Kumuu ahaa ninkii shalay geeriyooday ee sida weyn uu uga cabsan jiray Madaxweynaha Ruushku?

Navalny ayaa ku tilmaamay xisbiga Putin ee maamulo dalka Ruushka in ay yihiin “tuugo”.

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, Navalny ayaa ku tilmaamay xisbiga Putin ee maamulo dalka Ruushka in ay yihiin “tuugo”.

Ciidanka ilaalada xabsiyada Ruushka ayaa ku dhawaaqay dhimashada hoggaamiyihii mucaaradka ugu muhiimsanaa Ruushka tobankii sano ee la soo dhaafay, Alexei Navalny oo 47 jir ahaa.

Navalny, oo ay dad badani u arkayeen inuu yahay ninka ugu dhaleecaynta adag marka laga hadlayo Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa xukun 19 sano ku qaadanayay xabsi fog oo ku yaalla gobolka Arctic, ka dib markii lagu helay eedaymo ah “xagjirnimo”, taas oo dad badan arkayeen in ay tahay“mid siyaasadaysan”.

Maamulka xabsiga ee gobolka Yama ee Arctic ayaa sheegay in "maxbuus Navalny uu dareemay xanuun, isla markiibana miyir beelay. Kooxaha ambalaasta ayaa xaqiijiyay dhimashada maxbuuska iyo sababaha dhimashada waa la xaqiijinayaa." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidanka ilaalada xabsiyada Ruushka.

Qoraalka kasoo baxay ayaa intaa ku daray in kooxda caafimadka ay isku dayneen in badbaadiyaan maxbuuska balse aysan u suurta galin.

Alexei Navalny waxa uu ku dhashay bishii June 4, 1976 ee degmada Byten ee Moscow, waxa uu bartay cilmiga sharciga, waxaanu ka qalin jabiyay jamacada Moscow 1998.

Sidoo kale waxa uu waxabarsho iyo booqasho u tagay jaacamada ku taalla dalka Mareynkanka oo lagu magacaabo Yale sanadkii 2010.

Navalny waxa uu ahaa nin ku caan baxay la dagaalanka musuqmaasuqa,iyo midka ugu caansan mucaaradka Madaxweyne Putin.

Waxaa uu lahaa malaayiin taageerayaal ah oo kala socada baraha bulshada, waxaana u suurtagashay in qaar ka mid ah taageerayaashiisa ay u tartamaan golayaasha deegaanka ee Siberia doorashada 2020.

Navalny ayaa ku tilmaamay xisbiga Putin ee United Russia inuu yahay “kooxah tuugo ah” wuxuuna ku eedeeyay Putin “inuu dhiiga Ruushka dhuuqo” isaga oo u maraya “dawlad fidno ah” oo ay xadidayso awoodda Kremlin-ka.

Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa mudaaharaadyo ka dhan ah madaxda dalka oo dhan,laakiin waxa uu awoodi waayay in uu gaaro waxa ay riyadiisii ugu waynayd ee ahayd in uu Putin kula tartamo sanduuqa codbixinta.

Waxaa laga mamnuucay in uu ka qeyb galo doorashada madaxtinimo ee 2018-ka sababo la xiriira xukun ay ku riday maxkamad ku taal Ruushka oo lagu eedeeyay in uu lacag lunsaday.

Navalny ayaa si adag u beeniyay eedeymaha isaga ka dhanka ah, isagoo sheegay in dhibaatooyinkiisa dhanka sharciga ah ay ahaayeen aargoosiga Kremlin-ka ee dhaleeceynta adag uu u jeediyay

isku daygii dil ee uu ka badbaaday markii la sumeeyay.

Alexei Navalny ka dib markii uu ka soo kabsaday sumeeyn lagu sameeyay, waxaa sawirka ku waheliya wiilkiisa iyo Xaaskiisa.
Qoraalka sawirka, Alexei Navalny ka dib markii uu ka soo kabsaday sumeeyn lagu sameeyay, waxaa sawirka ku waheliya wiilkiisa iyo Xaaskiisa.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dagaalka Navalny ee ka dhanka ah madaxweynaha Ruushka,ee 71 jirka ah, wuxuu ahaa mid shakhsi ah.

Putin ayaa lagu eedeeyay inuu amar ku siiyay wakiillo sir ah oo dawladda ka tirsan si ay weerar sumeeyaan ah uga dilaan ninka sanadkii 2020.

Xaalada caafimaad ee Navalny ayaa ka sii dartay markii uu diyaarad uu la socaday oo u sii jeeday Siberia lagu dhax sumeeyay.

Waxaana loo qaaday isbitaalka magaalada Omsk, kadib markii looga shakiyay inuu sumeeyay, Koomo ayuuna galay.

Hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ayaa ku qancisay saraakiisha Ruushka inay ogolaadaan in loo duuliyo Berlin si loogu soo daweeyo.

Ugu dambeyntiina, dowladda Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday Sebtembar 2, 2020 in baaritaanno ay sameeyeen millatarka ay ku heleen "caddayn ku saabsan jirtaanka walxo kiimiko ah oo ku jira neerfaha.

Sumeeynta ninka ayaa loo adeegsay kiimko taas oo horey loogu dilay basaaski hore ee Ruushka Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia ee magaalada Salisbury, England, bishii Maarso 2018.

Kremlin-ka ayaa wakhtigaas diiday in wax door ah dawladdu ku leeyahay weerarka lagu qaaday Navalny kaas oo Putin mar walba iska ilaalin jiray in magaciisa lagu sheego meel fagaare ah - wuxuuna beeniyay eedeymaha ah loo jeediyay.

ugu waynayd ee ahayd in uu Putin kula tartamo sanduuqa codbixinta.

Waxaa laga mamnuucay in uu ka qeyb galo doorashada madaxtinimo ee 2018-ka sababo la xiriira xukun ay ku riday maxkamad ku taal Ruushka oo lagu eedeeyay in uu lacag lunsaday.

Navalny ayaa si adag u beeniyay eedeymaha isaga ka dhanka ah, isagoo sheegay in dhibaatooyinkiisa dhanka sharciga ah ay ahaayeen aargoosiga Kremlin-ka ee dhaleeceynta adag uu u jeediyay.

Ka badbaaday sumowga Novichok

Dagaalka Navalny ee ka dhanka ah madaxweynaha Ruushka,ee 71 jirka ah, wuxuu ahaa mid shakhsi ah.

Putin ayaa lagu eedeeyay inuu amar ku siiyay wakiillo sir ah oo dawladda ka tirsan si ay weerar sumeeyaan ah uga dilaan ninka sanadkii 2020.

Xaalada caafimaad ee Navalny ayaa ka sii dartay markii uu diyaarad uu la socaday oo u sii jeeday Siberia lagu dhax sumeeyay.

Waxaana loo qaaday isbitaalka magaalada Omsk, kadib markii looga shakiyay inuu sumeeyay, Koomo ayuuna galay.

Hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ayaa ku qancisay saraakiisha Ruushka inay ogolaadaan in loo duuliyo Berlin si loogu soo daweeyo.

Ugu dambeyntiina, dowladda Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday Sebtembar 2, 2020 in baaritaanno ay sameeyeen millatarka ay ku heleen "caddayn ku saabsan jirtaanka walxo kiimiko ah oo ku jira neerfaha.

Sumeeynta ninka ayaa loo adeegsay kiimko taas oo horey loogu dilay basaaski hore ee Ruushka Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia ee magaalada Salisbury, England, bishii Maarso 2018.

Kremlin-ka ayaa wakhtigaas diiday in wax door ah dawladdu ku leeyahay weerarka lagu qaaday Navalny kaas oo Putin mar walba iska ilaalin jiray in magaciisa lagu sheego meel fagaare ah - wuxuuna beeniyay eedeymaha ah loo jeediyay.

Laakiin Putin waxa uu qirtay in dalkiisa si weyn u ilaaliyo, waxana uu sheegay in taasi ay sabab u tahay basaasiinta Maraykanka oo lagu eedeeyay in ay caawimo siiyo

Warbixin baaris ah oo ay soo saartay kooxda baarista Bellingcat ayaa muujisay in adeegga Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) ay ku raadjoogaan Navalny.

Bellingcat ayaa magacawday wakiilo looga shakisan yahay inay sumeeyeen Navalny.

Navalny ayaa markaasi isagu si qarsoodi ah baaris u sameyay, isaga oo iska dhigaya sarkaal sare oo ka tirsan amniga Ruushka isaga oo taleefoon kula hadlay wakiil ka tirsan laamaha amniga dalkasi kuwaas oo qirtay shirqoolka dilka ah ee lagu qaarajin rabay.

Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix sarkaal oo sare oo Ruush ah iyo xarun cilmi baadhiseed hubka kiimikada ah oo Ruushku leeyahay, iyaga oo ku eedeeyay inay si toos ah ugu lug lahaayeen sumaynta Navalny.

Ruushka ayaa kaga jawaabay cunaqabatayn kale .

Waxaa jiray weeraro hore oo lagu qaaday Navalny, sanadkii 2019, waxaana dhakhtarkiisu sheegay in la sumeyay intii uu xabsiga ku jiray.

Labo jeer oo kale ayaa lala beegsaday walxo kiimko ah oo aan ilaa iyo hadda la cadeeyn wax ay yihiin.

