You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhul go' baabi'iyey tuulo dadkii ku noolaa oo 1,000 qof ka badan ay wada dhinteen
Dhul go' ayaa baabi'iyay gebi ahaanba tuulo ku taal gobolka galbeedka Suudaan ee Darfur, waxaana ku dhintay dad lagu qiyaasay in ka badan 1,000 qof, taasoo la micno ah in gabi ahaanba ay dadkii tuulada dhinteen, mid ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah ee ugu dhimashada badan taariikhda dhow ee dalkaas Afrikaanka ah, sida ay sheegeen koox fallaago ah oo maamusha aaggaas gelinkii dambe ee Isniintii.
"Tuulada Tarasin ayaa "gebi ahaanba dhulka la simantay" ayay yiraahdeen ciidanka Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Suudaan xilli ay ka codsanayeen Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka caalamiga ah in laga caawiyo sidii loo soo saari lahaa meydadka.
Musiibadan ayaa Axadii ka dhacday tuulada, oo ku taal buuraleyda Marrah ee Bartamaha Darfur, ka dib maalmo roobab mahiigaan ah ay ka da'een.
"Xogtii ugu horreysay waxay muujineysaa dhimashada dhammaan dadka deggan tuulada, oo lagu qiyaasay in ka badan 1,000 qof," ayay kooxda fallaagada ku tiri hadal ay soo saartay. "Hal qof ayaa ka badbaaday," ayay raacisay.
Abdel-Wahid Nour, hogaamiyaha kooxda, ayaa talaadadii codsaday gargaar caalami ah. "Baaxadda iyo xajmiga masiibada ayaa ah mid aad u weyn oo sharraxaad ka bixinaysa," ayuu yiri.
Golaha talada haya ee Khartoum ayaa sheegay inay ka xun yihiin "dhimashada boqolaal qof oo aan waxba galabsan" oo ku dhintay dhul go'a buuraha Marrah. Bayaan ay soo saareen ayaa lagu sheegay in "dhammaan awoodaha suurtagalka ah" la abaabulay si loo taageero aagga.
Muuqaalo ay faafisay shabakadda wararka ee Buuraleyda Marra ayaa muujinayay dhul baaba'ay oo u dhexeeya silsilado buuraley ah oo ay koox dad ahna meydad ka baarayeen goobta.
Luca Renda, oo ah isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Suudaan, ayaa sheegay in uu "aad uga xun yahay" dhul go'a la sheegay, isaga oo intaa ku daray in ilo maxalli ah ay muujinayaan in "inta u dhaxaysa 300 ilaa 1,000 qof laga yaabo in ay naftooda ku waayeen." Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda ay wadaan abaabul si ay u taageeraan bulshooyinka ay dhibaatadu kula dhacday goobtaas.
Shabakad deg-deg ah oo maxalli ah, oo taageero siinaysay bulshooyinka ku nool Suudaan oo dhan intii uu socday dagaalka, ayaa sheegtay in kooxaheedu ay soo saareen maydadka sagaal qof Talaadadii. "Kooxaha baadigoobka ayaa la kulmay caqabado si ay u gaaraan aagga sababtoo ah cimilo xumo iyo ilo la'aan" ayay sii raacisay.
'Musiibo aan hore loo arag'
Al-Amin Abdallah Abbas, oo ah beeraley ka soo jeeda Ammo - oo ah koox tuulooyin ah oo ay ku jirto Tarasin - ayaa sheegay in ay da'ayeen roobab xooggan muddo toddobaadyo ah, iyadoo Tarasin ay ka mid tahay kuwa ugu daran. Waxa uu sheegay in madaxda beelaha iyo bulshada deegaanada ku dhow ay abaabuleen dadaallo lagu doonayo in lagu soo kabsado, laguna aaso dadkii dhintay.
"Tuuladii iyo dadkeedii waa la waayay," ayuu yiri. "Waa masiibo aan horay loo arag".
Mohamed Abdel-Rahman al-Nair, oo ah Afhayeenka ciidanka Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Suudaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in tuulada uu dhul go'u ka dhacay ay tahay mid fog oo lagu tagi karo oo kaliya lug ama dameero.
Tarasin waxay ku taalaa bartamaha buuraha Marrah oo ah dhul foolkaanno leh oo jooggiisu ka badan yahay 3,000 mitir (9,840 cagood), silsiladda buuruhu waxay caan ku tahay heerkul hoose iyo roobab ka sarreeya meelaha ku xeeran, sida ay sheegtay UNICEF. Waxay ku taal in ka badan 900 kiiloomitir (560 mayl) galbeedka magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Dhul go'a Axadii ayaa ahaa mid ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah ee ugu dhimashada badnaa taariikhda dhow ee Suudaan. Boqollaal qof ayaa sannad walba ku dhinta roobab xilliyeedka oo socda bilaha Luulyo ilaa Oktoobar. Roobab lixaad leh oo da'ay sannadkii hore ayaa sababay burburka biyo xireen ku yaalla bariga gobolka Badda Cas, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, sida ay sheegtay Q.M.
Musiibadan ayaa timid iyadoo dagaal sokeeye oo ba'an uu hareeyay Suudaan ka dib markii ay xurguf dhexmartay militariga dalkaas iyo xoogaga RSF, kuwaasoo dagaal aan waxba la iskula harin uu ka dhex qarxay bishii Abriil 2023 caasimadda Khartuum, iyo meelo kale oo dalka ah.
'Lama helin gargaar ku filan'
Inta badan gobolka Darfur ee ay colaaduhu ka jiraan ayaa noqday meel aysan gaari karin Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka, marka la eego xannibaadyo curyaamiyay iyo dagaalka u dhexeeya millatariga Suudaan iyo RSF.
Kooxda gargaarka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ayaa ka digtay in bulshooyin badan oo ku nool Darfur oo ay ku jiraan buuraha Marrah, ay go'doomiyeen in ka badan laba sano oo dagaal ah, iyagoo ku tilmaamay meelahan inay "god madow" ku yihiin jawaabta bini'aadantinimo ee Suudaan.
Waxay ku sheegtay warbixintii Luulyo in dadka bulshadan ka mid ah "aysan helin gargaar ku filan oo ay dayaceen hawlwadeennada gargaarka muddo laba sano ka badan".
Ciidanka Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Suudaan oo xuddun u ah aagga buuraha Marrah, waa mid ka mid ah jabhado badan oo ka hawl-gala gobollada Darfur iyo Kordofan. Mana aysan la safan dhinacyada dagaalka.
Buuraha Marrah waa silsilad foolkaanno ah oo 160 kiiloomitir (100 mayl) koonfur-galbeed ka xigta El-Fasher, oo ah xudunta dagaalka u dhexeeya militariga iyo RSF. Deegaanka ayaa isku bedelay xarun ay ku noolaadaan qoysaskii ka barakacay dagaalada ka socda magaalada go'doonsan iyo nawaaxigeeda.
Isniintii RSF waxay duqayn ku garaacday el-Fasher, oo ah xaruntii ugu dambaysay ee milatariga ee Darfur, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 18 qof in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan oo ah koox xirfadlayaal ah oo la socda dagaalka.