You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay qabtaan gabdhaha madaxweyneyaasha Afrikaanka ah ay dhaleen
Waxay ka soo jeedaan qoysas caan ah iyo deegaan hodan ah, qaar ka mid ah gabdhahan ay dhaleen waalidiinta ugu awoodda badan Afrika ayaa loo arkay inay saameyn ku leeyihiin bulshooyinkooda sababo la xiriira shaqooyinkooda, guulaha ay ka gaareen bulshada, ama xitaa qaab nololeedkooda.
Qaarkood waxaa lagu ammaanaa waxqabadkooda oo ay ka dambeeyaan magaca waalidkood, halka qaar kalena ay ku dhex jiraan muran iyo dhaleecayn.
Waa kuwan 7-da gabdhood ee Afrikaan ah ee aan maqaalkan ku iftiimineyno:
Uganda: Natasha Karugire Museveni
Inkastoo lagu soo koriyey nolol wanaagsan madaxtooyada gudaheeda, Natasha riyadeeda ugu weyn waxay ahayd inay heer sare ka gaarto xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo, ayadoo ujeedadeeda ugu weyn ay ahayd inay dhiirri geliso dank aiyo dhaqanka Uganda.
Waxay noqotay naqshadeeye hibo leh, iyada oo adeegsanaysa summada Natasha, J&N Couture, waxay isku daraysaa dhaqanka Ugaandha iyo bilicda casriga ah, iyada oo heleysa aqoonsi maxalli ah iyo mid caalami ah.
Sababo la xiriira kartida ay u leedahay iyo tababar ay ku qaadatay Koonfur Afrika, waxa ay caan ku tahay ka qayb qaadashada hal-abuurka, ayadoo iyo sida uu ugu heelan yahay horumarinta fanka iyo dhaqanka Uganda.
Marka laga soo tago dareenkeeda hal-abuurnimo iyo moodada, Natasha waxa ay caan ka tahay shirkadaha Filimada kadib markii ay ku guulaysatay filimkeedii qaab riwaayadeedka ahaa ee taariikhiga ahaa ee "27 Guns," kaas oo ay qortay oo ay agaasimaysay.
Filimku waxa uu muujinayaa kor u kaca aabaheed ee xukunka intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Uganda. Filimku waxa uu helay ammaan iyo bogaadin, waxaana uu soo bandhigay kartida ay leeyihiin dadka reer Uganda ee ku nool daafaha caalamka. Sannadkii 2023-kii, waxa ay soo saartay filimka "Kuwa naga mid ah," kaas oo ka warramaya taariikhda Uganda, siyaasadda, iyo dadka caanka ah.
Natasha waxa ay sidoo kale caan ku ahayd adeegsiga barnaamijkeeda Marwada Koowaad ee dalka si ay ugu ololayso ilaalinta iyo horumarinta fanka iyo dhaqanka Uganda, taageeridda fannaaniinta iyo hay'adaha dhaqanka ee gudaha, iyo horumarinta iskaashiga caalamiga ah.
Shaqada Natasha ee hal abuurka waxay ujeedadeedu tahay inay awood u yeesho haweenka, halka ka qayb qaadashada filim samaynta ay siiso fursado haweenka ee kaamarooyinka hortooda iyo gadaashooda.
Shaqooyinkan, Natasha waxay ku heshay abaal-marinno badan oo ay ku soo kordhisay naqshadaynta moodada iyo filim-samaynta. Ururinteeda waxaa lagu soo bandhigay xaflado magac leh oo moodada ah, waxaana filimkeeda "27 Guns" lagu xusay xafladaha filimada kala duwan.
Natasha oo ah Gabadha Koowaad ee Yugaandha xagga fanka, ayey dad badani u arkaan inay dhiirigelin u tahay kuwa doonaya inay saamayn togan ku dhex yeeshaan bulshooyinkooda iyo kuwa kaleba.
Nigeria: Habibat Oyindamola Tinubu
Habibat, oo 32 jir ah, waa gabadha uu dhalay madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu.
Marka laga reebo in ay tahay gabadha hogaamiyaha qaranka Nigeria, Habibat Oyindamola Tinubu waa moodal, heesaa iyo muusikiiste ku nool Mareykanka.
Habibat oo ka qalin jabisay kuliyadda muusiga ee Berklee ee magaalada Boston ee gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka, ayaa magac weyn ku yeelatay, iyadoo dunida oo dhanna ka shaqaynaysay shirkado waaweyn oo ay ka mid yihiin Vague Magazine iyo shirkadda isqurxinta ee Fenty Beauty.
Si kastaba ha ahaatee, nolosheeda ayaa dhalisay dood kulul oo online ah, gaar ahaan dadka reer Nigeria, ka dib markii ay soo baxday in ay tahay qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda LGBTQ oo loo aqoonsaday inay tahay "queer."
