You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee loola tacaali karaa dadka markay hadlayaan shigshiga?
"Waan ka baqi jiray inaan dugsiga tago subaxii. Waxaad odhan jirtay 'madam xaadir' ama 'haa marwo'. Mar walba waxaan idhi 'haa hooyo'. Mar walba waxaan isku dayi jiray inaan hadal yar ka hadlo sababtoo ah way ii fiicnayd.
Aditya oo ah magac qoraaleed aan asal ahayn waa 35 sano jir injineer bartay software, wuxuu shaqaalaysanayaaa qof ka caawiya si uu xal ugu helo dhibka ka haysta hadalka
Isagoo la hadlayay weriyaha BBC Payal Bhavan, wuxuu yiri, 'Haddii aan gafno maxaa khaladkayaga ah? Ilaahay wuxuu noo abuuray sidan, waa la igu majaajilaysan jiray xitaa xilligii carruurnimadaydii, waxaanay u badan tahay inaan sidan sii ahaan doono inta noloshayda ka hadhay.
Sida laga soo xigtay cilmi-baaris, waa boqolkiiba siddeed carruurtu aanay luuqaddoodu faseexa ahayn, markay hadlayaan. Laakiin inta badan carruurta dhibaatadani way ka hartaa waqti ka dib, sidoo kale qaar badan ayaa u arka farqi yar halka qaarkood ay u arkaan inuusan jirinba wax isbaddal ah.
Samir iyo dulqaad filo
Sida iska cad waalidiintu waxay ka walwalsan yihiin inay carruurtoodu shig shigaan oo waxay raadiyaan xalka dhibaatadan carruurtooda.
Iyadoo la hadlaysa barnaamijka podcast-ka ee BBC Sounds ee Saacadda Haweenka, hooyo Gerry waxay sheegtay in wiilkeeda uu bilaabay shig shigida inta u dhaxaysay da'da shan ilaa lix jir.
“Markii wiilkeennu ahaa shan, lix, waxaan xaqiiqsaday inuu dhab ahaantii shig shigayo. Waxaan u maleyneynay inay taasi tahay waxa carruurtu sameeyaan. Maanu garanayn si aanu u caawin karno, waxaanu ugu ducaynay inuu iskii u soo roonaado” ayey tiri Gerry.
Waxay sheegtay inay isku dayeen inay fuliyaan rabitaanka wiilkooda si ay u caawiyaan laakiin waxay marar badan xasuusan jireen erayadii ku dhegdhegi jiray kuwaas oo isaga niyad jabin jiray oo xitaa uu la xanaaji jiray kuwasoo marar ka muuqan jirtay inuu ka bixinayo dareen taag daran.
Adity, oo deggan Noida oo Hindiya ka tirsan ayaa sheegay in marar badan dadku dhammaystiraan jumladaha shigshiggan kuwaas oo aan sax ahayn.
Waa inaa fursad naloo siinaa inaa dhamaysanno hadalkeenna. Waa dareemi karaa inaa isku dayeyso inaa naga caawiso niyad wanasgan laakiin waan ku daalnay taas, balse waxaan ka filayno waa inaa inyar noo dulqaadato ayuu intaas raaciyey.
Heerarka shigshigidda
Weriyaha BBC Payal Bhavan ayaa sidoo kale la hadlay Sheshupal, oo ah daaweeyaha hadalka ee deeganka Noida.
Sheshupal waxay sheegtay in shigshigowga loo kala qaybin karo saddex heer.
Shigshigidda yar, midka dhexdhexadka ah kaas oo ka cod dheer kan caadig ah iyo midka gaara heerka daran.
Carruurta ku jira kan heerka kowad ah ee yar waxaa laga yaabaa inay dhaqso u bogsadaan, waxaana laga yaabaa inay arkaan horumar la taaban karo ka dib afar ilaa shab bilood oo daaweyn la siiyo.
