Waa kuma madaxweynaha mar labaad la doortay ee ballan-qaaday inuu dalkiisa ka dhigi doono "Jarmalka Afrika"?

Natiijooyinka doorashada ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa sheegaya in Madaxweyne Felix Tshisekedi uu ku guuleystay 73% codadka, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka.

Balse hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay bannaan baxaan, iyagoo ku sababeeyay in codbixintu aysan caddaalad ahayn. Dadka indha indheeya doorashada ayaana sheegaya inay jiraan kumannaan waxyaabood oo aan kala caddeyn.

Waa kuma Tshisekedi?

Billowgii sanadkii 2019, markii ugu horreysay ee madaxtinnimada dalkaas loo doortay, madaxweynaha Congo Félix Tshisekedi wuxuu ballan qaaday in dalkiisa uu ka dhigi doono "Jarmalka Afrika".

Wuxuu ballan qaaday inuu kobcin doono dhaqaalaha uuna dadka u abuuri doono shaqooyin, iyadoo dalkaasi uu leeyahay kheyraad aad u badan balse haddana dadkiisu ay saboolnimo ku nool yihiin.

Afartii sano ee ugu horreysay ee uu xilka hayay, kuma uusan guuleysan xadafkiisii sare ee isbeddelka dalkaas, balse haatan wuxuu heystaa fursad labaad kaddib markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadan ;agu murmay. Waxaa lagu wadaa in la dhaariyo 20-ka bishan January.

Mr Tshisekedi ayaa markii ugu horreysay xilka qabtay iyadoo aysan xaaladdu hagaagsaneyn.

Waxaa si kedis ah loogu dhawaaqay ninka ku guuleystay doorashada madaxtinnimo ee lagu murmay, taasoo dadka qaar iyo kaniisadda saameynta leh ee Catholic Church, ay cabasho ka muujiyeen.

Ninka sida weyn ula loollamay ee mucaaradka ah Martin Fayulu ayaa sheegay in madaxweynihii xilka ka sii degayay Joseph Kabila uu heshiis qarsoodi ah la galay Mr Tshisekedi si uu guusha uga caawiyo – eedeymahaasoo si weyn loo beeniyay.

Mr Fayulu iyo musharraxiinta kale ayaa sidoo kale sheegay in doorashadii 2023 ay hareeyeen wax is daba marin waxayna codsadeen in lagu celiyo. Guddiga doorashooyinka ayaa beeniyay sheegashooyinkan.

Ilaa sanado yar kahor doorashooyin 2018, Mr Tshisekedi weligii siyaasad heer sare ah oo Congo kama uusan mid ahayn.

Waxaa aad loogu yaqaannay cidda lala xiriirin jiray – waa wiilka hoggaamiyihii mucaaradka ee geeriyooday Étienne Tshisekedi.

Si kastaba si fudud ugama uusan macaashin magaca aabbihii wuxuuna siyaasadda ku jiray isagoo aad u da’ yar, wuxuuna gaaray ilaa heerarka xisbiga.

Sidoo kale kale dhibaatooyin ayuu la kulmay ololihii siyaasadda ee aabbihii dartood.

Markii uu aabbihii aasaasay xisbiga Dimuqraaddiga iyo Horumarinta Bulshada ee magaciisa loo soo gaabiyo UDPS sanadkii 1982, qoysaska ayaa lagu qasbay inaysan soo dhaafin magaaladooda gobolka bartamaha ee Kasai.

Waxay halkaas joogee ilaa 1985, markaasoo ninkii ay muddada dheer is hayeen Étienne Tshisekedi, hoggaamiyihii keligii taliska ahaa Mobutu Sese Seko, uu hooyada iyo carruurta u oggolaaday inay baxaan.

Félix Tshisekedi ayaa kadib u wareegay caasimadda Biljamka ee Brussels. Kaddib markii uu waxbarashadiisa ku dhammeystay halkaas wuxuu galay siyaasadda, isagoo heer ka gaaray xisbigii aabbihiis noqdayna xoghayaha qaranka ee aarimaha dibadda ee UDPS.

Madaxii hore ee shaqaalaha xisbiga aabbihiis, Albert Moleka, ayaa sanadkii 2019 u sheegay BBC in Mr Tshisekedi "uu saaxiibbo culus iyo xulafo ka sameystay qurbojoogta dalkaas, balse mararka qaar hoos loo eegi jiray – marka aysan isagu u ahayn wax fudud".

