen dowlado dhowr ah si ay u badbaadiyaan markabka iyo shaqaalaha saaranba.
Markabkaan la afduubtay ayaa la sameeyay sanadkii 2016-kii waxaana markiisii koobaad loo bixiyay ‘Golden Hawk’ kadib markuu ku biiray maraakiibta shirkadda SR Shipping, sanadkii teggay ayaana loo bixiyay magaca ‘MV Abdullah’.
Markabkan hadda la afduubtay, ayaa waxaa saaraa sida la sheegay dhuxul waxaana markabka lagu magacaabaa MV Abdullah.
Warbaahinta Bangladesh ayaana sheegtay in ay saaraayeen 23 qof oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.
Afduubka markabkaan ayaana imaanaya xilli maraakiibta maraysa Gacanka Cadan ay sidoo kale weeraro joogto ah kala kulmaya weerar joogto ah Xuutiyiinta Yemen.
Arrintaan ayaa waxay sii shidaalinaysaa cabsida laga qabo dib-u-dhalashada budhcad badeeda ee badweynta Hindiya.
Budhcad badeeda ayaa xeebaha Soomaaliya Khalkhal ku galiyay maraakiibtii maraysay horaantii 2008-da iyadoon, balse howlgalo balaadhan oo ay siwadajir ah u sameeyeen dowladaha reer galbeedka ayaa hoos u dhigay weeraran iyadoo 2014-kii lagu guuleystay in budhcad badeeda howlgaladooda iyo dhaqdhaqaaqooda la joojiyo, kadib maraakiib badan oo ay afduubteen malaayiin lacag ahna ka qaadeen.
Bishii December labo dhacdo ayaa lagasoo wariyay xeebaha Soomaaliya. Mid waxuu la xidhiidhay markab ganacsi oo ay ku weerareen meel u dhow magaalada xeebta magaalada Eyl ee gobolka Bari. Midka kalena waxuu ahaa markab sitay calanka dalka Malta kaas oo isna la afduubtay una dhaqaaqay ugu danbayn xeebta Soomaaliya.
Biyaha Soomaaliya ayaa lagu arkay sare u kac budhcad badeedda sanadkii 2011-kii Hay’adda Qaramada Midoobay ayaana sheegtay in 160 weerar oo maraakiibta lagu qaaday la diiwaangeliyay. Weerada ayaase hoos u dhacay kadib markii howlgalo ciidamada Maraykanka iyo kuwa xulafadiisa ah ay yimaadeen biyaha Soomaaliya.