"Albaabbada ha furina" Soomaalida Mareykanka oo baaq loo diray
Madaxa Hay'adda Dhalashada iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS), Joseph Edlow, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu faray inuu sameeyo "dib-u-eegis ballaaran oo adag oo lagu samaynayo sharciga deganaanshaha ee dalka Mareykanka oo horey la siiyay muwaadin shisheeye oo ka yimid dal kasta oo laga walaacsanyahay xaaladdiisa amni."
Markii ay BBC-du weydiisay hay'adda waddammada ku jira liiska, waxaa la tilmaamay bayaanno ka soo baxay Aqalka Cad bishii Juun, kuwaas oo ay ku jiraan Afghanistan, Kuuba, Haiti, Iran, Soomaaliya iyo Venezuela.
Ku dhawaaqista ayaa timid kaddib markii nin u dhashay Afghanistan lagu eedeeyay inuu Arbacadii toogasho ku beegsaday labo askari oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Qaranka magaalada Washington DC, isaga oo si daran u dhaawacay labadoodaba.
Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas ee go'aankani uu saameynayo ayay cabsi lasoo deristay.
Aamina Aadan Maxamed oo deggan Minneapolis una dhaqdhaqaaqda Soomaalida ayaa BBC-da uga warrantay saameynta arrintan iyadoo baaqna jeedisay.
Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga:


