Iran ma weerari doontaa jasiiradda aan rayidka loo ogolayn ee Diego Garcia

Xigashada Sawirka, Planet Lab
Dhawaan ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in lix ka mid ah diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanka ee B-2 la geeyay jasiirad fog, nabad ah, oo qurux badan oo ku taal badweynta Hindiya taas oo ka mamnuuc ah qof kasta oo rayid ah.
Wararka ayaa sheegaya in jasiiraddaasi ay noqon karto "bartilmaameedka gantaalaha" ee Iran haddii ay sii xumaato xiisadda u dhexeysa iyada iyo Mareykanka.
Diego Garcia waxay hoy u tahay saldhig milatari oo ay wadaagaan Ingiriiska iyo Maraykanka. Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa sheegtay in saldhigan ay gaari karaan "gantaalada riddada dhexe ee Iran iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn".
Maalmo ka hor, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wareysi uu taleefoonka ku siiyay NBC ku sheegay in Iran la weerari doono haddii aysan heshiis cusub oo Nukliyeer ah la gaarin Mareykanka. Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii ay nala heshiin waayaan in la soo weerarayo, gaar ahaan qaab aysan horay u arag.
Haddaba, laanta Persia ee BBC waxay ku ogaatay falanqaynta sawirka dayax-gacmeedka in intii u dhaxaysay Maarso 22, 2025, iyo Abriil 2, in lix dayaaradaha wax bam gareeya ee B-2 ah iyo lix B-52 ah la geeyay saldhigga milatari ee Diego Garcia.
Saraakiisha Mareykanka ayaan si rasmi ah u shaacin in diyaaradahan loo daabulay Diego Garcia iyo sababta ay sidaas u sameeyeen, waxaana taliska ciidamada Mareykanka uu sidoo kale sheegay in aysan ka hadlin dhoolatuskooda iyo howlgaladooda.
Iyadoo baaraysa sawirada dayax-gacmeedka, ayaa BBC-da waxay go'aamisay in u daabulidda diyaaradaha dagaalka Diego Garcia ay bilaabatay 25-kii Maarso, markaasoo kow iyo toban dayaaradaha B-52 la geeyay saldhigga.
Sabtidii ina dhaaftay ee March 29, ayaa tirada diyaaradaha ee B-52 laga dhigay lix diyaaradood, balse isla wakhtigaas waxa saldhigga soo gaaray afar diyaaradood oo nooca B-2 ah.
Isla wakhtigaas oo ay soo baxayeen warbixino sheegaya in dayaaradaha B-2 iyo B-52 la geeyey saldhigga millatariga ee Diego Garcia, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa iyagana bilaabay qalabkooda cusub ee gantaalaha dhulka hoostiisa mara, kaas oo dhaliyay hadal hayn badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan ma weerari doontaa Diego Garcia
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jawaabta su'aashani maaha mid sahlan oo waxay u baahan tahay cilmi-baaris khubaro ah oo ku saabsan awoodda militari ee Iran ee dhinacyada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Jasiiradda Diego Garcia waxay ku taallaa meel 3,800 kilomitir u jirta konfurta shishe ee Iran, waxayna gaar ahaan dekedda Pasabandar.
Xiligan ayaa ku soo aadaya xilli la sheegay in gantaalada riddada dheer ee Iran iyo gantaalada cruise-ka lagu sheegay inay gaari karaan masaafo u dhaxaysa 2,000 ilaa 2,500 oo KM.
Qaar ka mid ah gantaallada ballistic-ga ee Iran, sida Sejil iyo Shahab-3B, ayaa la sheegaa in ay gaarayaan masaafo dhan "laba kun oo KM", sida laga soo xigtay Ilaalada Kacaanka, cabbirka dhabta ah ee gantaallada uu milaterigu hagayo ee Somar waxa uu u dhexeeyaa 2,000 iyo 2,500 kilomitir.
