Maxay ONLF kuu diidantahay sida ay Itoobiya rabto in ay u maamusho Shidaalka Dowlad Deegaanka

Ra'iisulwasaaraha Itoobiya oo dhawaan la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa markii ugu horraysay ka hadlay soo saarista shidaalka Deegaanka Soomaalida. Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay isticmaalka shidaalka ee suuqyada maxalliga ah.

Ceelasha shidaalka ee la daahfuray waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali oo ka tirsan degmada Dhoobaweyn ee Gobolka Qorraxay iyo degmada Elele oo ku taalla gobolka Shabeelle ee Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Ururka ONLF ayaa ka biya diidsan qaabka ay Dowladda dhexe ee Itoobiya u maamaleyso dhaqaalaha kasoo xaroonaya shidaalka waxayna dhawaan soo saareen war saxaafdeed ay ku caddeynayaan mowqifkooda diidmada.

Afhayeenka ONLF Caddaani Hiirmooge oo wareysi siiyay BBCda aya sheegay in shidaalka laga qodayo deegaanka Soomaalida oo ay dadkiisu ka baahanyihiin laga iibiyay shirkado shisheeye taana ay kasoo hor jeedaan.

Mar la weeydiiyay Caddaani in haddii hadda lasoo saaray shidaalka in ay taasi faa'ido u tahay deegaanka, kuwaas oo maamul ahaan ka Dalweynaha Itoobiya waxa ay ku diidanyihiin ka urur ahaan, waxa uu kaga jawaabay in Itoobiya Kheyraadkeeda kale aanay waxba ka siin Dowlad Deegaanka, wuxuna tusaalle ahana usoo qaatay, in dakhliga ugu badan uu ka yimaado canshuurta isagoo xusay in dakhliga ugu badan ee canshuurtu uu kasoo xaroodo Wajaalle, Mooyaalle iyo Jabuuti aanay waxba ka helin.

"Dadkeena lagalama Tashan, xitaa maamulka hadda jira lagalama Tashan" ayuu yiri Hiirmooge isagoo intaas ku daray in ururka ONLF oo dalka usoo halgamay iyo shacbiga , aqoonyahanka iyo oday dhaqameedkiisa aan lagala tashan.

ONLF waxa ay ku doodeeysaa ilaa dadka deeganku ay ogolaadaan in aan halkaasi shidaal laga qodi Karin " hadda dalka Asutarlia ee aan anigu joogo ilaa dadka deegaanku ay ogolaadaan hal god lagama qodi karo" ayuu yiri Hiirmooge oo su'aal geliyay cidda ogolaatay dhulka deegaanka in shidaal laga qodo.

Waxa aan isku dayany in aan xiriir la sameyno Maamaulka Dowlad Deegaanka si ay uga jawaabana diidmada iyo eedeeynta ONLF hasa yeeshee codsigeenii lagama jawaabin.

ONLF waxa kale oo ay saluugsan yihiin qaabka loo qeybsanayo dakhliga kasoo xaroonaya shidaalka in kasta oo aanay caddeyn sida loo qeybsanayo dakhliga kasoo xaroonaya shidaalkaasi marka la iibgeeyo. "Natijadu ma noqoneyso waa lasoo saarayaa, oo faa'iduu kuu leeyahay, oo anaa kuu qeybinaya, oo anaa kuu cunaya adna waa in aad ku faraxsanaataa ma shaqeyneyso" ayuu yiri Hiirmooge oo intaas ku daray in dhulka, hantidiisa iyo go'aankiisa siyaasiga ay tahay in ay yeeshaan dadka Soomaalida ah.

Mar la weeydiiyay Hiirmooge in heshiskii ay la gaareen dowladda Itoobiya sanadkii 2018 kii in ay ku jirtay sida loo maamulayo shidaalka, waxa uu kaga jawaabay in ay ku jirtay waxyabaha la issu khilaafsanyahay sida aaya katalinta, hantida iyo xasuuqii, in guddiyo loo soo saaro taas oo uu sheegay in laba guddi la sameeyay hasa yeeshee ay ka socon waysay dhinaca Itoobiya.

Sida hadda ka hor ay saadaaliyeen khubaro dhinaca shidaalka ah, waxa hore loo odorosay in sanooyinka ugu horreeya uu Itoobiya ka soo galo shidaalka dhaqaale gaadhaya 1.2 bilyan oo Doollar. Hase ahaatee, dhaqaalaha ka soo baxa ayaa si tartiib-tartiib ah loo saadaaliyay in uu u kordhi doono oo gaadhi doono 7 bilyan oo Doollar.