Maxay diintu ka qabtaa xuska Maalinta Jacaylka Adduunka?

Xigashada Sawirka, Social Media
Sannad walba 14-ka bisha Fabraayo waxaa qaybo dunida ka tirsan looga dabbaaldegaa maalinta Valentine.
Dabbaaldeggan oo salka ku haya ciid diimeed dadka Masiixiga ah ku xusaan wadaad la oranjirey Saint Valentine ayaa muddo dheer ahayd dhaqan ku lifaaqan sooyaalka bulshooyinka reer Yurub illaa ay goor dambe yeelatay waji ka geddisan kii hore ee diinta islamarkaana ay u xuub-siibatay arrimo bulsho.
Waxaa si gaar ah loola xiririiriyaa arrimaha jaceylka iyo gacaltooyada lammaanaha. Waxaana jira dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo maalintaan u dabbaaldega jaceylkooda, iyagoo magaalooyinka lagu arko lammaaneyaal is qaba ama kuwo is jecel oo ubaxyo cas cas isku hadiyeynaya si qofba qofka kale ugu muujiyo kalgacal.
Haddaba maxay diinta Islaaamku ka qabtaa in dad Muslim ah xusaan maalin ku suntan diimo kale kale?

Xigashada Sawirka, Social
Su’ashaas waxaa si cilmiyeysan uga jawaabay culimo badan oo ay ku jiraan caalimiin Soomaaliyeed. Dadka sida qotoda dheer uga hadlayna waxaa ka mid ah Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciilk oo ka mid ah culimadala sida weyn looga haybeysto marka ay noqoto baraarugga Islaamka.
Sheekh Mustafe ayaa mar uu su’aashan ka jawaabayey wuxuu sheegay in qofka Muslimka ah looga baahan yahay in uu hubiyo halka uu tillaabada dhigayo, ayna ka feejignaadaan dheegashada dhaqamo meelo kale laga soo guuriyey.
Sheekhu oo cuskanaya mas’alooyin diini ah, ayaa dhllinyarda Soomaaliyeed ku guubaabiyey in aysan ku kedsooman dhaqamo qalaad oo aysan aqoon iyo faham buuxa u lahayn ciribtooda, islamarkaana aan faa’ido u lahayn. Wuxuuse dhanka kale dhallinyarada ku boorriyey in haddiiba ay dhaqan kale wax uga dayanayaan ay uga daydaan cilmiga iyo teknaloojiyadda lagu hormaray, halka ay waxyaabo maalaayacni ah iyo ubaxyo la isku dhiibo kaga mashquulayaan.
Sidoo kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waa weyn ee Soomaaliyeed ayaa xuska Valentine-ka iyo dhaqmada la midka ah ee dalka ku soo badanaya ku tilmaamay “duullaan lagu doonayo in dhallinyarda makaxda looga qabsado.”
Sheekha oo ka hadlayey ujeeddooyinka ka dambeeya dhaqamada qalaad ee dadweynaha lagu dhex fidinayo ayaa intaas ku daray in si loo maamulo maskaxda dhallinyarada hadba wax aysan hiddo iyo dhaqan midna u lahayn loo qurxinayo, si ugu dambeynta maskaxda looga qabsado oo ay u noqdaan aalad meel fog laga hago.
Sheekh Umal oo ka hadlayey in maalin gaar ah loo asteeyo jaceylka ayaa is weydiiyey meesha dunidu uga tashatay, dabeedna ku go’aamisey in maalin gaar ah loo cayimo xuska jaceylka. Wuxuuna maalmaha caalamiga loogu yeero ku tilmaamay afduub dahsoon oo lagu doonayo in dhallinyarada lagu marin habaabiyo, si uga weecdaan tubta toosan.

Xigashada Sawirka, Social media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxa loogu yeero xuska Maalinta Valentine ama Maalinta Jaceylka Adduunka ku tilmaamay mid aan bannaaneyn diinta Islaamka, islamarkaana wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada uga digey in ay ka digtoonaadaan dabinnada qarsoon ee magacyada iyo maamuuska beenta ah ee la siiyo lagu maldahay, si loogu macaaneeyo macsida iyo dhaqamada xun xun.
Xuska maalinta Valentine inkastoo uu ka soo farcamay dalalka Galbeedka, haddana wuxuu dhaqankaas ku sii faafayaa dalal badan oo aan wax xiriir soojireen ah la lahayn, sida dunida Muslimka; taas oo loo aaneynayo aaladaha warbaahinta iyo xiriirka bulshada oo dunida ka dhigey tuulo qura oo iska warqabta.
Sannad kasta marka la gaaro 14-ka Febraayo, waxaa caado nootay in dunida laga xuso Maalinta Jaceylka Adduunka, taasina waxay keentay in dhallinyaro badan oo ku nool dunida daafaheeda ay u diyaar garobaan kuwa kalana oo ay dhinacooda uga dabaal dagaan Arrintan ayaa walaac ku abuurtay waayeel iyo wadaaddo diimeed u arkaya khatar ku soo wajahan dhaqanka, hiddaha iyo diintooda.
Dalalka qaar ayaa qaaday tillaabooyin ay ku xadidayaan fursadaha ay dhallintoodu dhaqamo kale ula qabsan karaan, tusaale ahaan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dhulalka Soomaalida waxaa laga billaabay wacyigelin waayeelka iyo culimadu hormuud ka yihiin, halka qaar kalena ayba mamnuuceen in dalalkooda laga xuso Valentine’s Day.
Tusaale ahaan dalka Indonisia oo ah kan Muslimiinta ugu badan ay ku nool yihiin wuxuu gebi ahaanba mamnuucay in la xuso maalinta jaceylka ee Valentine’s Day, waxaana lammaanaha Muslimka ah lagu amray in ay dhaqankaas ka waantoobaan oo aysan diintooda dhaafsan laacdan dhalanteed ah, sida ay iyagu sheegeen.













