Toddobo waddan oo Afrikaan ah oo ciidamada Mareykanka la geeyay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku amray ciidamadiisa in ay diyaar u noqdaan weerarro suurtagal ah oo lagu qaado kooxaha "argagixisada" ee uu sheegay inay dileen Masiixiyiin badan oo ku sugan dalka Nigeria "isagoo ku eedeeyay dowladda dalkaas inaysan ilaalin shacabkaas."

Trump ma uusan xusin xasuuq gaar ah, balse wararka ku saabsan dilalka la sheegay ee Masiixiyiinta Nigeria ayaa weli soo jiidanaya dareenka xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka.

Kooxo dabagal ku sameeya colaadaha ayaa sheegay in aaney jirin caddayn muujinaysa in Masiixiyiinta laga dilo tiro ka badan inta laga dilo Muslimiinta Nigeria, iyagoo tilmaamay in weerarrada argagixisadu ay saameeyaan labada dhinacba.

Dowladda Nigeria ayaa sidoo kale iska diiday eedeymaha sheegaya in "xasuuq" loo geysanayo Masiixiyiinta, waxayna sheegtay in ay soo dhowaynayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo falalka "argagixisada."

Laakiin arrinta ugu layaabka badan waxay tahay sida uu madaxweynaha Maraykanku u muujiyay suurtagalnimada in Maraykanku qaado tallaabo ciidan oo ka dhan ah Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan iyo mid ka mid ah kuwa ugu saliidda badan Afrika.

Haddaba BBC Hausa ayaa daabacaday warbixintaan oo ay ku eegayso dalalka Afrika ee ciidamada Mareykanka ay soo farageliyeen iyagoo ku andacoonaya inay xakameeyaan dhibaato sida cudur faafa ama la dagaallanka "argagixisada".

Soomaaliya sanadihii 1992 1994-tii ilaa hadda

Soomaaliya waxay ahayd dalalkii uu Maraykanku ciidamada u diray dhorraantii 1990-meeyadii.Markii dalka uu ku jiray dagaal sokeeye iyo macaluul daran, Maraykanku wuxuu diray ciidamo si ay u taageeraan oo u gaarsiiyaan gargaar iyo inay xasiloonida qayb ka qaataan.

Tani waxay keentay "Dagaalkii Muqdisho" ee caanka noqday sanadkii 1993, kaas oo soo jiitay dareenka caalamka ee ku aaddan caqabadaha ku xeeran faragelinta ciidan ee colaadaha gudaha.

Dhanka kale Maraykanku wuxuu qaaday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab, wuxuuna ka garab siiyay dawladda Soomaaliya sidii loo jebin lahaa Al-Shabaab.

Bishii Janaayo 2024, waxaa la sheegay in Maraykanku uu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyada oo aan waxyeello weyn la geysan.

Sidoo kale, bishii Febraayo 2025, Donald Trump wuxuu sheegay inuu amray duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ISIS ee waqooyiga Soomaaliya.

Liberia sanadihii 2014–ilaa 2015-kii

Markii cudurka Ebola uu ka dillaacay Galbeedka Afrika, Liberia waxay ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu daran ee uu saameeyay. Dowladda Maraykanku waxay u dirtay ciidamo iyo qalab si ay uga caawiso xakameynta fiditaanka cudurka.

Tani waxay ku jirtay dhisidda xarumo caafimaad, gaarsiinta agabka gargaar, iyo tababarka shaqaalaha caafimaadka.

Si kastaba ha ahaatee, sannadihii ka horreeyay iyo kuwa ka dambeeyay madax-bannaanida, Maraykanku wuxuu ciidamo u diray dalka si ay u joojiyaan dagaalkii sokeeye ee dalkaasi uu sanado badan la daalaa dhacayay.

