Daciifnimada Maraykanka ee siin karta Shiinaha faa'iido dagaalka ganacsiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo labada dal ay is dhaafsadeen canshuur isku celis ah oo midba midka kale saaray.
Laakiin Shiinaha kama jawaabayo oo kaliya dagaalkan ganacsi iyada oo canshuur celis ah saareysa Maraykanka. Hadda, Shiinaha wuxuu xayiraado kusoo rogay dhoofinta qaar ka mid ah macdanaha 'nadirka' ah, taasoo dharbaaxo weyn ku ah Maraykanka.
Tallaabadan waxay muujinaysaa sida uu Maraykanku ugu tiirsan yahay macdantan.
Waa in la xusuusto in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu toddobaadkan amar ku siiyay Waaxda Ganacsiga in la kordhiyo wax-soo-saarka macdanaha muhiimka ah si loo yareeyo ku-tiirsanaanta Maraykanka ee soo-dejinta macdantan.
Macdanta dhulka ee naadirka ah: Waa maxay macdanahay dhulka hoose ku qarsoon?
Macdanta dhulka naadirka ah waa 17 macdan oo leh sifooyin kiimiko oo isku mid ah oo si weyn loogu isticmaalo tignoolajiyada casriga ah. Macdanahaan ayaa laga soo saaraa waxyaabo kale oo badan oo ay ka mid yihiin talefannada casriga ah, kombayutarada, caafimaadka iyo qalabka difaaca.
Kuwaas waxaa ka mid ah macdanta scandium, yttrium, lanthanum, cerium, praseodymium, neodymium, promethium, samarium, europium, gadolinium, terbium, dysprosium, holmium, erbium, thulium, ytterbium, iyo lutetium.
Waxaa loogu yeeraa naadir sababtoo ah waxaa loo arkaa mid aan caadi ahayn in laga helo xaaladdooda saafiga ah, laakiin waxaa jira kaydad iyaga ka mid ah oo adduunka oo dhan ah.
Laakiin macdantan dhifka ah ayaa inta badan la socota curiyeyaasha shucaaca sida thorium iyo uranium, iyo qaybo badan oo sun ah waa in la isticmaalo si loo kala saaro, taasoo ka dhigaysa habka soo saarista mid adag oo qaali ah.
Thomas Kremer, oo ah maamulaha ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Ginger, ayaa sii sharaxaya: 'Dhammaan waxyaabaha aad shido ama damiso waxay ka samaysan yihiin macdan naadir ah.'

Sidee ayuu Shiinaha ku hantay gacanta sare ee macdanaha naadirka ah?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Shiinaha wuxuu noqday hoggaamiye caalami ah oo ku takhasusay soo saarista iyo farsamaynta macdanta naadirka ah.
Sida ay sheegayaan qiyaasaha Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA), Shiinaha wuxuu soo saaraa ilaa 61% macdanahaan naadirka ah, wuxuuna sidoo kale farsameeyaa 92% ka mid ah.
Tani waxay la micno tahay in Shiinuhu gacanta ku hayo qeybtaas ganacsi, isla markaana uu leeyahay awoodda go'aaminta shirkadaha heli kara sahayda macdanahaan.
Waa in la ogaadaa in soo saarista iyo farsamaynta macdantan ay tahay mid aad qaali u ah, isla markaana si weyn u waxyeeleysa deegaanka.
Macdantan naadirka ah sidoo kale waxay ka kooban yihiin walxo shucaac leh (radiation), waana sababta ay dalal badan, oo ay ka mid tahay Midowga Yurub, uga cago-jiidayaan in ay soo saaraan.
"Marka la soo saaro macdantan, waxa haray waa qashin shucaac leh oo u baahan in si ammaan ah loo tuuro. Hadda, dhammaan xarumaha ay Midowga Yurub haysato arrintan waa kuwo kumeelgaar ah," ayuu yidhi Thomas Kremer.
Laakiin Shiinaha si kedis ah uma noqon hoggaamiyaha qeybtaan, balse waa natiijo ka dhalatay siyaasadaha dowladeed iyo maalgashiyo muddo dheer socday.