Tanzania: Wanu Hafidh Ameir Suluhu
Wanu Hafidh Ameir waa qof caan ah oo Tanzanian ah oo caan ku ah inay tahay gabadha ay dhashay Samia Suluhu, madaxweynihii lixaad ee Tanzania oo xilka la wareegtay March 19, 2021 kadib geeridii madaxweynihii hore, John Pombe Magufuli.
Iyada oo ah gabadha ugu weyn ee ay dhaleen madaxweyne Samia Suluhu Hassan iyo Hafidh Ameir, ayaa Wanu waxa ay raacday wadadii hooyadeed iyada oo noqotay siyaasi reer Tanzania ah iyo xubin ka tirsan xisbiga talada haya - Chama cha Mapinduzin (CCM).
Hadda waxa ay ka mid tahay Guddida Fulinta ee Xisbiga Waddani, xilkaas oo ay haysay ilaa 2010-kii.
Waxa ay kursi baarlamaan ku lahayd aqalka wakiilada ee Zanzibar tan iyo 2005tii.
Iyadoo ay jiraan jagooyinkaas, ayaa Wanu oo ku dhalatay 9kii Febraayo 1982 jasiiradda Zanzibar, waxay soo qabtay xilal siyaasadeed oo kala duwan, iyagoo 2015 ilaa 2018, xubin ka ahayd guddiga dastuurka iyo arrimaha sharciga. Waxa ay ahayd Guddoomiyaha Dhallinyarada CCM-Koonfur Unguja laga bilaabo 2008 ilaa 2012.
Wanu waa Guddoomiyaha iyo Aasaasaha Hay'adda Initiative Women's Initiative Foundation (MIF), oo ay bishii Juun 2022 ka aasaastay Zanzibar iyada oo ujeedadu ahayd in carruurta lagu caawiyo waxbarashada, si loo hubiyo in ay fuliyaan riyooyinkooda nolosha.
Waxa ay shahaadada xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda ka qaadatay xarunta xiriirka caalamiga ah.
Kenya - Charlene Ruto
Marka laga reebo in ay tahay gabadha madaxweynaha, Charlene waxa ay isku dayday in ay muujiso kaalinteeda horumarinta dhalinyarada, inkasta oo ay ka soo gaartay dhaleeceyn weyn oo ka timid bulshada.
Waxa ay la kulantay imtixaan weyn markii lagu qasbay in ay beeniso eedeymaha sheegaya in lacag loo isticmaalay in lagu maalgeliyo waxa ay ugu yeertay "Xafiiska Gabadha Koowaad".
Sharciga Kenya, ma jiro xafiis noocaas ah.
Tan iyo markii aabaheed uu xukunka qabtay, Charlene Ruto waxay qabatay dhowr shir oo heersare ah iyadoo magacaas wadata.
Si kastaba ha ahaatee, Charlene kama aysan leexleexan dadaalkeeda awood siinta dhalinyarada, iyadoo qabatay 31 shir oo rasmi ah hal bil gudaheed, taasoo muujineysa sida ay uga go'an tahay xaqiijinta in codadka iyo welwelka dhalinyarada Kenya la maqlo heerarka ugu sarreeya ee go'aan qaadashada. U doodiddeedu waxa ay gaaraysaa qaybta gaarka loo leeyahay, halkaas oo ay kor ugu qaaddo ka-qaybgalka dhallinyarada, iskaashiga, iyo fursadaha bulshada ganacsiga dhexdeeda ah.
Gabadha uu dhalay Madaxweyne William Ruto, oo dhalatay bishii Janaayo 1993-kii, waxayna kaalinta 5-aad ka gashay 100-ka Haween ee ugu saameynta badan Afrika 2023-ka ee Avance Media.
Waxay qirtay sannadkii hore inay la kulantay cadaadis ah inay noqoto qof caan ah.
Sidoo kale waxa ay Shahaadada koowaad ee saxaafadda ka qaatay Jaamacadda Daystar ee dalka Kenya iyo MBA ee dalxiiska oo ay ka qaadatay Les Roches International School of Hotel Management oo ku yaalla Crans-Montana ee dalka Sweden.
Rwanda – Ange Kagame
Ange Kagame waa ilmaha labaad iyo gabadha kaliya ee uu dhalay madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.
Marka laga reebo marwada koowaad ee dalka, Ange ayaa lagu arkayey arrimo ay ka mid yihiin xoojinta haweenka, waxbarashada, iyo yareynta faqriga, ilaalinta deegaanka, iyo sidoo kale ololaha caafimaadka bulshada.
