You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee Waare uga faa'iideyn doonaa Soomaaliya booska cusub ee loo magacaabay ee IGAD?
Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynihii hore ee dowladda goboleedka Hirshabeelle u magacaabay ku xigeenka xoghayaha guud ururka.
Soo jeedinta magacaabista ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, waxaa gudbiyay dowladda Faderaalka Soomaaliya, balse waxaa magacaabay wasiirka arrimaha dibbada ee dalka Jabuuti, ahna shir guddoonka golaha wasiirada dalalka ku midoobay IGAD. Sidoo kale waxaa ansixiyay guud ahaan madaxweynayaasha waddamada ku bahoobay ururka.
Shirkii 41-aad ee madaxda dalalka IGAD ay ku yeeseen dalka Jabuuti ayaa noqday kii lagu ansixiyay in Maxamed Cabdi waare uu noqdo ku xigeenka xogeeyaha ee ururka.
Waare ayaa noqonaya ninka labaad ee ugu sareeya IGAD, isaga oo masuul ka noqon doona fulinta arrimaha lagu heshiiyo marka ay dhacaan kulmada ururka.
Maxamed Cabdi Waare oo BBC-da u warmay ayaa sheegay in booskaan uu yahay mid muhiim ah, oo sare uu u qaadi doono doorka Soomaaliya ee gobolka.
"Waa markii ugu horeysay oo booskaan oo kale ururka qof Soomaali ah uu ka qabto," ayuu BBC u sheegay Waare.
Siduu Soomaaliya ugu faa'iideyn doonaa booska?
Booskaan oo ah mid dhawaan la sameeyay horayna aan uga jirin ururka dhexdiisa, ayuu sheegay Maxamed Cabdi Waare in uu Soomaaliya ka caawin doono in ay ka dhax muuqato siyaasadda ururada gobolka iyo aduunka oo dhan.
Ku xigeenka xogeeyaha ururka IGAD waxaa uu carabka ku adkeeyay in kursigaan uu noqon doon mid lagu raadiyo danaha Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale iyo amni ee ka jira Soomaaliya.
"Inkasta oo aan matalo siddeed waddan oo ururkaan uu ka kooban yahay, oo si cadaalad ahna aan ugu shaqeeyn doono, haddna anigu waxaan ahaan doonaa af ay ku hadasho dowladda Soomaaliya - miis looga hadlo arrimaha Soomaaliya, meel dhaqalaaha iyo wax ka tan weyn loogu raadiyo, iyo kursi maxfalka caalamka Soomaaliya arrimaheeda geeya," ayuu BBC u sheegay Waare.
Arrimo dhawr ah ayuu sheegay inuu diiradda haatan ku saari doono fursad u raadinta Soomaaliya ee dalalka gobolka iyo caalamka; dagaalka dowladdu ay kula jirto al-Shabab, xasilinta amniga guud iyo dib usoo celinta dowladdnimada ayuu ku qeexay aimahaas.
"Xafiska ugu weyn ee IGAD waa kan amniga iyo siyasadda, marka xafiiskas oo kale ayay Soomaaliya arrimaheeda marsiisan doontaa", ayuu raaciyay hadalkiisa.
Muddo xileedka booskan ayaa ah muddo afar sano ah, in kasta oo loo cusbooneynsiin karo masuulka markaas ku fadhiya marka uu waqtigiisu dhamaado.
Maxamed Cabdi Waare wuxuu dowladda Soomaaliya ka shaqo bilaabay markii uu ka qalin jebiyay dugsiga sare ee beeraha Afgooye sanadkii 1979-kii, isaga oo markii dambe kamid noqday arday deeq waxbarasho ka heshay Mareykanka si loo xoojiyo wax soo saarka beeraha dalka.
Wuxuu muddo 10 sano ah ka shaqeyanayay wasaaradda beeraha, isaga oo ahaa isuduwaha arrimaha beeraha e wasaaradda u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Burburkii kaddib muddo 10 sano ah waxaa uu lasoo shaqeeyay ha'yadda Laanqeyrta Cas, gaar ahaan xilliggii dhibaatooyinka amni darrada iyo macluusha ay dalka saameeyeen.
Wuxuu lasoo shaqeeyay ha'yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada iyo beeraha.
Wuxuu sidoo kale wakhti gaaban lasoo shaqeeyay ha'yadda UNDP gaar ahaan mashruucii dib u dhiska dowladdii kumeel gaarka aheyd ee uu hogaaminayay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Sanadahaan dambe wuxuu noqday madaxweynihii dowladda Gobaleedka Hirshabeelle, wallow uu markii danbe iska cesilay. Wuxuu noqday ninkii labaad ee madaxweyne ka noqda dawlad goboleedkaas.
Dawladda haatan talada haysa ee uu hugaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ka noqday ergeyga garaka ah ee u qaabilsan madaxweynaha xasilinta iyo iyo ilaalinta rayidka ee goobaha dagaalada.
Waare waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u gartay in loo magacaabo booska, maadama uu leeyahay khibrada sare.
"Mahad haka gaarto, madaxweynaha Soomaaliya ayaa aniga i soo magacaabay, dowladdaha kalana waa aqbaleen ... madaxweyne kasta iyo dowladda kast waa soo ogalaatay...ugu danbeyna waxaa lagu ansixiyay shirkii jabuuti oo ay wada joogeen," ayuu Waare u sheegay BBC.