Senegal sanadihii 2014–ilaa 2015-kii

Intii lagu jiray cudurka Ebola, Senegal waxay noqotay xarun muhiim ah oo iskaashi. Dowladda Maraykanka ayaa ciidankeeda u dirtay halkaas si ay u bixiyaan taageero dhinaca gaadiidka iyo caafimaadka, ayna u fududeeyaan isku-xirka dadaallada gobolka.

Tallaabadani waxay gacan ka geysatay in cudurka uusan si xun u saameyn nidaamka daryeelka caafimaadka ee hore u jilicsanaa ee Senegal iyo dalalka dariska la ah.

Dalka Kenya sanadkii1998

Ka dib weerarkii argagixisada ee lagu qaaday safaaradda Maraykanka ee Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen 224 qof oo ay ku jireen 12 Maraykan ah, isla markaana ku dhaawacmeen in ka badan 1,000, Dowladda Maraykanka ayaa ciidamadeeda u dirtay inay bixiyaan gargaar degdeg ah, daryeelka dhaawacyada, iyo taageero lagu badbaadinayo nolosha dadka.

Dalka Tansaaniya sanadkii 1998

Weerarkii argagixisada ee ka dhacay Kenya ayaa sidoo kale ka dhacay Dar es Salaam ee dalka Tansaaniya, sida uu uga dhacay Nairobi. Ciidamada Maraykanka ayaa la geeyay halkaas si ay u daryeelaan dhibbanayaasha, ugana caawiyaan in goobtu aysan noqon mid fowdo madaxa la gasha, isla markaana u sameeyaan baaritaan ku saabsan weerarka, sida ay Maraykanku sheegeen.

Libiya

Ciidamada Maraykanka ayaa muddooyin kala duwan joogay Libya, iyagoo ka qayb qaatay dagaalka lagula jiro kooxo sida ISIS, isla markaana taageerayay dadaallada lagu dhisayo dowlad mideysan oo qaran.

Sidoo kale waxaa jiray waqtiyo uu Maraykanku si toos ah u farageliyay — sida duullaankii milatari ee uu qaaday sanadkii 1986, iyo ka qayb qaadashadiisii dagaalkii 2011-kii ee soo afjaray xukunkii hoggaamiyihii Muammar al-Gaddafi.

Intaas waxaa dheer, laga bilaabo Noofambar 2015 ilaa 2019, Maraykanka iyo xulafadiisa waxay fuliyeen weerarro cirka ah iyo duqeymo ay geysteen diyaarado aan duuliye lahayn gudaha Libya, intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee qarxay ka dib ridistii xukuumaddii Muammar al-Gaddafi sanadkii 2011-kii.

Jamhuuriyadda Niger

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Jamhuuriyadda Niger waxaa ka mid ah dirista xoogagga gaarka ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) si ay uga caawiyaan dowladda dalkaasi iyo Faransiiska la dagaalanka kooxaha argagixisada ee hoos yimaada Hawlgalka Juniper Shield.

ku sugnaashaha ciidamada Mareykanka ee Niger wuxuu ahaa mid aan si weyn loo ogeyn ilaa weerarkii Tongo ee 2017, kaas oo ay dagaalyahanno ka tirsan ISGS ku dileen afar askari oo Mareykan ahaa iyo afar askari oo Niger u dhashay, taasoo dhalisay su'aalo iyo dood ku saabsan sababta Mareykanka in ka badan 800 oo askari u geeyay Niger waqtigaas.

Sannadka 2024, Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay inuu dhamaystiri doono ka bixitaanka ciidamadiisa ee Jamhuuriyadda Niger bartamaha Sebtembar ee sanadkaas ka dib afgambigii militari ee dalkaas ka dhacay.

Dhammaadkii, 7-dii Luulyo, Mareykanku wuxuu dhammeystay ka bixitaanka dhammaan ciidamadiisa ee Kaamp 101, iyadoo 500-tii ugu dambeeyay ee Kaamp 201 ay dalka ka tageen 5-tii Agoosto, 2024.