Caleema-saarkii Mr Tshisekedi sanadkii 2019 ayaa keenay xoogaa rejo ah, maaddaama ay ahayd xukun kala wareegitaankii ugu horreeyay ee si nabad ah ku dhaca tan iyo intii uu dalkaasi xornimada qaatay 1960.

Xafladdii caleema-saarkiisa, wuxuu dadkii isugu yimid u sheegay inuu doonayo inuu "dhiso Congo awood leh, u jeesatay dhanka horumarinta nabadda iyo ammaanka - Congo dadkoo dhan ay u siman yihiin".

Mr Tshisekedi ayaa sheegay inuu ka dhigi doono la dagaallanka saboolnimada "arrin weyn oo qaran", yareyn doono shaqo la’aanta waxna ka qaban doono musuqmaasuqa.

Markii ugu horreysay xafiiska, Madaxweyne Tshisekedi wuxuu hirgeliyay waxbarashada hoose oo bilaash ah, iyadoo is diwaangelintu ay korortay in ka badan shan milyan oo aday.

Barnaamijka ayaa si kastaba waxaa lagu cambaareeyay inuu sababay in fasalladu ay buux dhaafaan meelaha qaar, halka macallimiintana aan lacag fiican la siin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hirgeliyay adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo loo qabanayo hooyooyinka ku dhalaya goobaha caafimaad ee hore loo asteeyay iyo isbitaallada ku yaalla caasimadda Kinshasa, kaasoo uu ballan qaaday inuu ku fidin doono dalka intiisa kale haddii dib loo doorto.

Wuxuu sidoo kale cadaadis saaray dib u eegidda qandaraasyada macdan qodidda dalkaas ee Shiinaha si dalkaasi uu usii heysto saami weyn oo kheyraadkiisa badan ah.

Khudbad uu bishii lasoo dhaafay jeediyay, wuxuu sheegay in dhaqaaluhu uu soo roonaaday, iyadoo saddex laab uu kordhay dakhliga oo ahaa $6bn (£4.7bn) billowgii xilligiisa uuna sanadkan gaaray $16bn.

Iyadoo kobocaas uu jiro, haddana dad badan oo reer Congo ah ayaa ka cabanayay hoos u dhaca Farankaha Congo oo saameyn ba’an ku yeelanayay noloshooda maalinlaha ah.

Markii uu u ololeynayay dib u doorashadiisa, wuxuu sameeyay isla ballan-qaadyadii shan sano kahor, sida abuuridda shaqooyin badan, inuu dhaqaalaha ka hdigo mid xasiloon iyo wax ka qabashada amniga saameeyay bariga dalkaas muddo 30 sano ah, ayna ka dhalatay dhimashada malaayiin qof.

Inta badan kheyraadka dabiiciga ah ee dalkan ayaa yaalla bariga halkaasoo ay ka jiraan rabshado inkastoo uu jiro isku dayga Tshisekedi ee ah wax ka qabasjada xaaladda sida soo rogidda go’doomin, heshiisyo xabbad-joojin iyo in la geeyo ciidamo goboleed.

Waxaa ka mid ahayd in ciidamo laga keeno Ururka Bariga Afrika, oo Congo ay sanadkii hore ku biirtay, iyadoo rajeyneysay inay hagaagaan ganacsiga iyo xiriirka siyaasadeed ee dalalka deriskeeda ah.

Si kasta arrimuhu uma shaqeyn sidii la qorsheeyay wuxuuna Mr Tshisekedi ku amray inay dalkiisa isaga baxaan, isagoo sheegay inaysan wax qabad lahayn. Wuxuu xusay inuu doonayo inuu ku beddelo ciidamo ka yimid urur-goboleed kale oo ay Congo xubin ka tahay – Ururka Horumarinta Afrikada Koofureed (Sadc).

Balse rajo yar ayaa laga qabaa inay xilli dhow yimaadaan.

Mr Tshisekedi ayaa sidoo kale codsaday in la soo afjaro howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee Congo, balse waxay taas dhalisay cabsi dhanka ammaanka ah maaddaama ciidamada dalkaas aysan u dhigmin kooxaha mucaaradka waaweyn ee iskood uga howlgala bariga Congo.