Hardanka kooxaha jihaad-doonka ah ee Harada Chad oo khasaaro badan geystay

Xigashada Sawirka, AFP
Dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmaray labadii kooxood ee hubeysnaa ee ugu waaweynaa gobolka Harada Chad, waa Boko Haram iyo ISWAP ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada qiyaastii 150 ilaa 200 oo qof, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee AFP.
Warbixino la helay ayaa tilmaamaya in dagaalka uu qarxay Axaddii la soo dhaafay, gaar ahaan deegaanka Dogon Chiku, waxaana muuqaallo aan BBC si madax-bannaan u xaqiijin karin ay muujinayeen dagaalyahanno is-weydaarsanaya rasaas iyagoo ku sugan biyaha.
"Macluumaadka aan hayno wuxuu muujinayaa in ku dhowaad 200 dagaalyahan oo argagixiso ah lagu dilay dagaalka," ayuu yidhi qof ka qeyb qaata ururinta xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxaha jihaad-doonka ee ka jira gobolka Harada Chad.
Qofkan oo la hadlay wakaaladda wararka Faransiiska (AFP) ayaa sheegay in Boko Haram ay iyaguna lumiyeen dagaalyahanno, balse aysan khasaaradoodu gaarin heerka ISWAP.
Khabiirka amniga Saaxil, Audu Bulama Bukarti, ayaa u sheegay BBC-da in "wararka aanu helayno ay muujinayaan in dhiigga daatay toddobaadyadii la soo dhaafay uu ka badan yahay kii hore ee dhexmaray labada garab ee Boko Haram."
Bukarti wuxuu intaas ku daray in xogaha la helayo ay muujinayaan in dagaalyahannada daacadda u ah hogaamiyihii hore ee Boko Haram, Abubakar Shekau, ay hadda guulo ka gaarayaan ISWAP.
Illaa iyo hadda, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidamada wadajirka ah ee la dagaallamaya xaaladda amni ee gobolka, kuwaas oo laga sugayo inay ka hadlaan dagaalka labada kooxood.
Si kastaba ha ahaatee, tani ma aha markii ugu horraysay ee ay rabshado xooggan dhexmarayaan labada koox.
Dagaallo la mid ah kuwa hadda socda ayaa tan iyo sannadkii 2016 ka dhex socday ISWAP iyo Boko Haram gudaha gobolka Harada Chad.
Bulama Bukarti ayaa sheegay in dagaallada u dhexeeya labada garab ee Boko Haram ay ilaa hadda sababeen dhimashada ugu yaraan 900 oo qof tan iyo 2016.
Harada Chad waa meel isku xirta dalalka Nayjeeriya, Nayjar, Jaad, iyo Kaameruun, waxaana ay noqotay meel ay ku dhuuntaan dagaalyahannada Boko Haram iyo ISWAP, kuwaas oo halkaas ka abaabula weerarro ay ku qaadaan dalalkaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kala duwanaanshaha fikirka
Khabiirada amniga ee gobolka Saaxil waxay aaminsan yihiin in sababta ugu weyn ee khilaafka u dhexeeya Boko Haram iyo ISWAP ay tahay kala duwanaanshahooda diineed iyo fikir.
Cilmi-baare amni, Bulama Bukarti, ayaa yiri:
"Tan iyo bilowgii, hoggaamiyihii la dilay ee Boko Haram Abubakar Shekau wuxuu aaminsanaa in qof kasta oo aan ku biirin kooxdiisa xitaa haddii uu tukado, soomo, sakada bixiyo oo uu Ilaahay rumeeyo la dili karo."
"Dagaalyahannada ISWAP inkastoo ay u arkaan dadka aan ku biirin kooxdooda kuwo gaalo ah, haddana waxay aaminsan yihiin in lagu waaniyo, balse Shekau isagu wuxuu aaminsanaa in aan loo baahnayn in la waaniyo," ayuu raaciyay Bukarti.
Dhankiisa, Kabiru Adamu, madaxa shirkadda Beacon Consulting ee falanqeeya amniga, ayaa sheegay:
"Sababta ay u kala tageen waxay ahayd kala duwanaanshaha fikirka. Kadib markii Shekau uu bayaankiisa u diray Daacish, waxay Daacish ka dib yiraahdeen fikirkiisu ma aha mid la jaanqaadi kara iyaga, markaasay ka eryeen taasina waxay dhalisay khilaafka u dhexeeya."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muujinta awoodda
Adamu ayaa sheegay in labada koox "ay ku nool yihiin meel isku dhow, mid walbana ay rabto in ay muujiso awood, taas ayaana sababta aad u aragto tartan" dhexdooda ah.