Si dhab ah looma xaqiijin karo inta ay le'eg yihiin gantaalladan, balse waligood looma isticmaalin hawlgallo masaafo dhan 2,000 oo kilomitir.
Masaafada ugu badan ee gantaalada Iran ay u suurtagashay inay gaaraan ilaa iyo hadda waxay ahayd intii uu socday hawlgalka Vashti Sadeq, weeraradii koowaad iyo labaad ee Israa'iil
Masaafada u jirta qaybta ugu shishaysa dhinaca galbeed ee Iran waxay Israa'iil u jirtaa waa qiyaas 1,200 kiiloomitir ah.
Fogaanta ay gaari karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay "2,500 kilomitir." Si kastaba ha ahaatee, bishii Oktoobar 2014, Ciidanka Cirka ee IRGC ayaa soo saaray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136B, taas oo la sheegay in ay awood u leedahay "qiyaas dhan 4,000 oo kilomitir".
Tani waxay ahayd markii ugu horreysay ee Iran ay ku dhawaaqday in ay haysato hub militari oo gaaraya in ka badan "laba kun oo kilomitir".
Sida laga soo xigtay militariga Iran, hadalka hogaamiyaha sare ee Ali Khamenei ee ah in gantaalada Iran aysan dhaafin 2,000 oo kilomitir ayaa hadda horseeday in la sameeyo gantaalada riddada dheer. Khamenei wuxuu sheegay inay jirto "sabab" go'aankan loo qaatay, laakin ma uusan cayimin.
Haddii fogaanta ay gaari karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136B ay tahay mid sax ah, Iran waxay awood u yeelan doontaa inay beegsato Jasiiradda Diego Garcia, laakin waxaa jira siyaabo kale oo lagu weeraro jasiiradda; tusaale ahaan, hagaajinta fogaanta ay gaari karaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ama isticmaalka markabka qaada drone-ka ee ay IRGC dhawaan bilowday.
Isticmaalka markabkan, waxaa suurtogal ah in Iran ay juquraafi ahaan u dhawaato jasiiradda Diego Garcia oo ay dhici karto in weerar aan duuliye lahayn uu halkaas ka dhaco. Laakin tani ma fududa in lagu fuliyo waqti gaaban.
Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhaxeeya Tehran iyo Washington, ayaa afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell wuxuu yiri shalay "Haddii Iran ama wakiiladeeda ay u hanjabaan askarta Mareykanka iyo danaha aan ka leenahay gobolka, Mareykanka wuxuu qaadi doonaa tallaabo adag oo lagu ilaalinayo dadkeena".

Xigashada Sawirka, Planet Lab
Maxaan ka ognahay dayaaradaha B2, maxayse khatar ugu yihiin Iran?
Diyaaradan iyo bambaanooyinkooda waxaa soo saaray Northrop Grumman, waxayna dhex geli karaan hanaanka difaacyada ee ugu hormarsan, ayagoo sidoo kalena weerari kara bar-tilmaameedyada aadka loo ilaaliyo.
Diyaaradan ayaa awood u leh in ay gaarto masaafo dhan 9,600 oo kilomitir hal mar oo shidaal ay qaadato, waxayna hawada sare si fudud ugu duuli kartaa joog aad u sarreeya.
B-2 waxa ay awood u leeyaday in ay qaaddo bambooyin culus oo ay ku jiraan bambooyinka Nukliyeerka. Hubkeeda waxaa ka mid ah 14,000 kiiloogaraam GBU/57AB bamka dhulka gala.
Diyaaradan ayaa la sheegay in ay awood u leedahay in ay ku duusho xawaare ku dhow kan dhawaaqa iyo in gaarto joog dhan 50,000 oo fuudh.
Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa la sheegay in ay haystaan 20 diyaaradood oo B-2 ah.
Diyaaradan ayaa awood u leh inay ka fogaato nidaamka difaaca iyo raadaarka, ayadoo bambooyinkeedana ay burburin karaan xarumaraha milateriga ee dhulka hoostiisa.













