You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Soomaaliga Ingiriiska joogay 20 sano ee hadda doonaya in dib loogu celiyo dalkiisa
Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Xaamud, ayaa sheekadiisu qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha dalka Ingiriika kadib markii uu dowladda ka codsaday in dalkiisa Soomaaliya dib loogu celiyo.
Yuusuf Cali Xaamud ayaa labaatan sano ka hor galay UK, si uu magangalyo uga raadsado, balse markii lagu helay dambiyo uu galay, ayaa sharcigii magangelyada lagala laabtay.
Waxa uu ku nool yahay magaalada Nuneaton oo ku taalla bartamaha Egland, waxaana uu sheegay in shantii bilood ee la soo dhaafay uu codsanayay in loo celiyo Soomaaliya, isagoo sheegay inuu weli sugayo jawaabta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska.
Waxaa igu kallifay aniga dalkaan waxaan joogaa labaatan sano, dagaal ayaan galay, sharcigii ayay iga qaateen, " ayuu yiri Yuusuf oo BBC-da u warramay.
Yuusuf Cali ayaa sheegay in sanadkii 2003-dii 4-tii bshii September uu tagay dalka Ingiriiska, isla markaana tegistaankiisii toddobo sano kadib sharci uu ku shaqeysto la siiyay.
Wuxuu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Uk uu ka dalbaday in sharciga la siiyo , hase yeeshee wuxuu yiri: "Qareenkeyga ayaa la xiriirtay oo farriimo u dirtay wax jawaab ahna kamaana helin," .
Wuxuu intaa ku daray in wixii markaa ka dambeyay uu go'aansaday in dalka Soomaaliya uu ku laabto. "Haddii aanan waddanka joogi karin waxaana ku laabanayaa waddankeyga mustaqbal ayaan leeyahay, wakhtiguna wuu socdaa," ayuu yiri.
Maxaa sababay in Yuusuf sharciga loo diido?
Yuusuf oo BBCSomali, u warramay ayaa sheegay in uu xabsi saddex sano ahaa uu galay, kaasoo samaeyay in sharcigiisii loo sii cusboonaysiiyo ama uu gaaro inuu qaato dhalashada Ingiriiska.
Wuxuu sheegay in goob laga dukaameysto oo uu ka shaqeyn jiray kana ahaa ilaaliye ay isku dhaceen ninkii maamulaha ka ahaa, taasoo keentay in ninkii uu soo kaxaysto koox kale, sida uu Yuusuf sheegay kadibna uu mid ka mid ahaa raggaas uu dhalo ama qarsho ku dhufto.
Arrintaas ayaa ah halka ay ka soo bilaabatay jaha-wareerka Yuusuf ka qabsaday helista sharciga dhalashada dalka Ingriiska ama in loo sii cusboonaysiiyo kiisii qaxootiga.
Inkastoo Yuusuf sharci iyo shaqaba loo diiday, haddana dowladdu waxaey dejisay guri, waxeyna siisaa lacag uu noloshiisa ku maareeyo."Guri ayaan deggenahay, iyagaa iga bixiya lacag cayr ah ayay isiiyaan,". Yuusuf waxaa uu tilmaamay in uusan dalka u tagin in uu lacag cayr ah qaato, balse uu yimid in uu shaqeysto oo mustaqbalkiisa ku sameeyo horumarin iyo maareyn.
Wuxuu sheegay in haddii uu Soomaaliya tago uu nolosha la' jaan qaadi karo maadaama dalkiisa hooyo uu yahay, isagoo intaa raaciyay in wax badan uu ka fahamsanyahay gancsiga iyo sida aas-aas loo sameeyo.
Yuusuf Cali Xaamud oo dhawaan aad uga soo muuqday warbaahinta gudaha ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in farrimahaas uu kula hadlayay dowladda, si arrimihiisa loogu fududeeyo oo dib loogu celiyo Soomaaliya maadama sharci iyo shaqo midna aanu haysan hadda.
"Dowladda Ingiriiska waxaan ka dalbanayaa qof walba xuquuq ayuu leeyahay, haddii xuquuqdii qaxootinimada ee aan dalkaan ku lahaa aaney iisiineyn, in waddankeygii hooyo aan ku laabto" ayuu yiri Yuusuf oo la waydiyay waxa uu dalbanayo.
Dalabka Yuusuf oo ee ku aaddan in Soomaaliya lagu celiyo ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Uk ay waayahaan si adag uga soo horjeeddo dadka soo galootiga ah isla markaana qaarkood sharciyada loo diiday. Tallaabooyinkaan ayaa sababay in dibadbaxyo ay dhacaan oo dowladda lagu dhaliilo habka ay ula dhaqmayso dadka magangalyo doonka ah.