Iyadoo bare ka ahayd cilmiga siyaasadda ee Smith College ee Massachusetts, USA, ayuu u magacaabay aabaheed, Madaxweyne Paul Kagame, ku xigeenka agaasimaha fulinta, iy istaraatijiyada ee Xafiiska Madaxweynaha.
Ilaa 2019, waxa ay ka shaqaynaysay Golaha Madaxtooyada iyada oo ah falanqeeye sare oo siyaasadda ah.
Waxa ay shahaadada Masterka ee arrimaha caalamiga ah ka qaadatay Jaamacadda Columbia University, New York oo ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Maraykanka iyo caalamkaba.
Ange Kagame waxa ay goobjoog ka ahayd shirar muhiim ah oo ka dhacay Rwanda, oo uu ku jiro baarlamaanka qaranka si looga wada hadlo horumarinta qaranka, waxayna ka qayb qaadatay ololayaal heer qaran ah sida ololaha xakameynta cudurrada Covid-19 iyo nafaqeynta dhallaanka.
Sannadkii 2016-kii, wargeysyada qaar ayaa qoray inay xubin ka tahay kooxda baraha bulshada ee xafiiska madaxweynaha, balse Ange Kagame iyo xafiiska madaxweynaha ayaa arrintaas beeniyay.
Zimbabwe: Tariro Mnangagwa
Tariro Mnangagwa waa gabadha uu dhalay madaxweynaha Zimbabwe Amerson Mnangagwa. Waxa ay dhalatay 1998-dii, waxa ay diiradda saartay filim samaynta iyada oo ah soo-saare filimada Zimbabwe iyo jilaa.
Tariro waxay caan ku tahay doorkeeda filimka 2020 ee Gonarezhou. Waxay caan ku tahay soo saarista filimada sida Gonarezhou [2020] iyo Hadithi ya Nehanda [2021]. Waa gabadha ugu yar ee uu dhaleen Madaxweynaha hadda ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa iyo marwada koowaad Jayne Matarise, taasoo oo 31kii Janaayo 2002 u dhimatay kansarka ilmo galeenka. Tarimo Mnangagwa waxaa la dhashay shan walaalo oo ka weyn.
Mnangagwa waxay shahaadada Diploma ee sawir-qaadista ka qaadatay Cape Town. Sidoo kale waxay shahaado Maareynta Isboortiga ka qaadatay Jaamacadda Cape Peninsula University of Technology.
Ka dib markii ay ku laabatay Zimbabwe, Mnangagwa waxay ku biiray Akashinga, oo ah unug ilaaliya ugaarta. Ka dib waxay xubin ka noqday unugga haweenka ee la dagaalanka ugaarsiga. Gabadha ugu yar ee uu dhalay madaxweyne Emmerson Mnangagwa, Tariro, ayaa ku biirtay koox dhalinyaro ah oo u heellan la dagaalanka burcadda ugaarsiga ku haya webiga Zambezi.
Ilaa 36 haween ah ayaa sameeyay unug ka hortagga ugaarsiga oo ay tababarto Hay'adda Caalamiga ah ee Ka-hortagga ugaarsiga ee Akashinga Game Reserve Unit si ay ula dagaallamaan ugaarsiga aagga.
Cameroon: Brenda Biya
Si ka duwan hablaha kale ee madaxweynayaasha, Brenda Biya waa gabadh ku caan baxday aragtideeda iyo ficiladeeda ka soo horjeeda rajada bulshada Cameroon, gaar ahaan qaab nololeedkeeda, taas oo dhalisay muran.
Brenda waxa ay dhalatay 1997dii, waxa ay gashay dugsiyo magac leh, iyada oo waxbarashadeeda xanaanada ka bilowday Etoudi, oo ah dugsi caan ah oo ku yaalla magaalada Yaoundé ee dalka Cameroon, gaar ahaanna loogu talogalay carruurta uu dhalay madaxweynaha iyo shaqaalaha kale ee xafiiska madaxtooyada.
Waxay iska diiwaan galiysay dugsi hoy ah - Collège du Léman, oo ah dugsi gaar loo leeyahay oo Switzerland ku yaala, deegaanka Versoix oo qiyaastii toban kiiloomitir u jira Geneva, kaas oo caan ku ah waxbaridda carruurta madaxweynayaasha.
Ka dib waxay u wareegay magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay waxbarashadeeda ka sii waday.
Intii ay halkaa ku sugnayd qaar ka mid ah saxafiyiinta ayaa dhaleeceeyay qaab nololeedkeeda, xafladaha iyo cabitaanka khamriga, iyo sigaar cabista.
Sannadkii 2024-kii, Biya waxy billowday heesaha Rap-ka, taas oo ah arrin aan laga fileyn.