You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Todobaad ka dib qabsashadii Goojacadde maxaa xiga labada dhinac
Khilaafka siyaasadeed ee Sool waa mid mar walba keenaya in lagu dagaallamo gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed isugu magacawday Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu safar ku tago degmada Oog oo ka tirsan gobolka Sool.
Booqashada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu niyadda ugu dhisayo ciidamada halkaas ku sugan.
Askar ka tirsan ciidankii ka dagaallamayay Laascaanood ee Somaliland ayaa dagaalka ku geeriyooday iyadoo qaarna la qabsaday.
Degmada Oog waxaa ku sugan ciidamada Somaliland ee joogi jiray Laascaanood iyo kuwa kale oo lagu soo kordhiyay.
Dhinaca kale degmada Guumeys oo 21-KM u jirta Oog ayaa la sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, uu geeyay ciidamo. Ma kala cadda inay yihiin ciidamo uu Karaash ka keenay Puntland iyo inay yihiin ciidan kuwa deegaanka ah.
Somaliland waxay hore ugu eedeysay Puntland inay dagaalka qayb ka tahay.
Saan-saan dagaal
Somaliland waxay sheegtay in ay ka jawaabi doonaan wax ay ku tilmaameen "weerarkii lagu soo qaaday ciidanka Goojacadde jooga". Dhanka odayaasha dhaqanka ee deegaankaasna waxay sheegeen inaysan weerar qaadi doonin oo ay "sugayaan xuduuddahooda", haddiise la soo weeraro waxay si BBC u sheegeen in aysan "gacmaha laaban doonin".
Suurtogalnimada ah in dagaal uu mar kale dhaco lama baciidsan karo. Hogaamiyaha maamulka Khaatumo oo maanta hadal ka jeediyey masjid-jaamaca Laascaanood wuxuu dadka weydiistay in aan magaalada lagu soo celin dadka nugul sida carruurta.
Qiyaastii 50,000 oo qof ayaa la sheegaa inay ka qaxeen magaalada.
Inkastoo uusan sheegin sababta, misna waxaa loo fasirtay in weli dhiillo ay taagan tahay.
Sheegashada gobolka Sool
Haddaba maxay tahay sababta gobolka Sool uu ugu jiro mushkiladda la xiriirta waxa uu noqonayo cidda maamulaysa?
Faysal Axmed warsame oo ahaa guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka Puntland ayaa mar sii horeysay BBC-da u sheegay in mushkilad xooggan oo dhinaca sharciga ay ka jirto gobolka Sool.
“Sool waxaa taalla mushkilad xagga sharciga ah oo aad u xoog badan, dhanka sheegashada, dastuurka Puntland waxaa ku qoran Sool in ay ka mid tahay gobollada lagu aasaasay Puntland, halka Somaliland uu dastuurkeeda ku qoran yahay Sool Somaliland bey ka tirsan tahay , dastuurka federaalka wuxuu qabaa in gobollada Soomaaliya ay hoos yimaadaan Federaalka, arrinta waa mid xasaasi ah oo aan is leeyahay saddexdaas dastuur saameyn bey ku leeyihiin gobolkaas”
Dhawaan magaalada Laascaanood waxaa lagu dhisay maamulka kaas xilka kala waregay maamulkii hore ee madaxda dhaqameedka iyo guddigii 33-da ahaa ee waday howsha maamulka.
Laakiin Sool waxay udub dhexaad u tahay doodda gooni-isu-taagga iyo aqoonsi doonka Somaliland oo salka ku heysa inay ‘dal’ xuduudo cayiman leh, oo laga dhaxlay Ingiriiska ka hor madaxbanaanida iyo midowga Waqooyigu la galay Koonfur. Doodda sharciyadeed ee Somaliland waxay ahayd inay si buuxda, gacanta ugu heyso dhulkii Waqooyi ee Ingiriiska xorriyadda ka qaatay, oo ay islamarkaasna mudan tahay in loo aqoonsado ‘dal madaxbanaan’ iyada oo la tixraacayo heshiiskii horraantii lixdameeyada ee Midowga Afrika, kaas oo dhigayay in xuduudaha gumeystahu ka tagay sharci u yihiin sida gumeystuhu u asteeyay. Laakiin Soomaaliya way qaadacday heshiiskaas. Sool iyo Laascaanood la’aanteed waxay Somaliland ku qasbanaan doontaa inay hesho dood kale oo cusub oo lagu kabo aqoonsi-raadinta.
Xaaladda Maxaabiista Laascaanood
Shan iyo labaatankii bishii hore ee Agoosto dagaalkii dhacay Laasacnood ayaa la sheegay in ciidamo ka badan boqol askari oo saraakiil ku jiraan laga qabsaday Somaliland. Somaliland waxay walaac ka muujisay sida loola dhaqmay maxaabiista.
