Muxuu yahay ujeedka garabka cusub ee Xibsiga Kulmiye ee la magac baxay "Isbaddel-doonka"

Iyadoo doorashooyinka isku sidkan ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ka dhiman tahay wax ka yar afartan cisho ayaa waxaa deeganadaas ka socda ololaha doorashada oo dhinacyada ku hardamaya doorashadu ku doonayaan inay ku soo jiitaan cod-bixiyaasha.

Magaalada Burco xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa kaga dhawaaqay garab ay ku sheegeen “isbaddel-doon” kaas oo ay sheegeen in u jeedada ay u sameeyeen ay tahay sidii doorashada soo socota uusan xisbigooda madaxtinimada ugu mateli doonin madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Xsibigayaga Kulmiye oo uu musharax u yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi aannu u aragnay in aanu ku habboonayn inuu mar labaad xilka isu soo taago” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Xirsi oo ka mid ah xubnaha garabkan.

Xubnahan ayaa sheegay in doonayaan in tallada uu Madaxweynuhu ku wareejiyo dhiig cusub si xisbiga Kulmiye mar saddexaad awoodda u hantaan Somaliland sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed ayd soo saareen.

Sida uu BBC-da u sheegay Cabdinaasir oo ka mida xubnaha ku midaysan garabkan cusub ee Kulmiye ayaa sheegay inay ka kooban yihiin boqol qof oo ay ka mid yihiin asaasayaashii xibsiga.

“Xisbigayga taladii iyo afkaartii aan qabnay in xisbiga gudihiisa isbaddel laga sameeyo waa la dhagaysan waayey. Ma’abaadiidii waa la laabay," ayuu yiri Cabdinaasir.

Muxuu Xisbiga Kulmiye ka yiri garabkan cusub?

Cabdinaasir Muxumed Xassan (Buuni), afhayeenka Xisbiga Kulmiye oo dhankiisa BBC-da la hadlay ayaa ka hadlay sida ay xisbi ahaan u arkaan garabka cusub ee sheegay inay la magac baxeen "isbaddel doonka" oo xisbiga Kulmiye ka tirsanaa.

“Nidaamka noo dhisan ee doorashooyinka iyo dimuqraadiya waxay na siinayaan in qofka muwaadinka ah wax doorto isagana la doorto iyo in cid mu’ayid u noqdo iyo cid uu mucaarad ku noqdo waa qaanuun shaqsiyadeed oo qaanuuni oo ay leeyihiin muwaadiniinta Somaliland”ayuu yiri BBC-da.

Buuni, wuxuu sheegay inay haddii xisbiyada Qarankaqofku isku arko inuu aanu ka arkayn mabaadiidii uu markii hore ku taageeeray xaq buu u leeyahay cidii kale oo u taageegayo inuu taageero.

Afhayeenka Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in laba ruux ay kaga jireen oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ragga ku shiray Burco.

“Labo nin oo nina fulinta aha nina golaha dhexe ahaa ayaa u aqoonsanahay inay xisbiga Kulmiye ka mid ahayen laakiin inta kale waa been cad waxayna ku gabanayaan inay xilal baan soo qabanay”ayuu yiri Buuni.

Isagoo arrintaa ka jawaabay Cabdinaasir Axmed oo ka mid ahaa ragga ku dhawaqay garabka cusub ayaa BBC-d u sheegay “Arrintaasi waa mid lagu qoslo, waxaa nahay boqol iyo dheeraad, waxay isugu jiraan raggii xisbiga Kulmiye asaasay, rag xilal ka soo qabtay 14-kii sano ee xisbiga Kulmiye xisbiga hayey haday yihiin wasiiro, barasaabo, agaasimayaal, waxaa naga mida xubno labaatan gaarayaoo golaha dhexe ee hadda Kulmiye ah, waxaa naga mid ah xildhibaano iminka ah ka mid ah golaha wakiilada iyo goloyaasha degaanka.”ayuu yiri Cabdinaasir.

Xisbiga Kulmiya ayaa ka mida ah axsaabta fac ahaan ugu weyn Somaliland kaas oo xukunka Somaliland hayey afar iyo tobbankii sano ee la soo dhaafay iyadoo ay isaga kala danbeeyeen Madaxweynaha iminka haya tallada Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyinii ka sii horreeyey Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Doorashada Soomaliland aya soo jiitamaysay muddo iyadoo khilaafaad badani ka dhashay basle ugu danbayn doorashada isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururada ayaa dhacaysa horraanta bisha December ee Sanadkan.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada sadexdii murashax ee doorashadii hore tartamayey, Biixi, Cirro iyo Faysal ayaa mar kale ku tartami doona doorashada madaxtinimada Somaliland.

Muuse Biixi xisbiga Kulmiye ayuu xilka madaxtooyada ugu ordayaa, Wadani oo Cirro ah iyo UCID oo Faysal Cali Waraabe ah.

Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka mida meelaha Geeska Afrika ee sida dimuqraadiga ah dadka codkooda ugu soo doortaan dadkii matelaya gaar, aahana golayaasha kala duwan ee dowladda sida madaxtooyaddda, goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka.