Maxay tahay sababta ku kaliftay dhallinyaro tahriib tagay Aljeeriya in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya ?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalka Aljeeriya waxaa uudhawaanahan ahaa meel ay soo beegsadaan oo ay soo galaan muhaajiriinta u tahriibaya dalalka Yurub kuwaas oo doomo khatartooda leh ka raaco xeebaha dalkaas si ay qaarada Yurub u gaaraan.

Muhaajiriintaasi waxaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood kasoo galay dhinaca dalalka deriska aa ah Aljeeriya.

Todobaadkii hore markii ay geeriyoodeen ku dhawaab labaatan dhallinyaro ah, ayaa dad badani ku baraarugeen halistan horta leh ee baryahaan ka socotay xeebaha dalkaas.

Tahriibayaasha Soomaalida ee ka gaaray dalkaas waxaa ka mid ah gabar magaceeda ku soo koobtay Faadumo, oo BBC du la hadashay xilli ay ku sii socotay garoonka diyaaradaha, si ay u gasho safar ka gadisan kii horay u soo qorsheysatay.

Waxa ay sheegtay in ay tahriib ugasoo baxday magaalada Muqdisho iayad iyo dhallinayro kale, iyagoo markaasi soo mary dalal dhowr ah kadibna ugasii gudbay dalka Aljeeriya.

Faaduma iyo dhalinayarada kale ee la socotay waxa ay la lakulmeen wax k duwan wixii ay filayeen ka dib markii booliska Aljeeriya ay qabteen dhalinayarada dabadeedna ay dib ugu celiyeen saxaraha dalka Niger halkaasna lagu xiray.

"Tuunisa lug ayaan ugasoo baxnay waxa aan soo galnay Aljeeriya oo aan seddex habeen ku barina, boolis ayaa na qabtay kadibna Niger ayaa nala geeyay" ayeey sheegtay faadumo.

Mar ay ka ahdleysay safarkeedii ay Muqdisho kagasoo baxday ka dibna ay ku timid Aljeeriay sida uu dhacay, Faduma wax ay sheegtay in ay Dalka Benin ay diyaarad ku timid ka dibna ay bas kasoo raacday mararka qaarna ay gaari caadi ah soo raaceeysay kaas oo si tahriib ah ku waday.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Faduma waxa ay sheegtay in ilaa dhowr qof oo Soomaali ay ku joogeen Tuunisiya kuwaas oo ay guri wada joogeen hasa yeeshee ay boosiku qabteen dhamaan intii guriga joogtay dabadeedna sawirra laga qaaday .

" Tuunisiya ilaa Aljeeriya waxa na waday nin u dhashay dalka Suudaan oo muqalas ah, kaas oo na hagayey amaba na tahriibinayey" ayey sheegtay Faduma oo intaas ku dartay in sidaasi ay caasimadda Aljeeriya ku yimaadeen.

Faaduma iyo dhalinayaradaasi markii ay arkeen dhibaatooyinkii ay tahriibka kala kulmeen iyo safarka kale ee dhanka badda ah ee sugaya iyo khatarta ku xeeran waxa ay go'aansadeen in ay Soomaaliya dib ugu laabtaan.

" Waxa aan xiriir la sameeynay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya kaas oo na yiri gacmo furan kusoo dhawaada" ayeey sheegtay Faaduma oo intaas ku dartay in safiirku uu u sheegay in la caawinayo oo haddii ay rabaana lagu celinayo waddankooda.

Waxa aan go'aansanay in aan soo laabano iyadoo aanay cidina nagu cadaadin ayey tiri Faadumo oo hadda ku faraxsan in ay dalkeeda dib ugu laabato.

Tirada dadka haatan go'aansaday in ay Soomaaliya dib ugu laabtaan ayaa ah sagaal qof, afar dumar ah iyo shan rag ah kuwaas oo dhamanatood ku laabanaya magaalaada Muqdisho .

Faaduma wax aay sheegaty in wiil kale oo toban ku ahaa uu doortay in uu dib ugu laabto magaalada Hargeysa.

Safarka ay dhalinayaradaasi ay dib ugu laabanyaan dalkooda ayaa waxa iska kaashaaday safaaradda Soomaaliya ee Aljeeriya iyo hay'adda socdaalka adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan IOM.

" Safiirka ayaa arimahan noo fududeeyay, isaga ayaana IOM nala xiriirsiiyay, sidaas ayaana ku noqoneynaa" ayeey tiri Faadumo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhibaatooyin badan ayaa ku haystay dhalinyaradaas dalka Aljeeriya sida ay sheegtay Faadumo, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in aanay wax sharci ah ku joojin Aljeeriya , guri aanay kireysan Karin hoteelna aanay degi Karin " Dad aad u dhibaateysan ayaan ahayn"

In kasta oo ay dhibaatooyin badan ay kala soo kulmeen tahriibka haddana markii ay Aljeeriya yimaadeen waxa haystay jahwareer ku saabsan halka ay kasii aadayaan Aljeeriya, sida ay sheegtay Faaduma.

"Inta uusan boolisku I qaban talada ayaa iga jahwareersaneyd, mar waxaan is lahaa waddanka ma isaga laabataa, marna waxaan is lahaa badda hadii ay fududahay ma iska gashaa " ayeey BBC da u sheegtay Faaduma oo intaas ku dartay in markii ay aragtay dhibaatooyina tahriibak badda ay go'aan adag qaadatay kaas oo ah in ay dalka dib ugu laabato.

Iyadoo ka hadlaysay sida ay u aragto ku noqoshadeeda Soomaaliya wax ay sheegtay in ay waddankeeda ku faraxsantahay mar danbana aanay meel uga baxeyn oo qorshe danbe oo tahriib aanu ku jirin.