You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhaqtarkii wadnaha ee wadne xanuunka ugu dhintay musqusha agteeda
Dhakhtarka wadnaha oo caan ka ahaa Jamnagar, Dr. Gaurav Gandhi ayaa geeriyooday Talaadadii isaga oo 41 jir ah.
Dhaqtarka ayaa badbaadiyay nolosha bukaano badan isagoo sameeyay kumanaan qaliin oo la xiriira cudurada wadnaha. Dhimashada Gaurav Gandhi ee wadno-xannuunka ayaa lagu tilmaamay mid lama filaan ah.
Dr. Gaurav Gandhi ayaa la sheegay in uu sameeyay ilaa 16,000 oo qaliin wadnaha ah intii uu ku guda jiray xirfadiisa qalliinka. Laakiin BBC-du ma xaqiijin karto sheegashadan.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Times of India, “Dr. Gandhi wuxuu ka shaqeynayay cisbitaalka dawlada ee degmada Jamnaga. Sidoo kale waxa uu ka hawlgalayay isbitaal gaar loo leeyahay.
Aasaasaha Isbitaalka M. P. Shah Medical Hospital Dr. Nandini Desai ayaa yidhi, “Talaadii 4-tii subaxnimo Dr. Gandhi waxa uu ka cawday feero xanuun. Intaa ka dib waxa loo qaaday isla cusbitaalka gaarka loo lahaa oo isaga laftiisu ka shaqeynay".
Baaritaan ka dib waxa lagu daweeyay aysidh-ka gaaska. Daawaynta ka dib Dr. Gaurav ayaa sidoo kale dareemay caafimaad waana laga saaray isbitaalka.
Sida laga soo xigtay qoyska Gandhi, Dr. Gaurav wuxuu ku noqday guriga, laakin laba saacadood ka dib, waxa uu ku dhacay meel u dhow suuliga. Sidaas darteed isla markiiba waxaa loo qaaday qeybta gargaarka degdega ah ee isbitaalka. Balse dhaqtarku waxa uu sheegay in uu dhintay ka hor inta aanu soo gaarin isbitaalka.
Waa maxay sababta wadne xanuunku ugu dhaco dadka da'da yar?
Agaasimihii hore ee Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Hindiya Dr. Dilip Mavlankar Isagoo ka hadlaya sababaha keena wadne xanuunka marka uu qofka yar yahay, ayaa wuxuu yiri, "Bedelida qaab nololeedka, cyilka, jimicsi la'aanta iyo miisaanka xad dhaafka ah ayaa noqon kara sababaha ugu weyn."
"Laakiin, waa in sidoo kale la ogaadaa in qofka arrimahaas oo dhan daryeela uusan si buuxda uga xoroobi karin dhammaan cudurrada. Tani waxay muujinaysaa in qof kasta uu yeelan karo dhibaatooyin la xiriira caafimaadka oo ay ku jiro wadna xanuunka.
Cadaadiska shaqada ee dhakhaatiirta wadnaha?
Sida laga soo xigtay natiijooyinka warbixin laga soo saaray sahan caalami ah oo la sameeyay, "Rubuc ka mid ah dhakhaatiirta wadnaha adduunka ayaa la kulma dhibaatooyinka caafimaad ee dhanka maskaxda ah."
Dhibaatooyinka maskaxda ayaa sidoo kale loo arkaa mid ka mid ah sababaha badan ee cudurrada wadnaha.
Dr. Lakshmi Mehta oo Jaamacadda Ohio State ee Columbus u joogay tababar ayaa wuxuu leeyahay, "Waxyaabaha laga u baahan in la baaro ayaa ah sababta iyo xiriirka ka dhexeeya caafimaadka maskaxda iyo cudurrada wadnaha kuwaas oo aan la tixgelin."
Marka loo eego natiijooyinka sahanka "76 boqolkiiba kiisaskan waxay la xiriiraan caafimaadka maskaxda, iyo walbahaarka.