'wuxuu ku dhacay dhulka isaga oo mindidu weli wadnaha kaga taagan tahay'

    • Author, George Torr
    • Role, Derby

Haybe Cabdiraxmaan Nuur ayaa toorri la dhacay nin la yidhaadho Gurvinder Johal oo da'diisu ahayd 37 jir. Waxa uu kaga dhuftay wadnaha, sida ka muuqata weerar ay duubtay kamaradda CCTV-ga. Weerarku waxa uu ka dhacay Lloyds Bank oo ku yaalla waddada St Peter, Derby, saacaddu markay ahayd 2:30 xilliga maxalliga ah, maalintii ay taariikhdu ahayd 6-dii May.

Mr. Haybe ayaa la sheegay in uu dalka UK ku yimid doon yar kaddib markii uu dhowr sano ku sugnaa qaybo kale oo Yurub ka mid ah.

Arbacadii ayaa lagu xukumay xabsi qaadnaya ugu yaraan 25 sannadood.

Qoyska wiilkooda la dilay oo joob-joog ka ahaa maxkamadda ayaa ku tilmaamay in uu ahaa shaydaan saddex carruur ah dhaafiyay aabbahood.

Maxkamaddu waxay dhagaysatay in dilaaagu markii hore uu 2016-kii ka tagay Soomaaliya una safray Liibiya, markaas oo loo soo diray 1,800 doollar si uu ugu raaco doon tagaysa Yurub.

Taariikhdu markii ay ahayd Oktoobar 2024-kii ayuu galay dalka Ingiriiska, iyada oo la rumaysan yahay in uu mukhalasiinta siyay lacag dhan €400 (£352). Waxa uu hore u joogay Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka, Luxembourg iyo Netherlands.

Louis Mably KC ayaa maxkamadda u sheegay in Haybe uu si sharci-darro ah u iibin jiray sigaarka intii uu ku noolaa xeryaha Faransiiska iyo Talyaaniga, islamarkaana uu isagu ahaa cidda qorshaysay safarka uu ay kaga baxday €400 ee uu ku tagay dalka Ingiriiska.

Garsooraha Shaun Smith oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa yidhi: "Waxaad si cad oo dadweynahu wada arkayaan u dishay [Mr Johal]."

"Waxaad samaysay falkaas adigoo mindi wata, inaad doorato Mr Johal oo aad wadnaha mindi kaga dhufato– nin aanad weligaa aqoon, waxay ahayd fal naxdin iyo qalbi-jab ah.

"Tani waxay ahayd filin daawashadiisu naxdin tahay oo dhab ah oo uu ka naxay qof walba oo daawaday."

Ninkan 47-jirka ah ayaa codsaday magangalyo bishii Oktoobar sannadkii hore, isla markii uu UK yimid. Codsigiisa waxaa diiday Xafiiska Arrimaha Gudaha, bishii January 2025 -kii".

Wuxuu markii dambe racfaan ka qaatay go'aankaas, waxaana ju socotay dib-u-eegis xilligii uu dilku dhacayay.

Ma jirin dambi hore oo uu Haybe ka gaystay dalka UK, laakiin waxaa laga qabtay magaalada Derby 13kii December 2024-kii markii uu la murmay nin kale.

Maxkamaddu waxay ogaatay in Haybe uu "u orday waddada " oo uu madaxa ku dhuftay ninkaasi, islamarkaana dadka Ingiriiska ugu yeedhay"cunsuriyiin."

Dacawad-oogaha ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in jabiyey daaqad ku taal dukaanka taleefannada ee Derby bishii Abriil.

Haybe oo ay maxkamaddu ku heshay in uu cabbay saddex dhalo oo khamrada vodka iyo 10 dhalo oo biir maalintii uu dilka gaysanayay.

Laga soo bilaabo subaxdii iyo horraantii galabnimada ayaa Haybe wuxuu muujiyey xanaaq wuxuuna ku hanjabay in uu naftiisa dilo iyo inuu dadka kale layn doono.

'Xaalad jahawareer ah'

Isaga oo faahfaahin ka bixinayay sidii uu dilku u dhacay ayaa Mr Mably KC wuxuu yidhi: "Haybe wuu istaagay oo wuxuu galay bangiga. Waxii gudaha ka dhacay waxaa arkay dhowr macaamiil ah iyo shaqaale bangiga ka tirsan, waxaana dhacdada duubtay CCTV."

Waxuu la soo baxay mindi, isaga oo aan bixin wax digniin ah iyo xilli loogu diyaargaroobo weerarkiisa. Waxa uu kala eegtay wadnaha.

Cidna si wacan uma ay ogaan karin waxa dhacay, maaddaama la galay xaalad jahawareer ah.

Ninka dilka gaystay ayaa markaas kaddib waxa uu bilaabay in uu si tarttib ah uga baxo bangiga oo uu bannaanka u lugeeyo. Waxa uu u muuqday nin deggan. Taas ayaana keentay in lagu jahawareero in ay wax dhaceen iyo in kale.

Mr Johal wuxuu ku dhacay dhulka isagoo mindida weli wadnaha kaga taagan tahay. Shaqaalaha bangiga ayaa wacay 999. Inkastoo la isku dayay in la badbaadiyo, haddana, Mr Johal waxa la sheegay in uu isla goobta ku dhintay saacaddu markay ahayd 3:16.

Maxkamaddu waxa ay ogaatay in uu Nuur keliya ku sugnaa gudaha bangiga muddo aad u kooban.

Maxkamaddu waxay laga hor sheegay in Haybe markii dambe la raadceeyay oo la qabtay dhowr saacadood kaddib, markii boolisku heleen isagoo hurda qolka jiifkiisa.

Bishii May 2023, waxa lala xidhiidhiyay dambiyo ka dhacay Talyaaniga, bishii xigtayna waxa laga qabtay Jarmalka isaga oo dhacaya baaskiillo. Booliska Berlin ayaa hadda ka hor uga tagay xero ay ku nool yihiin dad magangalyo-doon ah, kaddib markii lagu wargeliyay in uu is dilayo.