You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Isbeddel caafimaad miyaa dhacaya haddii la cuno Bariis 10 sano yaallay
Bariiska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loogu badan yahay cunistooda dunida oo dhan, laakinse su’aasha ay dadku is weydiiyaan ayaa waxay tahay ma la cuni karaa bariis 10 sano yaallay?
Doodda arrintan ayaa bilaabatay markii uu dhawaan wasiirka ganacsiga ee Thailand Phamtham Vechayachai warbaahinta horteeda ku cunay Bariis 10 sano yaallay.
Ujeedadiisu waxay ahayd in uu muujiyo in 15,000 oo tan ah bariis ay dhawaan si xaraash ah ku sii iibisay xukuumadda Thailand uu yahay mid la cuni karo. Bariiskaas ayaa muddo 10 sano ah kaydsanaa.
Sannad kii 2011 ayaa ra’iisul wasaarihii xilligas Yung Lik Shinawatra wuxuu dhaqan galiyey qoshe muran dhaliyey oo Bariis 54 Malyan oo tan ah looga gatay beeraleyda sicir ka sarreeya kan suuqa. Qorshahaas ka dib ayaa dhaqaale xumo waxay la soo deristay xukuumadda, waayo qiime intaa ka sii sarreeya kuma aysan sii gadi karin xukuumadda, sidaa darteedna kayd aad u badan ayaa xukuumadda u soo haray.
Bishii hore ayuu wasiirka ganacsiga ku dhawaaqay in la samaynayo guddi dusha ka eega iibinta bariiska. 17kii Juun ayaa shirkad dalkaas laga leeyahay oo la yiraahdo V8 Inter trading waxay ku guulaysatay xaraashkaayadoo sheegtay in ay ka siinayso 286 malyan oo Bhat (7.7 malyan oo doollar), laakinse dadku waxay is weydiinayaan sida loo cuni karo bariis 10 sano jira.
Thailand waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dalalka ugu badan ee bariiska dibadda u dhoofiya, laakinse faa’iido kama samayso wax dhoofintaas. Qorshahan iminka waxay xkuuumaddu ku khasaartay 17 bilyan oo doollar. Ra’iisul wasaarihii xilligaasna waxaa lagu riday inqilaab milateri 2014.
Tan iyo xilligaas bariisku wuxu ku jiray bakhaarro waaweyn, bishii aannu soo dhaafnay ayuuna wasiirka ganacsiga cunay bariis laga soo saaray kuwii kaydsanaa, si uu u muujiyo in tayadiisu ay fiican tahay.
Wasiirka ganacsiga Phamtham Vechayachai wuxuu sheegay in bariiskaas uu weli yahay mid qurxoon ”Midabkiisa waxoogaa hurdi ah ayaa soo galay. Sidan waa sida uu u eg yahay bariis 10 sano jira” ayuu yiri.
Wuxuu ku tir-tirsiiyey warbaahinta in ay dalool ka sameeyan jawaankii ay doonaan oo ay eegaan tayada bariiska, wuxu sheegay in wasaaradda caafimaadka ay sheybaar ku soo baartay, wuxuuna natiijada la wadaagay suxufiyiinta. Wuxuu sheegay in intii baaritaanku socday aan wax sun ah laga helin bariiska.
Sida ay sheegayso natiijada baaritaanka sheybaarka, tayada xagga nafaqada ee bariiska ayaan ka duwanayn kan suuqa yaalla.
TV maxalli ah oo la yiraahdo Channel 3 ayaa isna baaritaan ku sameeyey sheybaar madax banaan, waxayna natiijadu noqotay mid la mid ah tan dawladda iyo in bariisku yahay mid aysan dhibaato ka imaanayn oo la cuni karo.
BBC ma aysan xaqiijin natiijada baaritaannadaas, baaritaanna kuma samayn bariiska.
Sida laga soo xigtay hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay FAO, bariiska waxaa lagu kaydin karaa muddo dheer meel qallalan, qabow, dabayshuna ku yar tahay.
Sidaas oo kale, hay’adda bariiska ee Maraykanka waxay sheegtay in haddii si habboon loo kaydiyo baristka uu oollaan karo waligii.
Surayot Sothasanachanda oo ah suxufi ayaa dhadhamiyey bariiska la yiraahdo Jasmine oo 10 sano yaallay, wuxuuna sheegay inuu u dhadhamayo sidii bariiska cad, isla markaana uusan ahayn mid carrabka ku dhagaya oo jilicsan sida looga bartay bariiska Jasmine.
Ururka ay leeyihiin ganacsatada bariiska dibadda u dhoofisa ee Thailand wuxuu sheegay in sannadkii hore ay Indonesia iyo Thailand ahaayeen labada dal ee bariiska ugu badan ka iibsaday. Sidoo kale thailand waxay bariis u dhoofisaa dalal badan oo Afrikaan ah.