Sababaha keenay in cudurka duumada ee Soomaaliya uu si weyn hoos ugu dhaco

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku guuleeysatay yareynta heerka baahsanaanta duumada oo ahayd markii hore 20.1% sanadkii 2015 taas oo ay ka dhigtay ilaa 4.1% 2023, meelaha ay sida aadka ah u saameysay duumadu iyada oo la qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin jawaab celinta cudurka oo isku dhafan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hormuud ka ahayd shaqadan, iyadoo taageero farsamo ka heshay WHO iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) iyo taageero maaliyadeed oo ka timid Sanduuqa Caalamiga ah ee Global Fund.

Talaabooyinka la qaaday waxaaa ka mid ah ka hortagga, joojinta iyo tallaabooyin dheeri ah. Barnaamijka duumada ee Soomaaliya ayaa hoos u dhigay cudurka illaa 3.4% sanadkii 2022, sida lagu diiwaangeliyay Barnaamijka Qaran ee Xakamaynta Duumada. Sare u kaca yar ee kiisaska sanadkii 2023 oo gaartay ilaa 4%, waxaa sabab u ah saamaynta ka dhalatay abaaraha iyo fatahaadaha dalka.

Xuska Maalinta Duumada Adduunka ee 2024, Dr Sagal Rooble oo ah maamullaha waaxda Malaariyada Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ayaa uga mahadcelisay hay’adaha wada shaqaynta la leh iyo deeq bixiyayaasha Soomaaliya in ay Soomaliya gaarto horumarkan la taaban karo. Waxa ay sidoo kale ku boorrisay in la sii wado taageerada saaxiibada ay u fidiyaan Soomaaliya si wax looga qabto noocyada cusub ee duumada ee ka soo baxaya dalka iyo in la joogteeyo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah duumada guud ahaan Soomaaliya.

Intii lagu jiray 2023, Soomaaliya waxay si isa soo taraysa u ogaatay nooc cusub oo duumada ah oo ah Plasmodium falciparum, kaas oo ay adag tahay in lagu ogaado baarista caadiga ah ee ogaanshaha degdega ah, iyo sidoo kale waxyeelada ka dhalan karta nooca cusub ee cudurka duumada, kaneecada Anopheles stephensi, ayaa laga helay degmooyin dhowr ah.

Maxaa suurtageliyay hoos udhaca heerka duumada soomaaliya

Haddaba maxaa Soomaaliya u suurta geliyay in ay si aad ah ay hoos ugu dhigto heerka kiisaska duumada , su’aashaas ayaan waxa aan weeydiinay Dr Sagal Rooble, Maamulaha Barnaamijka Malaariyada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay hirgaliyeen barnaamij ay kula soconayaan kiisaska Malaariyada taas oo ay ku ogaanayaan meelaha ay ka dhacaan kiisaska malaariyada .

“ Kiisaska ugu badani waxa ay ka dhacaan meelaha ay fatahaadaa iyo roobabka badani ka da’aan iyo xuduudaha Kenya iyo Itoobiya sida Beled-Xaawo iyo Dooloow” Waxa aan leenahay nidaam lagu maamulo kiisaska malaariyada sida tijaabo degdeg ah oo malaariyada lagu ogaanayo , haddii malaariya ay sheegto tijaabadaasi waxa aan u sii dirnaa baaritaan dheeri ah" ayey intaasi ku dartay Dr Sagal Rooble .

Talaabooyinka keenay in uu hoos u dhaco heerka malaariyada Soomaaliya waxaa kale oo ka mid ah abaartii dhacday 2020 ilaa 2021 .

Marka roobabku da’aan kiisasku waa ay kordhaan, marka ay abaari jirtana hoos ayey u dhacdaa malaariyada. “ Maadaama lagu jiro xilli roobaad waxaa laga yaabaa in hadda ay kiisasku sare u kacaan.

Talaabooyinka kale ee hoos u dhigay kiisaska waxa ka mid ah dadka oo loo qeeybiyay maro kaneeco meelaha ay ku badan tahay kaneecadu.

Meelaha ugu badna ee malaariyadu ay ka jirto waxaa ka mid ah Jubbaland iyo Koonfur glabeed , waxaana taasi sabab u ah habka dhaqan dhaqaale ee ay dadkaasi u nool yihiin iyo xarumaha barakaca oo ku badan.

