Degmooyinka ay Al-Shabaab weli ka taliyaan, iyo waxa ku gaarka ah

Al Shabab waxay ku xooggan yihiin Jubbada dhexe

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Al Shabaab waxay ku xooggan yihiin Jubbada dhexe

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay isku diyaarinayso wajiga labaad ee hawlgalka “la dagaallanka Al Shabab”, inkastoo aysan sheegin taariikh cayiman oo la xiriirta goorta uu hawlgalku billaaban doono.

Hawlgalka wajiga labaad inkastoo uusan weli bilaaban haddana dawladda waxay doonaysaa in ay ku gasho weerarro cirka ah oo ay ka taageerayaan dalalka Turkiga iyo Maraykanka oo la garab taagan dayaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo tababar ciidan.

Degmooyinkii lagala wareegay Al Shabaab

Waxaa wax weyn ay iska beddeleen gacan ku haynta deegaanno ay Al Shabaab maamuli jireen oo hadda ciidanka milateriga ee Soomaaliya gacanta ugu jira ama ka mid ah dhulka ay ka taliyaan maamul goboleedyada iy dawladda Federaalka.

Inta badan degmooyinka Labada Shabeelle iyo Mudug ayey dawladda iyo maamul goboleedyadu kala wareegeen Al Shabaab, waxayse weli kooxdu gacanta ku haysaa dhul u badan tuulooyin iyo miyi ka tirsan koofurta Soomaaliya oo dhan.

Degmadii ugu dambaysay gobolka Mudug oo ah Xaradheere waxaa lagala wareegay Al shabaab bishii Janaayo ee sannadkan. Magaaladaas ayey Al Shabaab gacanta ku hayeen tan iyo 2010. Dhinaca Hiiraanhal degmo ayaa ogyahay in ay Al Shabaab weli gacanta ku hayaan

Gobollada Koofureed sida Shabeellooyinka, iyo Baay wax degmo ah kama joogaan Al Shabaab, laakinse waxay gacanta ku hayaan tuulooyin aan degmooyinka waaweyn ka fogeyn iyo dhulka miyiga ah.

Meelaha ay inta badan miyiga iyo tuulooyinka gacanta ku hayaan ayaa u badan deegaannada gobollada Jubbada hoose iyo Gedo.

Dhanka Puntland, waxay weli Al Shabaab gacanta ku hayaan deegaanno yar oo ka tirsan buuraha Galgala oo ay wada joogaan ayaga iyo ururka Daacish.

Degmooyinka qaar muddo 10 sano ka badan ayey xukumayeen

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Degmooyinka qaar muddo 10 sano ka badan ayey xukumayeen

Maxaan ka ognahay degmooyinka ay weli Al Shabaab gacanta ku hayaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ceelbuur iyo Galhareeri: Labadan degmo waxay ka tirsan yihiin gobolka Galgaduud waana laba degmo oo qadiimi ah. Deegaannada bariga Galgaduud waxaa muddo 10 sano ka badan ka talinayey Al Shabaab.

Xilligii dawladda dhexe, Ceel buur waxay xarun u ahayd guutada 22aad ee ciidanka xoogga dalka, al-Shabaabna waxay u leedahay muhiimad istaraatijiyadeed, maadaama aysan jirin magaalo ka weyn ama ka qadiimsan magaalooyinka deegaankaas, ayna kala socon karaan dhaqdhaqaaqyadooda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Laakinse tuulooyinka Budbud iyo Wabxo oo koofur bari ka sii xiga ayaa gacanta ugu jira dawladda federaalka. Dhowr goor oo la qorsheeyey in Ceelbuur gacanta lagu dhigo ayaan lagu guulaysan sababo la xiriira iska caabbin lala kulmay iyo waddooyinka oo laga baqay in ay miino ku jirto.

Buq Aqable: Degmada Buqda ee gobolka Hiiraan waxaa weli gacanta ku haya Al Shabab inkastoo Degmada Buulo barde oo u dhow lagala wareegay muddo sannad ku dhawaad laga joogo.

Istaraatijiyad aad u fog uma laha marka laga reebo inay Al Shabaab doonayaan in ay joogitaan ku yeeshaan gobolka, iyo in maamulkooda uu yeesho meel xarun ah oo dadka ay ugu yeeri karaan, dacwadahana ay ku qaadi karaan.

Tiyeeglow iyo Rab Dhuurre: Labadaas degmo waa labada degmo ee qura ee Shabab ay kaga harsan yihiin gobolka Bakool. Tayeeglow waa magaalo ku taalla xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, waana meel caan ku ah diinta iyo wax soo saarka.

Ahmiyad weyn ayey u leedahay Al Shabaab waayo waxay ku taalla waddada isku xirta Xuddur iyo Beledweyne, waxaana u suurtogali karta inay koontaroolaan wixii waddadaas maraya, Itoobiya iyo Soomaaliyana ay isaga tallaabi karaan.

Rabdhuurre qudheeda kama foga aagaas, waxayna degmooyinkaas awood xagga gacan ku haynta gobolka ah ay siinayaan Al Shabaab oo sannad kahor weerar ku qaaday saldhig ay ciidan Liyuu boolis ah ku lahaayeen meel aan ka fogeyn deegaanka Yeed.

Gobolka Jubbada dhexe

Al Shabaab waxay gacanta ku hayan dhamaanba degmooyinka gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo ah xarunta ugu weyn ee ay ku qabtaan mucaskaraadka, hogaankooda sarena uu fadhiyo.

Sannadihii u dambeeyey waxay degmooyinka gobolka bartilmaameed u noqdeen weerarro abaabulan oo milateriga Soomaaliya iyo ciidamo shisheeye ay ku beegsanayaan dagaallamayaasha AL Shabaab.

Waxaa kaloo dhowr goor ka dhacay gobolka dagaallo gudaha ah oo dhex maray ajaanibta AL Shabaab ka tirsan iy dagaallamayaal Soomaali ah.

Muhiimad istaraatijiyadeed oo weyn ayuu gobolkaas u leeyahay Al Shabab, waayo waa gobol leh dhul beereed qani ah oo ay adag tahay in si sahalan loogula dagaallamo ama looga saaro.

Waa gobol u furan Jubbada Hoose, Shabeellaha hoose, Gedo iyo Bay, waxaana u sahlanaaneysa Al Shabaab inay si fudud ugu dhaqaaqaan dhankii ay doonaan. Xilliyada roobabka waxaa aad u adag in ciddii doonaysa inay la dirirto ay socod ku gali karto.

Dhulka gobolka oo dhan ama intiisa badan waxaa la aaminsan yahay inuu miinaysan yahay.

Marka laga yimaado degmooyinkaas waxaa kaloo jira deegaanno badan oo aan degmoohin ahayn balse ay Al Shabaab koontaroolaan, waxaana ka mid ah tuulooyinka u dhow degmooyinka iyo jidadka gala deegmooyinka.

Dhaqaale badan ayaa ka soo gala canshuurta ay gaadiidka iyo dadka ka qaadaan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dhaqaale badan ayaa ka soo gala canshuurta ay gaadiidka iyo dadka ka qaadaan

Dhaqaalaha Al Shabaab

Waxaan la dhayalsan karin in Al Shabaab ay weli leeyihiin awood ciidan iyo mid dhaqaale, taasoo ay inta badan ka helaan canshuuro ay ka qaadaan dadka gudaha, ganacsatada.

Warbixin uu so saaray guddi ay Qaramada Midoobay magacawday 2018 waxaa lagu ogaaday in Al-Shabaab ay dhaqaalaha ka hesho canshuuro gudaha ay ka uruuriso sida "gawaarida gudaha isaga kala gudba, alaabta ganacsiga, beeraha, dukaamada, iyo uruurinta sakada".

"Muddadaas laga soo warramay, khubarada waxay ogaadeen in Al-Shabaab ay sii waday hannaanka ay ku baadeyso dadka ee koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya ay ka sameyso, in kastoo ciidamo caalami ah ay bartilmaameedsadeen goobo gaar ah oo baro-koontorool u ahaa Al-Shabaab", ayaa lagu yiri qoraalka.

Ayadoo haddaba wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab ay dawladda Soomaaliya isu diyaarinayso, ayaa dhamaan arrimaha aan ka soo hadalnay marka la eego dawladdu waxay u baahnaaneysaa wakhti ku filan, qalab, hub, iyo ciidan deegaanka yaqaanna oo ay kula falgasho Al Shabaab wakhtiga ku habboon.