NATO: 'Putin wuxuu sameeyay falkii ugu xumaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Ruushka, Vladimir Putin ayaa "heshiiska ku biirida Ruushka" la saxiixday hoggaamiyeyaasha ay Moscow usoo magacawday gobollo ka tirsan Ukraine oo kala ah Kherson, Zaporizhzhia, Luhansk iyo Donetsk, kuwaasi oo uu Putin sheegay in ay dadkooda u codeeyeen kamid noqoshada Ruushka.
Xaflada heshiiskan lagu kala saxiixayay ayaa ka dhacday hoolka St George's ee madaxtooyada Kremlin.
Putin oo goobta khudbad dheer ka jeediyayay ayaa sheegay in gobolladaasi ay "weligood" ahaan doonaan qayb ka mid ah Ruushka.
Xukuumada Kyiv oo tallaabadan ka falceliyay ayaa billowday dalab cusub oo degdeg ah oo ay ku dooneyso in Ukraine ay uga mid noqoto isbahaysiga Nato.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo ay garab taagan yihiin raysul wasaarihiisa iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa Moscow ku eedeeyay inay dib u habeyn ku sameyneyso xuduudaha Ukriane "iyadoo adeegsaneysa dil, cagajugleyn iyo been abuur".
Zelensky ayaa sidoo kale sheegay in ay cusbooneysiiyeen codsiga Ukraine ay ku dooneyso inay qeyb uga noqoto Nato.
"Waxaan qaadaynaa tillaabadeenna muhiimka ah, anagoo saxiixnay codsiga Ukraine ee ku aaddan ku biirista Nato," ayuu yiri Mr Zelensky, isagoo ka hadlayay bartamaha magaalada Kyiv.
Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa arrinkan ka caga jiidaya isagoo sheegay in go’aanka ay leeyihiin 30-ka xubnood ee ururka Nato ku baheysan. Laakin waxa uu cambaareeyay tallaabooyinkan uu Ruushka ku qabsaday dhulkaUkraine, isaga oo ku tilmaamay "tii ugu daraneyd tan iyo bilowgii Dagaalka ukriane".
Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isna Putin ku eedeeyay "isku day khiyaano ah" oo uu ku sheeganayo dhulka Ukraine, wuxuuna sheegay in tallaabadaas ay lid ku tahay shuruucda u degsan Qaramada Midoobay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa dhankeeda sheegtay in "talaabadan sharci darrada ah ee uu ku dhawaaqay Putin aysan wax is beddel ah keeni doonin doonin, waxayna intaas ku dartay in dhammaan dhulalka uu sida sharci-darrada ah ku qabsaday Ruushka ay dadka Ukraine leeyihiin, mar walbana ay qayb ka ahaan doonaan qaranka Ukraine.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ballan qaaday "in uu garab istaagi doono Ukraine si ay wax uga qabato gardarrada Ruushka iyo inay dib u soo ceshato dhulkeeda oo dhan".
Laakin Putin ayaa muddo dheer ka dhga fureysatay dhaleeceynta hoggaamiyeyaasha ree galbeedka ee ku aaddan dagaalka uu ka wado Ukraine, waxa uuna khudbad 37-daqiiqo socotay oo uu ka jeediyay xafladda dhacday shalay oo Jimco aheyd ku ballan qaaday inuu " ilaalin doono" gobollada cusub ee ay la wareegeen isagoo sheegay in uu adeegsan doono wax walbo oo uu awoodo si uu u ilaaliyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Putin ayaa ku andacooday in muwaadiniinta Kherson, Zaporizhzhia, Luhansk iyo Donetsk ay u codeeyeen in ay "dib ula midoobaan dadkooda, iyo dalkooda hooyo".
Arrintaas ayuu ula jeeday afti si iskiisa ah uu u soo abaabulay oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolladaasi, balse Ukraine iyo dowladaha reer galbeedka ayaa cambaareeyay cod-bixintaasi, waxayna ku tilmaameen mid been abuur ah.
Wadamada ree galbeedka ayaa sheegay in ay ka fakarayaan cunaqabateynno hor leh oo lagu soo rogo Ruushka.
Hogaamiyaha Ruushka ayaa u muuqday inuu uu mar kale soo cusbooneysiiyay hanjabaaddiisii aan caddayn ee ahayd inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka, isagoo ku eedeeyay Mareykanka in uu uga horeeyay isticmaalka niyukliyeerka markii uu duqeeyey magaalooyinka Japan ee Nagasaki iyo Hiroshima dhammaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, 1945-kii.
Putin ayaa isbuucii lsoo dhaafay sheegay in waddankiisu uu leeyahay "hub kala duwan oo wax lagu burburiyo" uuna "isticmaali doono wax walba oo uu heli karo", isagoo intaasna sii raaciyay
Mr Putin last week said his country had "various weapons of destruction" and would "use all the means available to us", adding: "Hadalkaas iska dhex igama aha."
Warbaahinta Ruushka ayaa dhacdadan ku tilmaantay mid taariikhi ah, balse khudbadda Mr Putin ayaa waxa aysan faahfaahin kabixinin baaxadda dhulka uu Ruushku sheeganayo.
Gabagabada Xafladda madaxda afarta gobol ee la sheegay in Ruushka lagu daray iyo Putin ay kala saxiixday "go'aanno".












