Ma cuni lahayd bariis iyo hilib sokor lagu sameeyey?

    • Author, Priyadarshini Chatterjee
    • Role, Qoraa

Fiid aad u qabow magaalada taariikhiga ah ee Lucknow, waxaan tagnay magaalada Lebua Lucknow, Saraca Estate - oo ah guri 1930-meeyadii la beddelay oo hadda loo isticmaalo sidii huteel boutique ah oo soo jiidasho leh. Hareeraha miis ay ku raran yihiin cuntooyin badan oo la jecleysto ayaa yaallo, waxa huteelka nagu soo dhaweeyay cunto kariye Mohsin Qureshi isagoo noo keenay cunnooyin aad u dhadhan macaan.

Macmacaanka soo raaca waxa uu u muuqdaa mid si yaab leh loo sameeyay Waa bariis nooca saffron oo leh midab aad loo qurxiyey oo lagu daray Lows, sabiib, yicib, iyo khoya oo ah (caano qallalan).

Si xiiso leh, waxay sidoo kale ka kooban tahay jajabyo jilicsan oo hilib sokor lagu daray. Macmacaankan, oo loo yaqaan mutanjan, waxaa ku duugan taariikh qani ah iyo dhadhan gaar ah oo aad u sarreeya

Mutanjan waa bariis iyo hilib idaad oo sokor lagu daray.

Erayga mutanjan waxa uu ka yimid kalmada Beershiyaanka ee Mutajjan oo macneheedu yahay in lagu shiilo digsi. Waxaa la rumeysan yahay in mutanjan uu yahay cunno ka soo jeeda Bariga Dhexe. Si kastaba ha ahaatee, nooca suxuunta loo yaqaan mutajjan ee cunto kariska Carabta ee dhexe wax yar ayay wadaagaan bariiska iyo hilibka sokorta leh ee qaarad-hoosaadka Hindiya.

Tusaale ahaan, nooc ka mid ah isbinaajka oo lagu shiilay saliid sisinta oo lagu dhammeeyo toonta, khamuunta, kiriyaha qallalan iyo qorfe, halka mid kalena ay tahay cunno ukun lagu kariyey oo marka hore la shiilay oo la dubay oo isugu jirta dhir udgoon iyo milix.

Tariikhyahanada waxa ay ka dhaheen cunnada mutanjan

Taariikh yahannada ayaa sheegay in mutanjan uu ahaa qayb ka mid ah cunnooyinka ay cuni jireen qoyska Nawab ee Lucknow. Jiritaankeedu waxa uu dib ugu noqonayaa jikada boqortooyada ee Mughal Badshah.

Abu'l Fazl, oo ahaa taliyihii weynaa ee Mughal boqorkii Akbar ee qarnigii 16-aad, waxa uu qoraalladiisa ku sheegay mutanjan sida saxan looga adeego miiska boqortooyada. Saxanku waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa saameyno kala duwan oo cunto cunid ah, taas oo ka tarjumaysa cajaladaha qallafsan ee isdhaafsiga dhaqameed.

Buugga loo yaqaan Qadeem Lukhnow Ki Akhiri Bahar, qoraa Mirza Jafar Xuseen waxa uu ku qoray 13 hadyadood oo uu aaminsan yahay in Lucknow horay ugu deeqday adduunka. Waxaana kamid ah cunnada mutanjan oo aad u jilicsan.

Abu'l Fazl, oo ahaa taliyihii weynaa ee Qarnigii 16-aad ee Mughal Imbaraadoor Akbar, waxa uu qoraalladiisa ku sheegay mutanjan, kaasoo ka mid ahaa cunnoyinka la keeno miiska boqortooyada.

Taariikhyahan Salma Xuseen, oo ah qoraaga buugga The Mughal Feast, ayaa tilmaamaysa in uu sidoo kale mutanjan pulao loo keen jiray boqor Mughal.

Halkee hadda laga helaa mutanjan?

Muslimiinta ku nool qaarad-hoosaadka Hindiya, mutanjan waxa uu u lahaa muhiimad gaar ah, oo inta badan astaan u ah dhacdooyin nololeed oo muhiim ah. Dhanka xadka Pakistan, mutanjan waa cunno la cunno xiliyada damaashaadka , waxaa lagu daraa midabyo firfircoon iyo noocyo nacnac iyo laws ah.

In kasta oo helitaanka mutanjan dhab ah ay noqon karto caqabad maanta, waxay markhaati u tahay dhaxalka cuntada ee hodanka ah ee gobolka.

Waxa xiisaha leh, ayaa ah in weli ay jiraan shaqsiyaad iyo xarumo gaar ah oo wali diyaarinaya mutanjan, si dhaxalkiisu uu u sii jiro. Mid ka mid ah meelahaas waa Babu Shahi Bawarchi's Bhatiyarkhana oo u dhow Delhi's Old Fort, halkaas oo Hafiz Miyan uu ku farsameeyo dheryaha udgoon ee mutanjan marka la codsado.