Maxaa ka caraysiiyay dadka reer Congo ee ku bannaanbaxaya ciidamada?

Toban qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyo looga soo horjeedo ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada Butembo ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay sheegeen saraakiisha booliska iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Dadka ay waxyeelladu soo gaartay ayaa isugu jira rayid dalkaas u dhashay iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrantay in dadka dibadbaxa dhigayay ay toogteen ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, balse arrintaas waxaa beeniyay howlgalka Qaramada Midoobay ee Monusco.

Ku-simaha madaxa Monusco, Khassim Diagne oo BBC-da la hadlay ayaa yiri "kooxo aad u abaabulan...ayaa buux dhaafiyay saldhigyadeenna, kuwaas oo isku dayay inay soo ridayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca".

Laakiin waxa uu carrabka ku adkeeyay in "Qaramada Midoobay aysan rasaas ku ridin dibad-baxayaal".

Diagne waxa uu sheegay in dadkii weerarka geystay Talaadadii ay ahaayeen "dambiileyaal" isu ekeysiiyay dibad-baxayaal, kuwaas oo ku andacoonayay in ay doonayeen in ay soo gudbiyaan qoraal - balse kaddib ay rasaas ku fureen markii ay ku soo dhawaadeen xarunta Qaramada Midoobay.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa deegaankaas ka dhacayay rabshado, iyadoo dadka deegaanka ay ku eedeeyeen Qaramada Midoobay inay ka gaabisay howlihii ay ahayd in ay wax ka qabtaan.

Bariga DR Congo ayaa weli waxaa ka jira xaalad kacsanaan ah iyadoo ay ka jiraan in ka badan 100 jabhadood oo dhaqdhaqaaqyo wada.

Waxa ay ahayd maalintii labaad ee mudaaharaad ay dadku ku dalbanayaan in Qaramada Midoobay ay la baxdo ciidamadeeda nabad-ilaalinta ee ku sugan dalkaas.

Maalintii Isniinta, banaanbaxan oo uu guubaabiyay garabka dhallinyarada ee dowlada ayaa isu beddelay rabshado, kaddib markii dad mudaaharaadayay ay xoog ku galeen oo ay bililiqeysteen xarumaha deegaanka ee howlgalka Qaramada Midoobay iyo saldhig ku yaalla magaalada Goma.

Ugu yaraan shan qof ayaa la dilay, sida ay saraakiishu sheegeen. Talaadadii ayay mudaaharaadyadu sii xoogeysteen.

"22 sano ayay Congo joogeen, mana jiraan wax shaqeynaya," Anselme Musimbwa oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha ayaa sidaa yiri. 

Dibad-baxe kale, Jack Sinzahera ayaa yiri: "Waxaan leenahay booliis noo gaar ah oo ilaalin doona amnigeenna iyo hantideena."

Mid ka mid ah sawirrada oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qof dhulka jiifa, halka qaar kalena ay ku qeylinayeen in ay toogteen ciidamada Qaramada Midoobay.

Isniintii, Diagne wuxuu yiri "ma ahan fowdo iyo jahawareer ama kala qaybsanaan inaan horumar ka sameyn doonno, xasillooni iyo nabadda ayaa muhiim ah.”

"Monusco waxay garab taagan tahay dadka, waxayna taageertaa difaaca qaranka iyo ciidamada ammaanka ee dagaalka kula jira kooxaha hubaysan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo Qaramada Midoobay ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Goma iyo magaalooyin kale oo ku yaalla bariga dalkaas, balse ma ahayn kuwo gaaray heerka ay hadda gaareen bannaabaxyada socda.

Ciidamo nabad-ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa ku sugnaa Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah in ka badan labaatan sano. Monusco ayaa xilka kala wareegay howgal hore oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalkaas sanadkii 2010-kii.

Laakiin, dadka dhaleeceeya ayaa tilmaamaya in wakhtigaas aysan dhamaan dhaqdhaqaaqyada jabhadaha oo dadka gobolka ay weli ku sii nool yihiin xaalad amni-darro.

Monusco waxaa hadda dalka ka jooga ku dhowaad ​​18,000 oo askari, oo ay ku jiraan in ka badan 12,000 oo askari oo ka socda dalalka Pakistan, Hindiya iyo Bangladesh. Waxaa loo malaynayaa in Qaramada Midoobay ay hoos u dhigto tirada ciidamadaan inkastoo aan taariikhda la cayimin.

Waxaa kor u kacay iska-hor-imaadka halkaas ka socda oo ay ku lug leeyihiin dhowr kooxood oo hubaysan oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa M23 iyo Xoogagga Dimuqraadiga ah.

Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah ayaa ku eedaysay dalka ay jaarka yihiin ee Rwanda inay taageerto M23, taas oo Rwanda ay beenisay. Saddex toddobaad ka hor, labada hoggaamiye ee waddanku waxay ku heshiiyeen "hannaanka xasilinta" bariga Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah.

Dowladdu waxay sheegtay inay ka codsatay ciidamada iyo booliska inay soo celiyaan xasilloonida magaalada Goma.