Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku dilay askar Kenyaan ah

Kenya

Xigashada Sawirka, Citizen

Shan askari oo ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu diley weerar gaadmo ah oo sida la sheegay ay kooxda al-Shabaab ka fulisey kaynta Boni, ee gudaha Kenya.

Askarta la diley oo ka tirsanaa koox si gaar ah u tababaran oo loogu talogalay in ay fuliyaan hawlgallada gaarka ah lana yiraahdo Special Operations Group (SOG), ayaa markii weerarka lagu qaaday waxay ku raad-joogeen koox argagixiso looga shakiyey oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Lahelow.

Weerarka gaadmada ah ayaa dhacay ka dib labo maalmood oo kooxda booliska ah ay raad-gurayeen dableyda ay ka war heleen in ay qorsheynayeen guluf ballaaran oo ay ka soo qaadaan gabbaad ay al-Shabaab ku leeyihiin kaymaha Boni.

Boolisku waxay intaas ku dareen in qaar ka mid ah askar dhaawac ka soo gaarey weerarkaas loo duuliyey magaalada Nairobi, si ay daryeel caafimaad oo takhasusi ah u helaan. Magacyada askarta geeriyootey illaa hadda lama shaacin, sababo la xiriira qoyaskoodii oo aan weli si rasmi ah loo wargelin awgeed.

Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku dishey askar Kenyan ah

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Al-Shabaab militants

Hawlgal wadajir oo lagu baacsanayo kooxihii dilka geystey, kaas oo ay uga qaybgalayaan hay'ado kala duwan oo ka tirsan kuwa amniga Kenya, ayaa durba ka billowday aagga dilku ka dhacay. Waxaana la aaminsan yahay in al-Shabaab qudhooda khasaare ka soo gaarey rasaastii la isweydaarsanayey.

Weerarkan ugu dambeeyey ayaa muujinaya halista kooxda al-Shabaab weli ku hayso Kenya, gaar ahaan dhulka dhaca soohdinta Soomaaliya.

Kaynta Boni oo ku fidsan qaybo ka mid ah ismaamullada Lamu, Gararisa iyo Tana River, ayaa in muddo ahba ahayd marin ay kooxda al-Shabaab u adeegsato hawlaha ay ku daadgureyneyso dagaallameyaasha ay dooneyso in ay ku qalqalgeliso xasilloonida gobolka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen oo Jimcihii booqday askarta dhaawacan oo lagu daweynayo isbitaalka Nairobi West, ayaa si adag u dhaleeceeyey weerarka lala beegsaday ciidanka amniga. Wuxuuna ballanqaaday in dowladdu dardargelin doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisa ee gobolka ka oogan.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyey saraakiil sarsare oo ka tirsan Booliska Kenya, sida Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya Japhet Koome iyo Ku-xigeennadiisa, Eliud Lagat (KPS) iyo Gilbert Masengeli (APS).

"Askarteennu waxay har iyo habeen naftooda u huraan ilaalinta dalka. Abaal weyn ayaana uga haynaa dadaalkooda nafhurnimada ah. Waxaana ballanqaadeynaa in aan u fidinno taakulo iyo daryeel ah dhinacyada agabka, caafimaad iyo nolosha ah", ayuu yir Wasiir Murkomen oo dhaawacyada ka dul hadlay.

Wasiirku wuxuu daboolka ka qaaday in ka sokow shanta dhimatay, sagaal ka tirsan booliska Kenya oo weerarkaas ku dhaawacmay hadda xaaladdooda caafimaad lala tacaalayo.

Dagaallameyaal ka tirsan Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxda al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyey waxay kordhiyeen weerarrada ay la beegsanayaan gudaha Kenya, waxaana xusid mudan dhacdo horraantii sannadkan ay rag dabley ah u bareereen in ay khudbad u jeediyaan qaybo ka mid ah dadweynaha Lamu oo ay uga digeen wadashaqeyn ay la yeeshaan ciidamada ammaanka.

Mas'uuliyiinta dowladda Kenya ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan tillaabooyinka lagu beegsanayo fariisimaha iyo dhabbooyinka saadka ee kooxda Al-Shabaab tan iyo inta laga sifeynayo Kaynta Boni oo noqotay aag ay kooxdu ka maleegaan falalkooda argagixiso.

Dadka Keynta Booni deggan ayaa u badan xoolo dhaqato, waxaana ka mid ah Soomali iyagu xoolahooda halkaasi ku dhaqaaleysta, ku waas oo marar badan khasaare ka soo gaarey dagaalka u dhexeeya ciidamada ammaanka ee Kenya iyo kooxda Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah xoolo dhaqatada Soomaalida ee daggan kayntaas ayaa dhowr mar oo hore ka cawday duqeymo aan loo aabedayin oo lala beegsaday dad rayid ah, taas oo u baahan in lagu baraarugo.