“Dowladda Somaliland waxay si adag u cambaareyneysaa wararka iyo sawirada internet-ka lagu faafinayo ee ku saabsan tacadiyada ka baxsan bani’aadannimada ee lagula kacay ciidamada Somaliland ee 25-kii Agoosto la qabtay”.
Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in baraha internet-ka lagu wadaagayo muuqaalo ciidamo Somaliland oo si araxan darro loo jirdilayo.
Somaliland ayaa sidoo kale ka dalbatay beesha caalamka in ay xaaladda degdeg wax uga qabato oo ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijiyo in ciidamada iyo meydadka loola dhaqmso si waafaqsan sharciga.
Cabdulqaadir Axmed Aw Cali oo ah hoggaamiyaha SSC ayaa sheegay in maxaabiista ay si wanaagsan oo sharciga waafaqsan ula dhaqmeen.
“Xeerarka caalamiga ee maxaabiis dagaal la marsiiyo ayaan raaceynaa, dhawaca waxaan siineynaa dawo iyo daryeel oo ay xaq u leehyihiin”
Hay’adda ICRC ayaa shalay markii ugu horeysay ku booqatay Laascaanood maxaabiis gaaraya 300. Sidoo kale hay’adda waxay sheegtay in ay booqdeen maxaabiis kale oo laga qabsaday Khaatumo oo ku jira xabsiga Hargeysa.
“Ujeedka booqashooyinkan waa bani’aadannimo oo kaliya iyo si loo xaqiijiyo in dhammaan maxaabiista loola dhaqmo si bani’aadannimo ah iyo in ay qoysaskooda ogaadaan halka ay joogaan”.
Arrinta aadka isha loogu hay ayaa ah haddii dagaal uu mar kale ka dhex qarxo labada dhinac, waxa ay ku dambayn doonaan maxaabiistaas.
Maamulka cusub ee Khaatumo
Dagaalka weli xal lagama gaarin. Laascaanood dadkii deganaa waxay sideed bilood barakac ku yiniin deegaano kala duwan, waxayna hadda bilaabeen in ay dib u soo laabtaan.
Magaalada waxaa soo gaaray waxyeelo weyn gaar ahaan adeegyadii dadweynaha oo dagaalka ku burburay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee gobolka Sool loo sameeyo maamul u gaar ah. Hore waxaa maamul loogu sameeyey xilligii Cali Khaliif Gallaydh. Maamulka cusub waxaa horyaal sidii magaalada ay dib ugu heli laheyd adeegyadii ka burburay.
Dad badan waxay is weydiinayaan sida maamulkaas uu u noqon karo mid hanaqaada oo ka madax banaanaada Puntland iyo Somaliland oo mid kasta uu sheeganayo. Waxaa kale oo su'aal ay ka taagan tahay in taasi ay wax ka beddeli karto gacan ku haynta gobolka Sool.
Xoogga ugu weyn ee iminka maamulkaas gadaal ka taagan ayaa ah odayaasha dhaqanka oo tan iyo markii uu dagaalku qarxay isku dubba ridayey dhallinyarada.
Maxaa xal noqon kara
Marka laga yimaado baaqyo dagaalka lagu joojinayo, ma jirto cid si toos ah u dhex gashay oo aan ka ahayn isku day ay bilooyin ka hor sameyeen odayaal ka ambabaxay koofurta oo booqday Hargeysa iyo Laascaanood.
Socdaalkooda ma noqon mid miradhal noqday, mana aysan ka hadlin caqabadaha ay la kulmeen.
Beesha caalamka ayaa iyana dhowr goor qoraallo ka soo saartay, waxaana la fahamsan yahay in ay labada dhinac iyo Puntland-ba kala xiriireen colaadda Laascaanood.
Laakinse waxaa jira dhinac ka mid ah dalalka gobolka oo maamullada Soomaaliyeed oo dhan xiriir toos ah la leh.
Dalka Itoobiya waa dal saamayn ku leh Soomaaliya iyo Somaliland, laakinse ka gaabsaday colaadda Laascaanood. Taa micnaheedu maaha in Itoobiya ay dagaal baajin karto, laakin haddii ay u aragto in danteedu ku jirto nabad gbolkaas ka dhacda, dad badan ayaa aaminsan inay gacan ka gaysan karto.
Sidoo kale waxaa iyagana saamayntaas oo kale leh dalalka galbeedka ee taageera Soomaaliya iyo Somaliland oo hadda kaalintooda ku gaabsaday mid baaqyo nabadeed ah.