Doon sidday koox caan ah oo ka koobnaa siyaasiyiin iyo samafalayaal gargaar u waday Gaza oo Israa'iil qabatay

Doontii sidday 12-kii qof ee gargaarka bani'aadannimo u waday Gaza ayaa laga soo dajiyay dekedda magaalada Ashdod ee Israa'iil, kadib markii ay qabteen ciidamada Israa'iil.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in doontu ay soo caga dhigatay Ashdod, ayna baaritaan caafimaad ku samaynayaan dadkii saarnaa si loo hubiyo in caafimaadkoodu wanaagsan yahay. Dadka saarnaa waxaa ka mid ah Gabadha u ololaysa arrimaha deegaanka ee Greta Thunberg oo u dhalatay dalka Iswidhan.

Qabanqaabiyeyaasha safarka doonta oo lagu magacaabo Madleen waxay sheegeen in ay wadeen gargaar "astaamayn ah" oo Gaza loo waday, si loola dagaalamo xayiraadda badda ee Israa'iil saartay. Waxay intaa ku dareen in doontu laga qabtay biyaha caalamiga ah gelinkii hore ee Isniinta.

Isra'iil waxay safarka ku tilmaamtay "doon la isku sawirayo", iyagoo sheegay in dadka saarnaa laga musaafurin doono Israa'iil loona celin doono dalalkooda.

Gargaarka doonta saarnaa wuxuu ka koobnaa bariis iyo caano carruruaha loogu tala galay, sida ay sheegeen ururka qabanqaabiyay ee Freedom Flotilla Coalition (FFC).

Dad u dhashay dalalka Brazil, Faransiiska, Jarmalka, Netherlands, Isbayn, Iswidhan iyo Turkiga ayaa saarnaa doonta – waxaana ka mid ahaa Rima Hassan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Yurub meteshana Faransiiska, iyo Omar Faiad oo ah wariye u shaqeeya Al Jazeera.

Madaxweynah Faransiiska Emmanuel Macron ayaa horraantii Isniinta dalbaday in si deg deg ah loo soo daayo lix muwaadin Faransiis ah oo saarnaa doontaas, wuxuuna Israa'iil ka codsaday in ay "ilaaliso" dadkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iswidhan ayaa sheegtay inay xidhiidh la leedahay dowladda Israa'iil, sida ay u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, halka Turkigu uu cambaareeyay qabashada doonta, isagoo ku tilmaamay "weerar arxan darro ah" oo ka dhacay biyaha caalamiga ah.

Ururka FFC ayaa sheegay in aysan ilaa hadda xidhiidh ka helin 12-kii qof ee saarnaa doonta tan iyo markii ay ciidanka Israa'iil qabteen subaxnimadii hore Isniinta ah.

Doontu waxay ka baxday dalka Talyaaniga 1-da Juun si ay indhaha caalamka ugu soo jeediyaan, xaaladda macluusha ee ka jirta Gaza.

Isra'iil waxay sheegtay in xayiraadda ay saartay Gaza ay lagama maarmaan u tahay in laga hortago hubka soo gaadhadagaalyahanada Xamaas.

Muuqaal ay faafiyayeen bahda FFC ayaa muujinaya kooxdii doonta saarnayd oo fadhiya, gashanna jaakadaha badbaadada, gacmahana kor u taagay, iyadoo ciidamo Israa'iili ah ay doonta fuulayaan.

Waaa sida oo kale la arkayey, dadkii doontaas saarnaa oo taleefannadoodii ku tuuraya badda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa faafisay muuqaallo muujinaya ciidamo Israa'iili ah oo biyo iyo rooti siinaya dadkii saarnaa doonta kadib markii la qabtay.

Ka dib markii la soo weriyey in doontii la qabtay, FFC waxay sii daysay muuqaallo horay loo sii duubay oo ay ka muuqdaan qaar ka mid ah halgamayaasha saran doontan, oo uu ka mid tahay Greta Thunberg.

Muuqaaladaas ayay ku leeyihiin: "Haddii aad aragto muuqaalkan, waxaa na qabtay oo na afduubtay ciidanka Israa'iil ama kuwa taageersan Israa'iil."

Axaddii, Wasiirka Difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa ku hanjabay in dowladdiisu ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo isku dayda in ay jebiso xayiraadda badda.

Wuxuu bartiisa X (hore Twitter) ku qoray: "Waxaan ku amray ciidanka IDF in ay joojiyaan doonta 'Madeleine' ee u socotaa Gaza, kana hortagaan si kasta oo loo baahan yahay."

Ururka FFC ayaa sheegay in xayiraadda badda ee Israa'iil ay tahay mid sharci darro ah, waxayna ku eedeeyeen Wasiirka Difaaca inuu adeegsanayo hanjabaad sharci darro ah oo lagula kacayo dadka rayidka ah, isagoo isku dayaya in uu ku marmarsiyoodo dacaayad iyo been.

"Annagu nalama cabsi gelin karo. Dunidu way nala socotaa," ayay tidhi Hay Sha Wiya, afhayeenka FFC.

"Doonta Madleen waa markab rayid ah, ma hubaysna, wuxuuna ku socdaa biyo caalami ah, isagoo sida gargaar bani'aadannimo iyo u ololeeyeyaasha xuquuqda aadamaha ee ka kala yimid daafaha caalamka… Israa'iil xaq uma laha in ay hor istaagto dedaalkeenna."

Sannadkii 2010, ciidamada Israa'iil waxay dileen 10 muwaadin oo Turki ah markay fuuleen markabka Turkiga ee Mavi Marmara oo hoggaaminayay safar gargaareed Gaza ku wajahnaa.

Dhawaan, Israa'iil waxay ogolaatay in gargaar kooban la geeyo Gaza kadib xayiraad dhulka ah oo socotay saddex bilood, iyadoo mudnaanta la siinayo in gargaarka loo mariyo hay'adda Gaza Humanitarian Foundation, taasoo ay taageeraan Israa'iil iyo Mareykanka, balse ay si weyn u cambaareeyeen hay'adaha gargaarka bani'aadannimo.

Todobaadkii hore, madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa sheegay in dadka reer Falastiin lagu hayo "doorashooyinka ugu murugada badan: inay ku dhintaan macluul ama halis u galaan dhimasho iyagoo isku dayaya in ay helaan cunada yar ee la helayo."

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israa'iil, ayaa eedaysay Greta iyo kooxdeedu in keliya ay u socdaan qorshe igu sawir ah, balse gargaarkoodu aanu wax b aka tarayn xaaladda taagan.

"Waxaa jira siyaabo kale oo gargaar lagu gaarsiin karo Gaza – mana aha inay ku lug yeeshaan sawirro Instagram-ka lagu baahsado."

Waxaa laga joogaa 20 bilood tan iyo markii Israa'iil billowday dagaalka Gaza, oo jawaab u ahaa weerarkii Xamaas ay qaaday 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo lagu dilay 1,200 qof, 251 kalena lagu afduubtay.

Tirakoobka wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho ayaa sheegaya in ugu yaraan 54,880 qof lagu dilay Gaza tan iyo markaas.