Intii uu booqasho ku joogay Mongolia sanadkii 1992, hoggaamiyihii Shiinaha ee Deng Xiaoping wuxuu ku faanay hadal ahaa: "Bariga Dhexe wuxuu haystaa saliid, Shiinahana wuxuu haystaa macdanaha naadirka ah."
"Dhammaadkii qarnigii 20aad, Shiinuhu wuxuu mudnaanta siiyay soo saarista iyo farsamaynta macdanta naadirka ah, xitaa haddii ay taasi ka dhigan tahay in la iska indho-tiro heerarka ilaalinta deegaanka, isla markaana la siiyo shaqaalaha mushaar aad uga yar midka dalalka kale," ayuu yidhi Gavin Harper, khabiir ku takhasusay macdanta naadirka ah oo ka tirsan Jaamacadda Birmingham.
"Tani waxay siisay Shiinaha fursad uu kula tartamo dalalka kale, isla markaana uu sameysto suuq u gaar ah oo uu ka taliyo, laga soo bilaabo qodista, nadiifinta ilaa sameynta badeecooyin sida biraha birlabta ah (magnets)."
Sidee ayuu Shiinuhu u xaddiday dhoofinta macdantan?
Horaantii bishan, Shiinuhu wuxuu mamnuucay dhoofinta toddobo nooc oo muhiim ah oo macdan ah—kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwo si gaar ah muhiim ugu ah waaxda difaaca—ka dib markii Maraykanku canshuurro saaray.
Macdantan ma aha kuwo si fudud loo helo, waxaana aad uga adag in la farsameeyo marka loo eego biraha kale ee naadirka ah, taasina waxay ka dhigeysaa kuwo aad u qaali ah oo qiimo badan leh.
Laga bilaabo Abriil 4, Shiinuhu wuxuu sharciyeeyay in dhammaan shirkadaha doonaya inay dhoofiyaan macdantan ay helaan ruqsad gaar ah oo dhoofin ah ka hor inta aysan dalka ka saarin.
Tani waxay sidoo kale la xidhiidhaa heshiiska caalamiga ah ee mamnuucista faafinta hubka nukliyeerka, kaas oo siinaya Shiinaha awood uu ku maamulo ganacsiga alaabaha loo adeegsan karo ujeeddooyin laba-geesood ah (kuwo bulsho iyo ciidanba).
Sida uu sheegtay Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Cilmibaarista Caalamiga ah (CSIS), tani waxay si gaar ah u daciifineysaa Maraykanka, maadaama uusan jirin dal kale oo leh awoodda farsamaynta macdantan marka laga reebo Shiinaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saameyn noocee ah bay tani ku yeelan doontaa Maraykanka?
Sida ay sheegtay Hay'adda Sahminta Dhulka ee Maraykanka (US Geological Survey), intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023, Maraykanku wuxuu 70% ka mid ah macdantiisa naadirka ah kasoo iibsaday Shiinaha.
Tani waxay la micno tahay in xayiraadda cusub ee Shiinuhu soo rogay ay si adag u saameyn karto Maraykanka.
Macdantan waxaa si ballaadhan loogu adeegsadaa qeybaha kala duwan ee milatariga, sida gantaallada iyo qalabka raadaarka.
Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Cilmibaarista Caalamiga ah (CSIS), qeybo badan oo ka mid ah tignoolajiyadda milatari, sida diyaaradaha F-35 iyo gantaallada Tomahawk, waxay ku tiirsan yihiin macdanahaan.
Warbixintu waxay leedahay: "Iyadoo la adeegsanayo macdanahaan, Shiinuhu wuxuu sameynayaa hub iyo qalab casri ah oo xawaare ahaan ka badan Maraykanka shan ilaa lix jeer."
Thomas Kraemer wuxuu sheegay in xayiraadda Shiinaha ay saameyn weyn ku yeelan doonto warshadaha difaaca ee Maraykanka.
Laakiin saameyntu kuma koobnaan doonto kaliya waaxda difaaca; hannaanka wax-soo-saarka ee guud ahaan Maraykanka ayaa si daran u dhaawacmi doona.
Waxaa muhiim ah in la xusuusto in Madaxweyne Trump uu u sababeeyo canshuuraha culus ee uu Maraykanku saaray qeyb ka mid ah badeecadaha isagoo sheegay in uu doonayo in dib loo soo celiyo warshadeynta dalka.
