You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xisbullah oo sheegtay in ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen askarta Israa'iil
Subaxnimadii saaka oo Axad ahayd ayaa waxaa socday duqeymo ay is dhaafsanayeen Israa’iil iyo Xisbullah iyadoona duqeymahaasi ay ku dhacayeen dhowr goobood oo labada dhinac ah.
Xisbullah ayaa soo saartay bayaanno dhowr ah oo kala danbeeyay iydoona sheegtay inay fuliyeen bartilmaameedyo ay ku beegsatay goobo ay ku suganyihiin ciidanka Israa’iil iyo saldhigyo ay isugu imaanayeen.
Dhanka kale waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen isku day militariga Israa’iil ay ku doonayeen inay gudaha u galaan Lubnaan.
Bayaanada is daba joogga ah oo qaar maanta soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay qaraxyo la beegsadeen ciidanka Israa’iil ee doonayay inay gudaha u soo galaan magaalada Ramieh ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay qabteen ilaa shan gantaal oo laga soo riday goobo kala duwan oo ku yaala waqooyiga Lubnaan, waxaana qeybo badan oo Israa’iil ah laga maqlayay dhawaqa seeriga digniinta gantaalada.
Maxaa dhacay Sabtidii?
Israa’iil ayaa duqeymo fulisay habeenkii Sabtida, Oktoobar 12, 2024, duqeymahaas oo lala beegsaday meelo kala duwan oo Lubnaan ah, waxaana la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 15-qof oo reer Lubnaan ah, sidoo kale duqeymaha ayaa sababay burbur soo gaara dhismayaal ay kamid yihiin labo isbitaal, jaamacad iyo xarun difaac oo degmada ah.
Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in isbitaalada Tamnin iyo Rayak ee Dooxada Bekaa ay waxyeelo soo gaartay, sidoo kale wakaaladda wararka Lubnaan ayaa sheegtay burbur soo gaaray jaamacadda Antonine ee magaalada Rayak.
Wasaaradda caafimaadka Lubnaan oo shalay soo saartay bayaan ayaa ku dhawaaqday in “Sagaal qof ay ku dhinteen duqeynmaha Israa’iil sidoo kalena ay 15-qof oo kale ay ku dhaawacmeen” weerar ay Israa’iil ku qaaday magaalada Al-Muaisra, ee waqooyiga Beirut.
Dhanka kale weerar duqeymo ah oo lagu qaaday Burja oo ka tirsan degmada Chouf ee koonfurta caasimadda, in lagu dilay 5-qof sidoo kalena la dhaawacay 4-qof.
Duqeymo kale oo lagu garaacay Deir Bella oo u dhow magaalada Batroun, waqooyiga Lubnaan ayaa la sheegay in lagu dilay labo qof 4-kalena la dhaawacay, waxaa sidoo kale la sheegay dad jirkooda ay goo’go een kuwaas oo aanan la aqoonsan eheladooda.
Dhanka bariga Lubnaan, isbitaalka Tal Shiha ayaa la sheegay inuu soo gaaray waxyeello fudud, taasoo ka dhalatay weerarrada Israa’iil ee ay la beegsatay agagaarka magaalada Zahle, oo ay ku badan yihiin Masiixiyiinta.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in Xisbullah ay Sabtidii ku soo rideen ku dhawaad 320 gantaal oo ku wajahan Israa’iil, waxayna ku dhawaaqeen in deegaannada ku xeeran qaar ka mid ah magaalooyinka waqooyiga Israa’iil ay xireen.
Afhayeenka ciidamada Israa’iil, Avichai Adraee, ayaa ku hanjabay in ciidamada Israa’iil "ay qaadi doonaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ka dhanka ah baabuur kasta oo qaadaya ragga hubaysan, iyadoon loo eegin nooca uu yahay", wuxuuna ku eedeeyay xubnaha xisbullah inay isticmaalaan ambalaasyada si ay u daabulaan hubka, sida uu ku sheegay bartiisa Facebook.
Reuters ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa NBC, in saraakiisha Mareykanka ay rumeysan yihiin in Israa'iil ay hoos u dhigtay baaxadda bartilmaameedkeeda si ay uga jawaabto weerarkii dhawaan Iran ay ku qaaday kaabayaasha militariga iyo tamarta.
Warbixinta oo laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax muujinaya in Israa’iil ay beegsan doonto xarumaha Nukliyeerka ama ay fulineyso dilal qorsheysan, waxayna intaa ku dartay in Israa’iil aysan gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan sida iyo goorta ay qaadi doonto.
Sida warbixinta lagu sheegay, saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil waxay filayeen in jawaabta Israa’iil ay imaan doonto inta lagu guda jiro fasaxa Yom Kippur ee hadda, laakiin taasi ma dhicin.
Yom Kippur, ayaa bilaabatay Jimcihii, Oktoobar 11, waxayna dhammaatay habeenkii Sabtida, Oktoobar 12.
Israa’iil ayaa marar badan sheegtay in ay ka jawaabi doonto weerarkii gantaallada Iran ee 1-dii October, kaas oo Tehran ay qaaday si ay uga jawaabto duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan iyo Gaza iyo dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay caasimadda Iran.