You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee baa ilmo yar calooshiisa looga soo saaray mataan uur-jiif ah oo ku dhex beermay
Dhakhaatiir Hindi ah ayaa si guul leh u kala saaray "mataano is-dulsaar ah" – oo ahaa laba uurjiif oo ku dhex koraayey caloosha cunug 20 maalmood jir ah.
Xaaladdan aad bay u naadir u tahay, waxaana caalamka laga diiwaangeliyey wax ka yar 200 xaaladood illaa hadda, kuwaas oo tiro yar ka mid ahi ay ka dhaceen Hindiya.
Xaaladdan oo loo yaqaano foetus in foetu ayaa ku samaysanta xilliga hore ee uurka, marka uur-jiif si khaldan u samaysmay uu ku dhex abuurmo uurkujirta mataankiisa. Inkastoo uurjiifkaasi aanu noolayn, haddana wuu sii koraa isagoo la qaybsanaya nafaqada mataanka uu ku dhex jiro.
Kiiskan, hooyadu waxay uur lahayd saddex mataan, waxaana laba uurjiif ay ku dhex dhasheen inay ku koraan caloosha ilmaha mataankooda ah.
"Qalliinku wuu adkaa laakiin ilmahaasi waa caafimaad qabaa oo si fiican ayuu u soo kabanayaa," ayuu BBC-da u sheegay Dr. Anand Sinha, dhakhtar qalliinka carruurta oo hoggaaminayey hawlgalkaas qalliinka ah.
Dhakhtarku wuxuu intaas ku daray in ilmaha isbitaalka laga saaray hal bil ka hor, isla markaana aan ilaa hadda wax dhibaato ah laga soo sheegin.
Dr. Anand wuxuu sheegay in muddada soo kabashada qalliinka ka dib ay muhiim tahay, maadaama caabuq ama dhibaato kale ay halis ku noqon karaan nolosha ilmaha.
Sannadkii 2024, magaalada Kalkata ayaa ilmo saddex maalmood jiray uu dhintay hal maalin ka dib markii qalliinka lagaga saaray laba uurjiif oo si khaldan ugu jiray calooshiisa.
Kiiskan cusub ayaa waalidka ilmaha 20ka maalmood jiray wuxuu bishii Luulyo keenay Fortis Memorial Research Institute ee Gurugram.
"Waxay lahayd calool bararsan, cunto xumo ayaana haysay oo waxba ma ay cuni Karin ilamahani, sababtoo ah uurjiifyadu caloosheeda ayay isku cadaadinayeen oo caqabad dheefsjiid ku ahaayeen," ayuu yiri Dr. Anand.
Baadhitaan sawir ah ayaa muujiyey laba wax u eg burooyin oo ku jiray caloosheeda, kuwaas oo dhab ahaantii ahaa uurjiifyadii sida khaldan u samaysnaa.
Dr. Anand wuxuu sheegay in qalliinka si degdeg ah aan loo samayn karin, sababtoo ah ilmaha ayaa biyaha jirka ka dhammaanayeen, nafaqo darro haysatay, waxaana loo baahnaa in marka hore la xasiliyo. Xaaladdeeda ayaa laba maalmood gudahood soo hagaagtay, ka dibna koox ka kooban ku dhowaad 15 dhakhtar ayaa qalliinkan sameeyey.
"Qalliinku wuxuu qaatay ku dhowaad laba saacadood," ayuu yiri Dr. Anand, isaga oo xusay in qalab gaar ah la isticmaalay sababo la xidhiidha yaryaraanteeda iyo jilicsanaanta ilmaha.
Sidoo kale, maadaama uurjiifyadu ay ku xirnaayeen xubno muhiim ah sida beerka, kelyaha iyo mindhicirrada, waxaa khasab noqotay in si taxaddar weyn loo soo saaro si aanay xubnaha ama xididdada dhiigga waxyeello u gaarin.
"Intii uu qalliinku socday, heerkulka ilmaha si joogto ah ayaa loo kormeerayey. Waxa kale oo aan hubinay in aanu dhiig badan ka lumin," ayuu yiri Dr. Anand.
Xaaladda foetus in foetu inta badan waxaa la ogaadaa xilliga uurka, balse Dr. Anand wuxuu sheegay in mararka qaarkood mataanaha dul-saarka ah laga helo dadka waaweyn haddii xaaladdaas lagu guuldarreysto in lagu ogaado carruurnimada.
Wuxuu sheegay in haddii aan si hore looga saarin, uurjiifyada khaldan ay sii koraan marka qofku da' yeesho. In kasta oo uurjiifyadani inta badan aanay u beddelmin kansar, haddana waxay u badan tahay inay keenaan dhibaatooyin kale, taas oo ugu dambayn keenta in la ogaado.
Bishii Febraayo, dhakhaatiir ayaa labo uurjiif ka saaray caloosha ilmo saddex maalmood jir ah oo ku dhashay gobolka Maharashtra.