Sida wiilkan Falastiiniga ah loogu dhibaateeyay Sacuudiga isaga oo doonaya in uu soo xajiyo

Al Shaacir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Suleymaan Al-Shaacir oo ah nin dhalinyaro ah oo reer Falastiin ah isla markaana haysta Baasaboorka Masar, ayaa fadhiya mid ka mid ah Xafiisyada Guddiga Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga, waxaana la soo deristay murugo iyo naxdin kala duwan, sida uu ogaaday.

Saacado ka hor ayuu dhibane u noqday fadeexad ay ku kacday mid ka mid ah shirkadaha xajka ee “beenta” ah ee bixiya ruqsadaha xajka.

Wax ka yar toddobaad ka hor ayuu Al-shaacir gaaray dalka Sacuudiga gaar ahaan magaalada Maka, isagoo ka yimid Masar, isla markaana sitay dal ku galka Sacuudiga.

Kadib markii uu soo galay Boqortooyada, wuxuu la xiriiray mid ka mid ah shirkadihii ku dhawaaqay xirmooyinka xajka ee qiimaha "kadib soo jiidashada" baraha bulshada, isagoo rajeynaya inuu helo ogolaansho u saamaxeysa inuu soo guto xajka.

Waxa uu sheegay in uu ku dhacay dabinka xayaysiis “majaro habaabin ah” oo lagu baahiyay baraha bulshada oo ay leedahay shirkad sheegtay in ay fadhigeedu yahay Imaaraadka.

“Waxaan siiyay (Shirkadda) 6,000 Dirham (oo u dhiganta in ka badan $1,600) si’aan u helo ruqsad aan xajka kusoo guto, dhab ahaantii waxay ii soo direen sharci iyo koodh Elektarooniga ah (oo loo yaqaanno Barcode) oo xajka ah, laakiin waxaan ogaaday in lay khiyaaneeyey sababtoo ah dhammaan waraaqaha waabeen abuur."

Al-Shaacir ayaan sanadkan gudan karin waajibaadka xajka, waxaana sidoo kale uu waayay lacagtii uu siiyay shirkadda oo uu sheegay in wakiilladooda ay hadda ka fogaadeen inay la xiriiraan.

"Waxaan dareemayaa murugo sababtoo ah waxaa la igu sameeyay khiyaano sababtay in aan lacagtaydii iyo xajkayga labadaba ku waayo."

Sacad Al-Qurashi waxa uu la-taliye u yahay Guddiga Xajka iyo Cumrada ee heer Qaran, kaas oo u xilsaaran la socodka shirkadaha dalxiiska ee gudaha Boqortooyada Sucuudiga iyo hubinta saxnaanta bayaannada laga soo saaray Xajka. Waxa uu BBC-da u sheegay in dad badan oo Al-Shaacir oo kale ah aysan ogaanin in ay ku dhaceen wax is-daba-marin ilaa ay ka imaanayaan xarunta guddiga, si ay u dhamaystiraan howlaha Xajka oo ay u helaan caddaymo ay qaataan. Waxay ku tusinaysaa inay yihiin xujay caadi ah.

Xaj

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Markii ay kuwa fasaxa Xajka sita noogu yimaaddaan sharcigii la soo saaray iyo koodhka, waxaan ogaanay inay dhamaantood been abuur yihiin oo waraaqihii iyo kaadhadhkii aqoonsiga ee shirkado been abuur ahi u soo direen ay khaldan yihiin.

Arintan ayaa qofka laga hor istaagayaa in uu xajka soo guto,kadib markii ay ka luntay lacag badan oo uu shirkadahan ku wareejiyay”.

Al-Qurashi, oo ka tirsan guddiga xiriirka la leh Golaha Rugaha Sacuudiga, ayaa tilmaamay in ay jiraan kooxo badan oo burcad ah oo si gaar ah uga howlgala Masar, Suuriya iyo Ciraaq xilligan, isagoo ku macneeyay in uu arkay ugu yaraan saddex howlgal oo khiyaano ah hal toddobaad gudaheed.

Al-Shaacir oo fadhiya xafiiska guddiga Xajka iyo Cumrada ee heer qaran, isagoo ka rejo beelay gudashada waajibaadka xajka in kasta oo uu Sacuudiga joogo, wuxuu BBC-da u sheegay in uu ku khaldamay lacag uu ku wareejiyay shirkad aan lagu kalsoonaan karin haddii. Waxa kale oo uu ku taliyaa in aan lacag lagu wareejin shakhsiyaad ama wakiillo shirkado dibadda ah. Habab aan rasmi ahayn ayaa loo isticmaali karaa bixinta oggolaanshaha Xajka.

Xaj

Xigashada Sawirka, FAROUK ABDEL WAHAB

Qoraalka sawirka, Cabdiwahaab oo cumreysanaya

Cabdul Wahaab oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistan ayaa BBC u sheegay in uu dagaal dheer la galay shirkad u ballan qaaday wax aan la heli karin, ka hor inta uusan awoodin in uu soo ceshado 7,000 oo Pound (oo u dhiganta $9,000) oo uu ku wareejiyay isagoo ah Hormarin bixinta xirmada Xajka oo ay bixiso mid ka mid ah shirkadaha. Xajka iyo Cumrada Ingiriiska.

Taasi waxay ahayd 2020-kii. Waqtigaas, nidaamka rasmiga ah ee xirmooyinka xajka uma baahneyn buuxin iyada oo loo marayo madasha "Nusk", taas oo mas'uuliyiinta Sucuudigu ay sameeyeen 2022-kii. Si ay u noqoto goobta kaliya ee rasmiga ah ee dijitaalka ah ee bixinta ogolaanshaha Xajka ee xujaajta Yurub, Mareykanka, iyo Australia.

Sida laga soo xigtay tirakoobka rasmiga ah ee Sacuudiga, tirada xujeyda sanadkii hore waxay kor u dhaaftay hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo xujey ah, waxaana boqolkiba xujeyda dibadaha ay gaareen 90% guud ahaan xujeyda, taasoo tirada ka dhigeysa in ka badan hal milyan iyo lix boqol oo kun oo xujey ah.

Marka loo eego qiyaasaha Goluhu, 3% kaliya ee tirada guud ee dadka lagu sameeyay howlgallada been abuurka ah ayaa soo gudbiya warbixino rasmi ah, taasoo muujineysa in celceliska da'da xujeyda ee ugu nugul howlahan ay tahay 42 sano.