Daaweynta midka aadka u daran ee heerka saddexaad waa mid aad u adag, waxayna u baahan tahay dadaal dheeri ah oo dhinac ilmaha ah.
La talinta daawaynta
Aditya waxaa uu sheegay in xilligii caruurnimadiisa uu moodi jiray in shig shigidda aan weligeed laga bosan doonin, dawaduna aad bay qaali u ahayd waqtigaas oo xitaa muusan haysan lacagta daawaynta.
Gerry waxay BBC Sounds u sheegtay in wiilkeeda uu cod dheer ku dhawaaqi jiray iskoolka marka uu shig shigayo, macallinkuna u sheegi jiray in ilmaheedu soo daahay, waxaan ka maqnayd isku kasloonida, laakiin marka la barayo suugaanta marar badan carruurta noocaas ah way ku istaagtaa ayey intaa ku dartay.
Waa inaa fahantaa ardayga sida cunuggayga oo kale oo la siiyaa waqti yar oo dheerad ah, saxna maaha in la dhaho wuu soo daahay.
Sheshupal oo daaweyeena xanuunkan ayaa ku nuux nuuxsaday in mararka qaarkood dadka shig shigaa ay u baahan yihiin daaweyn.
Wuxuu intaa raaciyey in marar badan la arko in dadka shigshigowga qabaa ay kalsoonidoodu hoosayso, waayo waxaa maskaxdooda ku sii jirta in haddii ay wax khaldan sheegaan dadka kale ku qosli doonaan.
Tani inta badan waxay dhacdaa marka dadka hadalka shigshigaa ay la fariistaan dad badan iyagoo ka fekera waxay oron karaan marka qof wax waydiiyo.
Aditya waxa uu dib u xusuustaa maalmihii ugu horreeyay ee shaqo raadistiisa, wuxuu sheegay in u fariisan jiray imtixaanaadka shaqada baslse uu ku guul darraysan jiray marka ugu dambaysa markasta.
Wuxuu intaa ku daray inuu markii dambe si tartiib tartiiba u fahmay in shigshigadda hadalkiisa ay tahay dhibaatada ugu badan ee u shaqada u heli waayey.
Aditya waxa uu maray dhawr qaybood oo daawayn ah waxana uu ka shaqeeyay nafsaddiisa, dhibaatadii uu ku jahawareeray ayaan la xaliyey
Maxaa habboon in maskaxda lagu hayo?
Sida laga soo xigtay Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK, kuwani waa waxyaabo ay tahay inaad maskaxda ku hayso mar kasta oo aad la kulanto qof shigshigaya.
- U samir, ha ka dhex gelin marka ay hadlayaan.
- Ha ka codsan inay si degdeg ah ama tartiib ah u hadlaan.
- U fiirso siday u hadlayaan intii aad eegi lahayd waxay ku hadlayaan
- Markaad la hadlayso ilmaha, si degan ula hadal, isticmaal jumlado gaagaaban iyo luqad fudud.
- Sii wakhti buuxa si ay u fahmaan waxaad sheegayso.
Haya’adda Adeegga caafimaadka ee UK (NHS) waxay sheegtay in shigshigidda ay sababi karaan sababo badan. Mararka qaar waxay noqon kartaa cabsi owgeed.
Waxaad qaadan kartaa daawada da' kasta, laakiin sida ugu dhaqsaha badan ee aad u bilowdo daawada ayaa ah tan ugu fiican.
Ugu dambayntii Gerry iyo Aditya waxay ku talo bixiyeen in la siiyo fursad dadka qaba shigshigowga ilaa mustaqalka lala dhisayo inay noqdaan kuwa ka gudba.
Isagoo gunaanadkii hadlaya Aditya waxaa uu sheegay inay habboon tahay in dadku joojiyaan inay ku jees jeesaan dadka shigshigga qaba taas uu shegay inay kor u qaadi karto kalsoonida.