Israa'iil oo weerar ku qaadday Xuutiyiinta Yemen

Xudeyda

Xigashada Sawirka, Mohammed Hamoud/Getty Images

Qoraalka sawirka, Israa'iil ayaa sheegtay in Galaxy Leader, oo ah markab ay hore u afduubteen Xuutiyiinta, uu ka mid ahaa bartilmaameedyada

Israa'iil ayaa sheegtay in ay duqeymo ka geysatay saddex dekadood iyo xarun koronto oo ku taalla dalka Yemen oo ay Xuutiyiintu maamulaan.

Weerarrada lagu qaaday dekedaha Xudeydah, Ras Isa iyo Saif ayaa yimid wax yar kadib markii militariga Israa'iil ay ku boorriyeen dadka rayidka ah ee ku sugan aagaggaas in ay isaga guuraan, iyagoo ka digay duqeymo xagga cirka ah.

Wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa baraha bulshada ku xaqiijiyay in bartilmaameedyada uu ku jiro markabka ganacsiga ee Galaxy Leader. Markabkan oo ay kooxda fallaagada afduubatay sanadkii 2023-kii, ayaa waxaa loo adeegsan jiray in lagula socdo maraakiibta mara biyaha caalamiga ah, ayay Israa'iil sheegtay.

Duqeymaha kadib, militariga Israa'iil ayaa sheegay in labo gantaal laga soo tuuray Yemen, lana isku dayay in laga hortago.

Seeriyo ayaa laga yeeriyay meelo badan oo Israa'iil ka mid ah iyaga oo ka jawaabaya gantaallada, iyada oo millatarigu uu sheegay in natiijada ka soo baxday ka hortagga "in dib u eegis lagu sameeyo".

Warbaahinta Yemen ee Xuutiyiinta ay maamulaan ayaa sheegay in duqeynta Israa'iil ay ku garaacday Xudeyda, balse faah faahin dheeri ah lagama bixin waxyeellada iyo khasaaraha ka dhashay.

Katz waxa uu sheegay in duqaymahaasi ay qayb ka ahaayeen "Hawlgalka Calanka Madow" waxa uuna ka digay in Xuutiyiinta "ay sii wadi doonaan in ay qiimo culus ku bixiyaan falalkooda".

"Masiirka Yemen wuxuu la mid yahay masiirka Tehraan, qof kasta oo isku daya inuu dhibaateeyo Israa'iilna waa la dhibi doonaa, qofkii gacan u taaga Israa'iil gacantiisa waa laga goynayaa," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa'iil iyo Xamaas, fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto waxay si joogta ah gantaallo ugu garaaceen Israa'iil iyagoo ugu hiillinaya Falastiiniyiinta Qasa waxayna weerar ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey Badda Cas.

Ciidamada Cirka ee Israa'iil ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ee lagu qaaday dekedaha Yemen ay jawaab u ahaayeen "weerarrada soo noqnoqda" ee Xuutiyiinta ay ku hayaan Israa'iil iyo muwaadiniinteeda.

Waxa ay intaa ku dartay in dekedaha la bartilmaameedsaday loo isticmaalay in lagu "wareejiyo hubka taliska Iiraan si ay u fuliyaan qorshayaal argagaxiso" oo ka dhan ah Israa'iil iyo xulafadeeda.

Wax yar ka dib weerarka, Xuutiyiintu waxay xaqiijiyeen in difaacyadooda cirka ay ka hortageen gantaallo ay Israa'iil ku garaacday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dekadda Xudeyda ee Yemen kadib markii ay Israa'iil weerartay bishii May 2025

Saldhigga korantada ee Ras Kanatib oo koronto siiya magaalooyinka u dhow ee Ibb iyo Ticis, ayaa sidoo kale la garaacay, ayay tiri Israa'iil.

Weerarkan u dambeeyay ee lagu qaaday Xudeydah ayaa imaanaya ka dib markii maraakiibta badda ee Israa'iil ay weerar ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaal magaalada dekedda leh bilihii May iyo June.

Dekadda Xudeyda, oo ah meesha ugu weyn ee laga soo geliyo cuntada iyo gargaarka kale ee bini'aadantinimo ee ku socda malaayiin Yemeniyiin ah, ayaa waxaa sanadkii la soo dhaafay dhowr duqeymo ka geysatay Israa'iil.