Wuxuu intaas ku daray in ISWAP ay hadda tahay tan ugu xooggan gobolka Harada Chad, halka Boko Haram ay weli xoog ku leedahay kaymaha Sambisa.
Wuxuu sharraxay in kooxahani ay inta badan ku tartamaan meelaha yaryar iyo helitaanka kheyraadka.
Maamulka dhulka iyo dhaqaalaha
Bulama Bukarti ayaa sheegay in tan iyo markii Boko Haram ay soo baxday, uu jiray muran ku saabsan cidda maamuleysa magaalooyinka iyo dhaqaalaha gobolka.
"Waxaa jira dagaal ku saabsan cidda maamuleysa magaalooyinka iyo tuulooyinka waaweyn ee ku yaalla Harada Chad gaar ahaan cidda canshuurta ururisa, cidda maamusha kalluumaysatada, iyo cidda gacanta ku haysa wadooyinka muhiimka ah ee loo adeegsado keenista cunto iyo hub," ayuu yiri Bukarti.
Dhankiisa, Kabiru Adamu ayaa yidhi:
"Waxay doonayaan inay muujiyaan awoodda ay ku leeyihiin tuulooyin ama deegaannada ay dan ka leeyihiin… ha ahaato si ay u faafiyaan fikirkooda ama si ay u helaan dhaqaale, maadaama ay dadka ku khasbaan inay u bixiyaan canshuur," ayuu raaciyay.
Rabitaanka in la qanciyo kooxaha argagixisada waaweyn
Kabiru Adamu ayaa sheegay in koox kasta oo ka mid ah kuwaas ay isku dayayso inay muujiso xoog si ay u soo jiidato taageerada kooxaha waaweyn ee ay daacad u yihiin.
"Dagaallada iyo weerarrada noocan ah waxay qanciyaan kooxaha ay ku biireen, si ay uga helaan gargaar iyo taageero dheeraad ah," ayuu yiri.
Sida ay hore u dagaallameen ISWAP iyo Boko Haram
Kooxda ISWAP, oo sheegata daacadnimadooda ururka Daacish (Islamic State), ayaa xoogaystay tan iyo markii ay ka go'day Boko Haram 2016.
Tan iyo markaas, labada koox waxay u dagaallamayeen cidda hogaanka u noqonaysa, taas oo keentay in Abubakar Shekau lagu dilo hoygiisii ku yaallay kaymaha Sambisa bishii May 2021.
Qaar ka mid ah dagaalyahannadii Boko Haram ayaa ku biiray ISWAP si ay uga fogaadaan ciqaab adag, halka kuwo kalena ay isku dhiibeen ciidamada Nayjeeriya, iyo kuwo kale oo u gudbay jasiirad ku taalla Harada Chad ee dalka Nayjar oo uu gacanta ku hayo hogaamiyaha cusub ee Shekau, Bakura Buduma.
Dagaal dhacay Sebteembar 2021, ayaa weerar ay Boko Haram ku qaadday xerada ISWAP ee jasiiradda Kirta-Wulgo kiciyay dagaallo socday toddobaadyo.
Boko Haram ayaa guul ka gaartay inay ISWAP ka saarto inta badan gobolka Harada Chad, oo labada kooxba u adeegsan jireen sidii meel ay ku dhuuntaan iyo ilo dhaqaale oo kalluumaysi, xoolo-dhaqasho iyo jaridda geedaha ah.
Falanqeeye ku sugan magaalada Maiduguri, Khalifa Dikwa, ayaa u sheegay AFP in "sii socoshada dagaalka u dhexeeya labada koox" ay daciifinayso, taasoo "u fududeynaysa ciidamada inay si buuxda u burburiyaan."
Wuxuu intaas ku daray in "dagaalka labada dhinac uu dhibaato weyn u geysan doono shacabka rayidka ah."
Dagaalka jihaad-doonka ee Nayjeeriya ayaa sababay dhimashada in ka badan 40,000 qof, halka dad lagu qiyaasay laba milyan ay barakaceen tan iyo markii uu dagaalku qarxay 2009.
Colaaddaas ayaa ku faaftay Nayjar, Chad, iyo Kameruun, taas oo keentay in dalalkaas ay sameeyaan ciidamo iskaashi ah oo ka hortaga argagixisada.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa xilligiisii ku hanjabay inuu tallaabo ciidan ka qaadi doono Nayjeeriya, isagoo ku eedeeyay dagaalyahannada jihaad-doonka "xasuuqa Masiixiyiinta."













