PSG oo naadi Sacuudiga ka dhisan ka iibinaysa Neymar

Kooxda Paris St-Germain ayaa kula heshiisay naadiga horyaalka Sacuudiga ka cayaara ee Al Hilal inay weeraryahanka reer Brazil ee Neymar ka siiso 90 Milyan oo Yuuro.

Iibinta Neymar ayaa ku xiran in laacibkaas 31 jirka ah uu maro baaritaanka caafimaadka iyo dukumentiyada lagama maarmaanka ah.

Neymar oo PSG ugu soo wareegay lacagtii ugu badnayd oo ah £200 Milyan sannadkii 2017 ayaa laga tegey cayaartii ay kooxdiisa barbarraha kula gashay Lorient Sabtidii. Qaybna kama aha qorshaha xilli cayaareedkan billowga ah ee tababare Luis Enrique.

Ka tegitaankiisa kooxda ayaa ah mid la jaanqaadaya istaraatijiyada kooxda ee ah in heshiis lala galo cayaartoy aad caan u ah oo lacago badan qaadanaya, ayadoo Lionel Messi uu kooxda ka tegey.

Waxaa la fahamsan yahay in Neymar uu ka helayey naadiga qiyaastii £25 Malyan sannadkiiba.

Waxaa la sheegayaa in Sacuudiga uu ka heli doono 150 Malyan oo Yuuro sannadkiiba, taasoo u dhiganta lix-jibaar lacagta uu iminka ka qaato PSG.

Laacibkaas reer Brazil wuxuu naadiga u saftay 173 goor, wuxuuna ka caawiyey inay qaadaan 13 koob oo ay ku jiraan 5 Ligue 1 (Horyaalka Faransiiska). Wuxuu gaarsiiyey kama dambaysta koobka horyaallada Yurub ee Champions’ league.

Laakin dhawaanahan waxaa cayaartoyga la soo darsay dhaawacyo ka soo gaaray Anqowga.

Laacibkaas hore ugu soo cayaaray Barcelona ayaa qalliin lagu sameeyey bishii Maarso, umana suurto gelin inuu safto cayaarihii ka harsanaa xilli cayaareedka, wuxuu tababarka dib ugu soo laabtay bishii Luulyo.

Wuxuu kaloo seegay laba ka mid ah cayaarihii koobka adduunka ee Brazil, ka dib markii uu ku dhaawacmay cayaartii ugu horreysay.

Waxaa kale oo uusan ka qayb galin koobka Copa America dhaawac dartiis, isago isla dhaawac midkaas oo kale ah ku maqnaa dhowr usbuuc 2021.

Akhbaarta la xiriirta tegitaanka Neymar ayaa timid 24 saac ka dib markii weeraryahanka kooxda, Kylian Mbappe, uu dib ugu laabtay tababarka kooxda ka dib markii uu wadahadal dhex maray isag aiyo naadiga.

Weeraryahankaas u safta xulka Faransiiska ee 24 jirka ah ayaa isaga iyo kooxda ay u suurto gali weysay inay heshiis gaaraan, damaciisa la xiriira inu u cayaaro Real Madrid darted, hase yeeshee heshiiska iminka uu kula joogo PSG ayaa la dheereeyey ilaa xagaaga soo socda.

Cayaartii Lorient ay la cayaareen ayaa laga tegey Mbappe, wuxuuna cayaarta ka daawanayey tarabuunka.

Cayaartoy magac leh ayaa dhawaanahan Sacuudiga u wareegay, waxaana ka mid ah Karim Benzema, N'Golo Kante, Jordan Henderson, Ruben Neves, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Lacibka Boortaqiiska, Cristiano Ronaldo ayaa bishii Janaayo ka soo tegey Manchester United, isagoo ku biiray Al-Nassr. Riyad Mahrez ayaa isna Manchester City ka aaday kooxda Al Ahli.