Ka hor doorashada Mareykanka waxaa baraha bulshada buux dhaafiyay war sheegaya in codod la khiyaamay

Waxaa laysla dhexmarayaa eedo marin habaabin iyo been abuur ku saabsan codeynta. Si weyn ayey baraha bulshada u soo galeen wararkaas been abuurka ah ka hor inta aysan dhicin doorashada Mareykanka.

Boqolaal dhacdo oo la xiriirta khaladaad cododka ah ayaa la soo ururiyay, waxaana faafiyay shaqsiyaad iyo sidoo kale kooxo madaxbanaan iyo kuwa xiriir la leh xisbiga Jamhuuriga. Tiro yar oo aan badneyn ayaa sidoo kale ka timid dhanka xisbiga Dimuqraadiga.

Sheegashadan lagu faafiyay internetka waxay caqabad ku tahay madaxda doorashada ee isku dayaya in ay ka hortagaan beenta iyo in ay kalsooni geliyaan shacabka inta ay ku jiraan diyaargarowga codeynta talaalada.

Waxyaabaha la soo dhigay baraha bulshada waxay taageerayan sheegashada beenta ee ololaha Trump ee ah in uu ku guuleystay doorashadii 2020-ka, hadana ay si weyn suuragal u tahay in la khiyaamo markale 5-ta Nofember.

Mar la weydiyay hadii uu aqbalayo natiijada doorashada 2024-ka, Donald Trump waxa uu sheegay intii lagu guda jiray dooda musharaxiinta ee bishii Sebtembar in uu aqbalayo hadi ay tahay doorasho sharci ah oo si fiican ku dhacday.

Inta badan dadka Mareykanka, 70%, waxay filayaan in uu diidayo natiijada hadii uu guuldareysto sida laga soo xigtay codeyn ay sameeyeen CNN/SSRS.

Toddobaadkan waxa uu Trump sheegay in khiyaamo baahsan ay ka dhacday gobolada aadka laysku dhow yahay.

“Khiyaamo ayaa ka jirta Pennsylvania, waa in la qabtaa, heerar aad u badan oo hore loo arag ayaa ka jirta” ayuu soo qoray Turmp.

Eedahaasi kaddib madaxda Pennsylvania waxay sheegeen in ay baarayaan qaar ka mid ah codeynta la diwaangaliyay.

Waxyaabaha marin habaabinta

BBC- waxay aragtay boqolaal eedeymo oo la xiriira khiyaamo doorasho oo la soo dhigay baraha bulshada iyo kuwa lagu wadaagay meelaha lagu sheekeysto. Qaar ka mid ah qoraalada waxaa la arkay malaayin jeer.

Qoraalada waxay muujinayaan in ay aad u fududahay in ay codeeyaan dad aan dalka u dhalan iyo sidoo kale in laga been abuurtay nidaamka cod tirinta.

Mid ka mid ah muqaallada la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya soogalooti dhawaan yimid oo u dhashay Haiti ah oo ka codeynahyan gobolka Georgia.

BBC-da waxay ogaatay cadeynta saxda oo ah in cinwaanka iyo sawirka ay been yihin taas oo muujineysa in muuqaalka uu yahay been abuur.

Waxay u egtahay wixii dhacay 2020-kii

Khubarada waxay ka welwelsan yihiin wararka beenta ee soo baxay ka hor codeynta in ay caqabd ku yihiin sida dadka u aaminayaan natiijada ama ay keeni karta rabshado sidii hore u dhacday.

Doorashadii 2020-kii iyadoo ay weli socoto tirinta cododka ayuu madaxweye Donald Trump soo dhigay bartiisa bulsho qoraal uu ku sheegayo in khiyaamo dhacday isaguna yahay guuleystaha saxda ah.

Wararka la soo dhigay baraha bulshada iyo meelaha dadka ku sheekeystaan ayaa horseeday rabshadihii ka dhacay US Capital 6-dii janaayo 2021-kii.

Rabshadaha kaddib waxaa bilowday kiisas badan oo la xiriira in doorashada la khiyaamay. Kooxda Trump ayaa arrintaas u gudbiyay dhowr maxkamadood oo Mareykan ah

Kiisaska la xiriira in khalad jiro aad ayaa loo buunbuuniyaa

Khubarada waxay sheegaan in dhacdooyin cayiman oo ah in codeynta la khiyaamay iyo khalad maamul ay inta badan ka dhici karaan doorashada Mareykanka ee 50-ka gobol taas oo ay codeeyaan 150 milyan.

Dhacdooyin sax ah ayaa hadda lagu wadaagaa internetka heer aan hore loo arag, waxaana la socda kuwa been abuur ah si cadeyn looga dhigo in khiyaamo baahsan ay jirto.

Kooxaha ka dambeeya

Sheegashada in cododka la khiyaamay ee baraha bulshada lagu faafiyo waxaa qeyb ka qaatay kooxo soo ururiyay eedeymahaas.

Kooxo ay ka mid yihiin True The Vote oo la aasaasay 2009-kii fadhigeedu yahay gobolka Texas ayaa horseed ka ah kuwa su’aasha ka keena badqabka doorashada.

Kooxo badan ayaa weydiisanaya taageerayaasha in ay soo sheegeen wararka ku saabsan in khiyaamo la sameeyay.

Kooxda siyaasadda ee Elon Musk ayaa bilaabay bar fariin oo lagu wadaago eedaaha la xiriira in codeynta la khiyaamay. 50 kun ayaa xubno ka ah. Daqiiqad kasta ayaa wax la soo dhigaa.

Xogta khaldan ayaa ah mid sii faafeysa

Saameynta ay tani leedahay waa mid aan hore loo arag. Waxaa la sheegaa wararka beenta ah ee ku saabsan in doorashada la khilaamay ay gudaha dalka ka dhalinkarto xagjiriin.

Dadka doorashada la socda ayaa filaya in xogta beenta ah ee laga sheegayo doorashada ay sii socon doonto kaddib marka ay codeynta dhacdo.

Waxaa la saadaalinayaa in doorashadan ay noqoto mid si weyn laysugu dhow yahay. Maalmo ayey qaadaneysaa in la tiriyo dhammaan cododka la dhiibtay, lana go’aamiyo qofka guuleysta.