Dr. Harper wuxuu sheegay in shirkadaha wax-soo-saarka ee ka shaqeeya difaaca iyo tignoolajiyadda laga yaabo in ay la kulmaan yaraansho agab iyo dib-u-dhacyo ka dhasha hakadka sahayda.
Wuxuu sidoo kale yidhi: "Waxaa la filayaa in qiimaha macdanta naadirka ah uu sare u kaco, taasoo kordhin doonta qiimaha qaybaha lagu isticmaalo aaladaha laga bilaabo taleefannada casriga ah ilaa qalabka ciidanka."
Waxaa sidoo kale cad in Trump uu durba qorshe ka leeyahay arrintan. Toddobaadkan, wuxuu amar ku bixiyay in la sameeyo baaritaan ku saabsan khatarta ay leedahay ku-tiirsanaanta Maraykanka ee macdantan la xiriirta amniga qaranka.
Sida uu qabo amarkaasi: "Madaxweyne Trump wuxuu aqoonsan yahay in ku-tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee macdanta muhiimka ah iyo wax-soo-saarka kasoo baxa ay halis gelin karto awoodda difaaca Maraykanka, horumarka, iyo hal-abuurnimada tignoolajiyadda."
'Macdanta naadirka ah waa laf-dhabarta amniga qaranka iyo xasilloonida dhaqaalaha.'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraykanku miyuusan soo saari karin macdahaan?
Maraykanku wuxuu leeyahay hal meel oo kaliya oo hadda si rasmi ah looga qodo macdantan naadirka ah, balse ma laha awood uu ku kala saaro kuna farsameeyo macdantaas.
Ilaa sanadkii 1980, waxaa jiray shirkado ku yaalla Maraykanka oo soo saari jiray biraha birlabta ah ee laga sameeyo macdantan naadirka ah, waana sidoo kale waqtigii uu Maraykanku ahaa soo-saaraha ugu weyn ee macdantaas. Laakiin shirkadahaan waxay suuqa uga baxeen markii Shiinuhu bilaabay in uu xukumo qaybtaas, sababo la xidhiidha qiimaha jaban iyo wax-soo-saarka baaxadda leh ee uu sameynayay.
Waxaa laga yaabaa in taasi tahay sababta uu Donald Trump u doonayo inuu heshiis la saxiixo Yukrayn si uu u helo khayraadka macdanta dhulkaas taas, si uu hoos ugu dhigo ku-tiirsanaanta Shiinaha.
Waa in la ogaadaa in Yukrayn leedahay kayd aad u ballaadhan oo macdano naadir ah, balse badankood waxay ku yaallaan deegaanno hadda uu xukumo ciidanka Ruushka.
Trump wuxuu sidoo kale indhaha ku haya Greenland, taasoo inkastoo ay hodan ku tahay macdanta, haddana laba meelood meel dhaqaalaha ay ku tiirsan tahay waa taageerada Dowladda Denmark.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu si isdaba joog ah uga hadlay inuu helo gacanta iyo maamulidda gobolkaas. Markii dib loo doortay wuxuu yidhi: "In la helo lahaanshaha iyo xukunka jasiiraddan weyn (Greenland) waa baahida ugu muhiimsan ee Maraykanku maanta leeyahay."
Kuwani waa meelaha uu Maraykanku ka heli karo sahayda macdanaha naadirka ah, balse ka dib mowqifka adag ee Trump ku qaatay meelo badan, waxay u muuqataa in Maraykanku haysto fursado yar oo kale.
Dr. Harper wuxuu leeyahay: "Maraykanku wuxuu wajahaya laba dhibaato: wuxuu cadhaysiiyay Shiinaha oo haysta suuq keligii ah oo macdantan ah, isla markaana wuxuu cadow ka dhigay dalal horey loola shaqayn jiray iyadoo la adeegsaday canshuuro iyo tallaabooyin kale."
"Waxa hadda la sugayaa waa in la arko haddii dalalkan ay weli doorbidi doonaan in ay la shaqeeyaan Maraykanka, iyada oo la tixgelinayo jahawareerka siyaasadeed ee ka jira maamulka Maraykanka."