Qoraa caan ah oo awoodd badan ku leh gudaha Ruushka

 12 Saac ayuu tareen ku safaray si uu uga qeyb galo dhageysiga maxkamadda Kirov ee dhanka ah.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, 12 Saac ayuu tareen ku safaray si uu uga qeyb galo dhageysiga maxkamadda Kirov ee dhanka ah.

In kasta oo Navalny uu muddo dheer qodax ku ahaa dhinaca Kremlin-ka, haddana waxa uu sidoo kale leeyahay dhaliilo dhawr ah sida ay shaaciyeen kooxaha mucaaradka.

Waxaa lagu eedayay in uu u janjeero wax loogu yeero dhinac wadaniyiinta xagjirka ah Ruushka.

Sannadkii 2014-kii, waxaa wax laga weydiiyey ku-daridda Madaxweyne Putin ee Jasiiradda Crimean ee Ukraine, mar uu wareysi siiyey Idaacadda “Ikhomoskovy” Jawaabtiisu waxay ahayd in kasta oo qabsashada Crimea ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, "Xaqiiqdu waxay tahay in Crimea ay hadda ka tirsan tahay Ruushka,"

Navalny waxaa uu siyaasadda Ruushka bilaabatay 2008-dii markaas oo uu bilaabay in uu wax ka qoro eedeymaha maamul xumo iyo musuqmaasuqa ee qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Ruushka ay maamusho.

Si uu xoga u leh waxaa uu sameeyn jiray in uu iska dhigo qof doonaya in uu saami ka gato shirkadaha waaweyn ee saliidda, bangiyada dalka, kadina waxaa uu waydiin jiray su’aalo u uku agoonayo dhaliilaha iyo musuq maasuq ka dhex jira dowladda .

Waxa uu gaaray hadalkiisa dad dhalinyaro u badan oo ku xidhan baraha bulshada, isaga oo isticmaalaya ereyo xanaf leh oo kicin ah, kuna jeesjeesaya madaxweyne Putin.

Kahor doorashadii baarlamaanka ee 2011-kii, oo uusan u tartamin musharaxnimadiisa, wuxuu akhristayaasha boggiisa ku booriyay inay u codeeyaan xisbi kasta marka laga reebo Midowaga Ruushka, oo uu ugu yeeray "Xisbiga tuugada".

Xisbiga Midowaga Ruushka ayaa ku guulaysatay doorashada, laakiin aqlabiyad aad uga yar ayuu xilligaasi helay.

Guusha xisbiga waxaa hareeyay eedeymo baahsan oo la xiriira wax isdaba marin codbixiyaasha, taas oo dhalisay mudaaharaadyo ka dhacay Moscow iyo qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee kale.

Markii uu abaabulay baanbixii ugu Weyna ee Putin ka dhan ah

Taageere Navalny ah ayaa sita boor ay ku qoran tahay: "Navalny waa la sumeeyay, waan ognahay cidda eedda leh, Alexei, noolow."

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, Taageere Navalny ah ayaa sita boor ay ku qoran tahay: "Navalny waa la sumeeyay, waan ognahay cidda eedda leh, Alexei, noolow."

Navalny ayaa la xiray ka dib mudaaharaad kii ugu horreeyay ee dhacay December 5, 2011, waxaana uu xirnaa 15 maalmood, laakiin wuxuu u muuqday inuu ka hadlayay isu soo baxyadii ugu ballaarnaa ee doorashada ka dib ee Moscow 24-kii December, oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 120,000 oo qof.

Guddiga baarista ee awoodda badan ee Ruushka ayaa billaabay baaritaanno dambiyeedyo la xiriira howlihii hore ee Navalny, iyagoo xitaa su’aal geliyay aqoonsigiisa qareennimo.

Markii muddo kooban lagu xidhay July 2013 lunsi hantiyeed magaalada Kirov, waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah kaas oo loo arkay in uu ahaa mid siyaasadaysan.

Waxa si lama filaan ah loogu ogolaaday in uu xabsiga ka baxo si uu uga qayb galo doorashadii duqa magaalada Moscow, halkaas oo uu ku soo galay kaalinta labaad isaga oo helay 27 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Tani waxaa loo arkayay guul weyn sababtoo ah ma uusan helin taleefishinka dowladda, wuxuuna ku tiirsanaa oo kaliya internetka iyo hadalka afka si uu dadka u gaaro oo u ololeyo.

Ugu dambeyn, Maxkamadda Sare ee Ruushka ayaa laashay xukunkii lagu riday kaddib markii Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ay shaacisay in aan la siinin dhageysi cadaalad ah dacwaddii ugu horreysay.