Dhinaca Somaliland, Puntland iyo Galmudug waxaa jira degmooyin dhan oo aanba laga helin malaariyada, sdia ay sheegtay Dr Sagal.

Waxyaabaha sababa in cudurka duumadu uu fido

Abaar daba dheeraatay ayaa Soomaaliya saameyay intii u dhaxeysay 2022 ilaa 2023, waxaana tan iyo markaas dalka ka da’ay roobab xooggan oo ka dhashay El Nino. Isbeddellada degdegga ah ee noocan oo kale ah ee cimilada, oo ay ku jiraan heerkulka, qaababka roobabka iyo qoyaanka, waxay si fudud u horseedi karaan fidin kale oo juqraafi ah ee gudbinta duumada ama kala duwanaansho cusub.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa ku nool dad aad u tiro badan oo kala ah: reer guuraa, barakacayaal, iyo dad kasoo galaya dalalka deriska la ah sdia Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yemen. Tani waxay keentaa inay kordhiso faafitaanka cudurada oo ay ku jirto duumada, taasoo ay ugu wacan tahay arrimo gacan ka geysanaya faafitaanka , sida deegaan ciriiri ah, helitaanka daryeel caafimaad oo xaddidan, iyo wacyigelin la'aan.

Dr Jamaal Amran, oo ah u qaabilsanaha WHO Soomaaliya u qaabilsan xakameynta duumada, ayaa sheegay : Cudurku wuxuu sidoo kale sii wadaa in uu dhaliyo saameyn caafimaad in uu ku yeesho isbedelka cimilada

Maadaama uu si aan qiyaas lahayn u saameeyay dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan haweenka uurka leh, carruurta da'doodu ka yar tahay 5 sano, kuwa qaxootiga noqday, muhaajiriinta iyo dadka gudaha ku barakacay. Xafiiska WHO ee dalka Soomaaliya, oo kaashanaya UNICEF, ayaa sii wada taageerada Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka si loo hirgeliyo Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Qaranka ee Duumada Soomaaliya 2021-2026.

"Ogaanshaha noocyada cusub ee duumada, oo ay keentay, amni darrada joogtada ah iyo saameynta caafimaad ee ka dhalatay isbeddelka cimilada, ayaa laga yaabaa inay sii xumeyso xaaladda duumada ee dalka".

Duumadu waxay si toos ah khatar u gelisaa caafimaadka waxayna dishaa nolosha. Cudurku wuxuu sidoo kale dhaliyaa sinaan la’aan, maadaama uu si aan qiyaas lahayn u saameeyo dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan haweenka uurka leh, carruurta da'doodu ka yar tahay 5 sano, qaxootiga, muhaajiriinta iyo dadka gudaha ku barakacay.

Xafiiska WHO ee dalka Soomaaliya, oo kaashanaya UNICEF, ayaa sii wada taageerada Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka si loo hirgeliyo Qorshaha Istiraatiijiyadeed Qaran ee Duumada Soomaaliya 2021-2026.

Caalamka, qiyaastii 2.1 bilyan oo kiis iyo 11.7 milyan oo dhimasho ah ayaa laga hortagay intii u dhaxaysay 2000 iyo 2022. Inta badan kiisaska (82%) iyo dhimashada (94%) waxaa ka hortagay WHO Afrika.

Dalalka uu ku badanyahay cudurka duumada

Afrika waxa ay hoy u tahay 11 waddan kuwaas oo ay ka jiraan ku dhawaad 70% culayska guud ee duumada adduunka: dalalkaasi waxay kala yihiin Burkina Faso, Cameroon, Democratic Jamhuuriyadda Dimuquraadigga ee Congo, Ghana, Mali, Mozambique, Niger, Nigeria, Sudan, Uganda iyo Tanzania.

Horumarkii laga samayn lahaa cudurka duumada ayuu hakad ku yimid dalalkan Afrikaanka ah ee culayska badan uu ka jiro tan iyo 2017 sababo ay ka mid yihiin xasaradaha bini'aadantinimo, helitaan la'aanta iyo tayada adeegyada caafimaadka oo yar, isbedelka cimilada, caqabadaha la xiriira jinsiga, khataraha noolaha sida cayayaanka iyo iska caabbinta dawada iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee adduunka. Nidaamyada caafimaad ee jilicsan iyo gaabiska ka jira xogta iyo ilaalinta ayaa sii kordhisay caqabadda.