Faahfaahin kasoo baxayso dagaal culus oo El Fasher ku dhex maray ciidamada Suudaan iyo xoogaga mucaardka

Ciidamada Suudaan ee ku sugan gobolka Galbeedka Daarfuur ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dib ula wareegeen fariisimo muhiim ah oo ku yaalla magaalada El Fasher, kuwaas oo Jimcihii ay la wareegeen ciidamada gurmadka degdega ah (RSF.

Ilo-wareed ka tirsan Milliteriga ayaa xaqiijiyey in Ciiddanka Suudaan ay Sabtidii shalay ahayd dagaal xooggan la galeen Ciiddanka Taageeradda Degdegga ah, kuwaasi oo maalin ka hor gudaha u galay magaalladda El Fasher ee Gobalka Daarfuur. El Fasher waa magaaladii ugu dambeysay ee ugu weyn ee Daarfuur oo ay wali gacanta ku hayaan ciidamada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay waabarigii ka hor ay ku soo tooseen rasaas xooggan oo la isku weydaarsanayay waddooyinka magaalada oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof, waxana tan iyo bishii May ee sanadkii hore ku sugnaa ciidamada RSF.

Ila dhanka militariga ah ayaa intaa ku daray in ciidamada Suudaan ay dib u qabsadeen dhowr fariisimo oo muhiim ah oo ku yaala koonfurta iyo galbeedka magaalada oo ay ciidamada Taageerada Degdega ah la wareegeen Jimcihii, iyagoo khasaare xoogan u geystay ciidamada RSF.

Goobahaas ayaa waxaa ka mid ahaa xabsiga Shalla iyo xarunta dhexe ee ciidanka Booliska ee Keydka ah oo ah ciidan loo tababaray dagaalka.

Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa doo dak keenay sheegashada Ciidanka, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku hayaan suuqa xoolaha ee ugu weyn magaalada iyo xarumaha Booliska, ayna ku wajahan yihiin garoonka diyaaradaha.

Gelinkii dambe ee Jimcihii, Ciidamada Taageerada Degdega ah ayaa soo bandhigay muuqaallo ay sheegeen in ay muujinayaan dagaalyahanadooda oo la wareegaya goobahaas. Muuqaalka ayaa muujinaya ciidamo ka tirsan kuwa Taakuleynta oo ku sugan bannaanka hore ee Masjidka Tijjaniyya. BBC-du ma awoodin inay xaqiijiso xaqiiqada muuqaalka.

Saalax Ciise oo ka mid ah dadka ku nool Xaafadda Oulad El-Reef ee Bartamaha Magaalada, ayaa sheegay in Jimcihii iska horimaad uu ka dhacay Koonfurta iyo Galbeedka, Sabtidiina uu iska horimaad ka dhacay Waddada Garoonka oo sidoo kale Galbeedka ka xiga Magaalada.

Goob-jooge kale oo lagu magacaabo Muxiyadiin Cabdul Raxman, ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid aad u dhow, isla markaana la isku adeegsaday qoryaha daran dooriga u dhaca.

Mucaardaka ayaa intaa ku daray in weerarka ka soo cusboonaaday magaalada uu ku billowday duqeyn xooggan fiidnimadii Talaadada, taasi oo socotay Arbacadii oo dhan.

Dhaqtar ka tirsan Isbitaalka El Fasher Teaching Hospital ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee AFP Khamiistii in sideed qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen Ciidamada Taageerada Degdega ah.

Waa ay adagatahay in la ogaado tirada guud ee dhimashada magaalada, oo ay ka jirto, dhibaato guud oo dhanka isgaarsiinta ah,marka laga reebo kaliya kuwa hela internet-ka dhanka dayax gacmeedka ah.

Ku dhawaad dhammaan goobihii caafimaadka ayaa lagu qasbay in ay dagaalka ku xirmaan.

Tani waxay imaanaysaa iyadoo ra'iisul wasaaraha Suudaan, Kamil Idriss uu sheegay inuu la soconayao xaaladda kasii dareyso ee masiibada banai'aadanimo ee El Fasher.

Waxa uu tilmaamay in malaayiin rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku hoos nool yihiin caburin iyo go'doomin bini'aadannimada ka baxsan oo ay ku soo rogeen Ciidamada Taageerada Degdega ah, taas oo ah mid ka mid ah noocyada ugu xun ee baad iyo gaaja joogta ah ee taariikhda casriga ah.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Hay'adaha Caalamiga ah iyo Hay'adaha Samafalka in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu cadaadinayo Maleeshiyada in ay furaan Waddooyinka Bani'aadamnimada, isla markaana ay joojiyaan in ay gaajada u adeegsadaan Hubka ay ku dhibaateynayaan dadka rayidka ah, taas oo ka dhigan dambi dagaal oo buuxa marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bini'aadannimada.

Suudaan oo ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada in ay baaritaan sameyso

Caalamka, Suudaan ayaa ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada in ay baaritaan ku sameyso dowlado shisheeye iyo hay'ado lagu eedeeyay in ay taageeraan xoogagga Taageerada Degdegga ah ee 26-ka bilood dagaalka kula jira ciidamada.

"Waxa aan ugu baaqaynaa Xafiiska Xeer-ilaalinta Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada in uu sameeyo baaritaanka xubno ka tirsan dalal shisheeye, ha ahaadeen kuwa dalalka deriska ah, Afrika, ama maalgeliyayaasha gobolka ee waaweyn," Danjire Alharith Idris, Wakiilka Joogtada ah ee Suudaan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sidaasi ku yiri hadal uu u jeediyay Golaha Ammaanka.

Idiris ayaa ku eedeeyay dhinacyo aan la magacaabin in ay ka caawinayaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah in ay sii wadaan weerarradooda, una oggolaadaan in ay hub u tahriibiyaan, ayna siiyaan taageero dhanka saadka ah, cunto, sahay, diyaarado, iyo gantaallo.

Suudaan ayaa horay ugu eedaysay Imaaraadka, Kenya, Chad iyo South Sudan in ay gacan ka siiyaan kooxda mucaradka ah ee dagaalka kula jirta ciidamada, balse afarta dal waa ay beeniyay eedeymahaas.

Ergeyga Maraykanka u jooga Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in Ciidamada Taageerada Degdega ah lagula xisaabtamo dambiyada ay Suudaan ka geysteen ee ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Waxa lagu guuldaresytay dadaallo lagu doonayey in xabad joojinta lagu sameeyo oo ay wadday Qaramada Midoobay, iyadoo ka digaysa xaaladda dadka rayidka ah ee ku go'doonsan magaalada, kuwaas oo lagu qasbay inay gabbaad ka dhigtaan guryo ka sameysan cooshado laga dhisay barxadaha iyo guryaha hortooda.

Tobanaan kun oo Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay guud ahaan dalka oo dhan tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii April 2023kii, in ka badan 14 milya oo qof ayaa ka barakacay guryahoodii.