Waa maxay cudurka dhifka ah ee 10 sano ka jaraya da’daada?

Luz Augusto Marcio Marques oo ah 23 jir u dhashay dalka Brazil, laguna naaneyso Gato, ayaa carruurnimadiisii xaaladdiisu ay caadi iska ahayd ilaa uu gaaro da’da toddobo jir, balse kaddib waxaa qaban jiray madax xanuun daran, ilaa markii dambe la ogaaday inay buro madaxa uga taallo.

Waxaa laga helay cudur keliya saameeya milyankii qofba hal qof.

Markii uu siddeed jir ahaa, Gatto wuxuu maray qalliin looga saaray burada, balse howshu halis ayay ahayd wuxuuna qalliinka u sababi karay inuusan hadlin, wax arkin, socon amaba korriimadiisa jir ahaaneed ay saameyso. Kaddib wax sidaa u dhow ayaa dhacay, caadi ahaanna makrii uu 12 jir noqday, korriinadiisa ayaa istaagtay.

Madaxa ayaa sii xanuuni jiray, xanuunka ayaana kusii siyaaday, balse dhaqtarna ma ogaan karin halka ay dhibaatadu ka taagan tahay.

Markii aan iskuulka dhiganayay, waxaan bilaabay madax xanuun, waxba maan baran karin, dhakhaatiirta qaar waxay dhaheen dhibaato nafsi ah ayaa igu dhacday, waan caajisay, halka dhakhaatiirta qaarna ay yiraahdeen waxaa haya virus, ayuu yiri Gatto.'

Markii uu Gatto madax xanuunkii uu ku sii kordhay ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa la geeyey isbitaalka magaalada halkaas oo ay dhakhaatiirtu u suurtagashay in ay ogaadaan waxa Gatto ka khaldan. Waxa uu qabay cudur la yiraahdo craniopharyngioma.

Waxa uu yiri 'wakhtigaas dhakhaatiirtu waxay u sheegeen habaryartay in cudurkani uu khatar yahay waxayna igula taliyeen in aan qaliin maro haddii kale maalmo gudahood aan ku dhiman karo'.

Xaqiiqdii waxaa maskaxda bini’aadamka ku jira dareere ay maskaxdu sideedii saacadoodba mar nuugto, balse maskaxda Gutto ma’ay nuugin dareerahaas oo ururinta dareeraha ayaa cadaadis saaray maskaxda, taas oo keentay xanuun badan.

midda xanuunka badan ayaa ah in Gatto lagu karantiilay qol gooni ah qalliinka ka dib. "Waxay igu xireen qol quraarad ah si ay ii baaraan ayna u ogaadaan in aan suuxdin qabo, in aan awoodi karo inaan hadlo, wax arko ama dhaqaajiyo lugaha," ayuu yiri isaga dib u milicsanaya wixii soo maray.

Baaritaan caafimaad oo dhamaystiran ka dib, wax walba way fiicnaayeen, laakiin qaliinkii burada waxay saamaysay qanjirka pituitary, oo ah qayb muhiim ah oo maskaxda ah. Qanjirkan ayaa mas'uul ka ah soo saarida hoormoonka koritaanka bini'aadamka, oo ka mid ah hawlaha kale ee jirka.

Gattu wuxuu yiri, "baaritaano badan ayaa la igu sameeyay, waxaana la ogaaday inaan korriinkeyga jirka uu joogsaday, laakiin waxay (dhakhaatiirta) garan waayeen goorta iyo da'da - 8, 9 ama 10 sano jir." Ugu dambayntii waxaa joogsaday koriinkeygii markii aan jiray 12 sano jir.'

Dhakhaatiirta qalliinka ku sameeyay maskaxda Gatto, Nirio Uzambuja Jr., ayaa sharaxaya, 'Dhakhaatiirtu waxay ka saareen 20 boqolkiiba burada si ay uga hortagaan in ay saameyso qaybaha kale ee maskaxda, laakiin markii dambe laba jeer ayaa qalna,Qaliinka ugu horreeya, tuubo ayaa la galiyay si ay dheecaanka maskaxda uga soo daadiso caloosha (oo loo yaqaan shunt ventriculoperitoneal), qaliinka labaadna, tuubo ayaa la geliyaa gudaha burada iyo maqaarka hoostiisa si loo bixiyo daaweynta shucaaca ee loo yaqaan chemotherapy.

Sida uu sheegay Goto, daawaynta kiimoterabiga waxay qaadatay waqti dheer, waxtrkeeduna aad ayuu u wanaagsanaa.

"Markii hore waxaa la igu daawaynayay kiimoterabi saddex jeer todobaadkii, ka dib waa la dhimay oo laba jeer iyo bishiiba hal mar ka dibna waa la joojiyay, laakiin xanuun badan ayaa igu dhacay sababtoo ah tuubada la i geliyey aad bay u adag tahay," ayuu yiri. Waxay ahayd xanuun, bal qiyaas waxaa ku jiray tuubo iyo irbad weyn oo ku dhex jirta.'

Waqtigaas, hormoonnada korriinka waa la kordhin karaa, laakiin waxaa jirtay khatar ah in burada maskaxdiisu ay sidoo kale korto. Markaa waxaa la go'aamiyay in aan khatartaa loo bareerin .

Dhalinyarnimadiisii ​​markii uu ogaaday in aanu muuqaalkiisu is beddelin oo korriintiisii ​​ama muuqaalkiisu uu joogsaday da’da, waxa caqabad kale ku noqotay Gutto in uu aqbalo qaabka muuqaalkiisa.

Waxa uu xasuustay xaaladdii maskaxeed ee uu ku jiray , waxaanu yiri, 'Markii aan 15 jirsaday, aad baan u madax adkaa, cidna lama hadli jirin, kamana bixi jirin fasalka xilliga nasashada ee dugsiga. Xataa uma jawaabi jirin macalinkayga.

Si kastaba ha ahaatee, wakhti ka dib, Gattu wuu aqbalay muuqaalkiisa, wuxuuna uga mahadcelinayaa jacaylka uu ka helay qoyskiisa, maanta wuxuu ku nool yahay nolol nabdoon oo waxaa uu la nool yahay eedadiis iyo adeerkiis.

"Qoyskayga la'aantiis, ma aanan awoodeen inaan wajaho xaaladan," ayuu yiri.

"Maalmahan, waxba igama gelin waxa ay dadku ka yiraahdaan muuqaalkeyga, xitaa dadka 20-ka, 30-ka, 40-jirka ah waa saaxiibadey iguma xukumaan muuqaalkeyga," ayuu yiri. waxba ma oranayo , qof kasta oo halkan jooga waa i garanayaa.

Waxay i soo wacaan maantana waan fiicanahay oo waan caafimaad qabaa, aad ayaan u hadlaa, waxbana ka xishoon maayo.

Gutto waxay riyadiisu tahay inuu noqdo sawir qaade wuxuuna rajeynayaa inuu iibsado dahwaan kamaro.

guud ahaan, waxa uu maray 15 sano oo daweyn ah, oo ay ku jiraan toddobo wareeg oo daweyn kiimiko ah iyo 12 qalliin oo madaxa ah, balse buradii maskaxda kaga taalay %100 ma aysan ka soo dhammaan.

Gatto waxa uu joojiyey daawaynta kiimoterabiga sannadkii 2015-kii, waxana uu weli madaxiisa kaga jiraa buro cabbirkeedu le'eg yahay digir laakiin hadda ma hayo madax-xanuun.