Itoobiya oo ka mid ah shanta dal ee ugu ciidanka xooggan qaaradda Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Itobiya ayaa ah mid ka mid ah dalalka ugu awooda badan Afrika, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo falanqeeyay qiimeynta ciidamada adduunka.
Shabakadda Internet-ka ee Global Firepower Network (GFP) ee Mareykanka oo sanad walba qiimeysa ciidamada dalalka, ayaa dhawaan soo saartay warbixin ay ku sheegtay in Itoobiya ay ka mid tahay shanta dowladood ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika.
Ururka ayaa ku dhawaaqay qiimeynta ciidamada 145 wadan.
Morocco, Angola, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Suudaan iyo Liibiya ayaa galay kaalinta lixaad ilaa tobanaad, sida ay u kala horreeyaan.
Bal aynu eegno wadamada kaalimaha koowaad ilaa shanaad ku jira . Itoobiyase kaalinteey ku jirtaa?
Kaalinta koobaad Masar

Xigashada Sawirka, AFP
Dalka Masar waxa uu ku yaalaa waqooyiga Afrika, waxa uuna xuduud la leeyahay Bariga dhexe, Masar waxa ay leedahay ciidamada ugu xoogga badan Afrika iyo dalka 19-aad ee ugu weyn caalamka.
Masar ayaa sanadkiiba 1.5 bilyan oo dollar ka hesha kaalmada militari ee Mareykanka si ay u xoojiso awoodeeda ciidan. Tani waxay ka dhigeysaa dalka Afrikaanka ah ee hela xaddiga ugu badan ee gargaarka milatari ee Mareykanka.
Marka laga soo tago inay dalka ka ilaalinayaan khataraha amni ee Bariga Dhexe ee ka jira, waxa kale oo ay ciiddanka Masar ay ku hawlan yihiin xakameynta Kooxaha hubeysan ee ku sugan gudaha dalkaasi.
Ciidamada lugta, ciidamada cirka iyo kuwa badda, isku darka ciidanka caadiga ah ee Masar waa 440,000.
Kaalinta labaad Aljeeriya

Xigashada Sawirka, AFP
Aljeeriya, oo ah wadan ku yaala waqooyiga Afrika, ayaa leh ciidanak labaad ee ugu weyn Afrika iyo kan 26-aad ee ugu weyn adduunka.
Ciidamada Aljeeriya ayaa lagu dhisay dhaqaalaha kasoo xarooda shidaalka, taas oo u sahashay in ciidamadooda ay noqdaan kuwo si casri ah u hubeysan oo si wanaagsan u tababaran.
Waxa ay leedahay ciidan lug ah,ciidanka cirka iyo badda ,ciidankeeda caadiga ahbtirada ciidamadeeduna waa 325,000.
Kaalinta seddexaad Nayjeeriya
Sawir
Nayjeeriya waa dalka seddexaad ee ugu militariga badan Afrika iyo kan 31-aad ee ugu weyn adduunka.
Nayjeeriya, oo dhistay ciidankeeda si ay ula dagaalanto mintidiinta iyo kooxaha argagixisada ah ee ka hawlgala dalkeeda, ayaa ciidankeeda ku xoojisay dakhliga saliidda.
Ciidamada lugta, ciidamada cirka iyo kuwa badda marka la isku daro waxay ka kooban yihiin in ka badan 230,000 oo askari oo joogta ah.
Kaalinta Seddexaad Nayjeeriya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nayjeeriya waa dalka seddexaad ee ugu militariga badan Afrika iyo kan 31-aad ee ugu weyn adduunka.
Nayjeeriya, oo dhistay ciidankeeda si ay ula dagaalanto mintidiinta iyo kooxaha argagixisada ah ee ka hawlgala dalkeeda, ayaa ciidankeeda ku xoojisay dakhliga saliidda.
Ciidamada lugta, ciidamada cirka iyo kuwa badda marka la isku daro waxay ka kooban yihiin in ka badan 230,000 oo askari oo joogta ah.
Kaalinta afaraad Koonfur Afrika

Xigashada Sawirka, AFP
Koonfur Afrika oo caan ku ah dhaqaalaha xooggan ee Afrika, ayaa ku jirta kaalinta 4-aad ee qaaradda iyo kan 40-aad ee adduunka oo dhan marka loo eego cududooda ciidan.
Waxay caan ku tahay warshadaha difaaca ee casriga ah, waxay soo saartaa inta badan hubkeeda iyo qalabkeeda.
Waxa ay leedahay ciidamada lugta, ciidamada cirka iyo kuwa badda. Ciidankeedu waa in ka badan 70,000
Kaalinta shanaad Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Itoobiya waxay ku jirtaa kaalinta shanaad ee Afrika iyo tan 52aad ee adduunka marka loo eego cududeeda ciidan. Waxay dhistay ciidan badan oo ilaaliya amniga gudaha iyo kuwa ka jawaaba xaaladaha amniga gobolka, gaar ahaan colaadaha Geeska Afrika.
Itoobiya waxa ay aad u gelisaa qarash sidii ay ciidankeeda ugu qalabayn lahayd hub casri ah, iyada oo soo saari doonta hub ciidan oo muhiim ah iyo tababaridda ciidankeeda.
Waxa kale oo ay xoojinaysaa awooddeeda ciidan iyada oo iskaashi ciidan la samaynaysa wadamo kala duwan.
Ciidamada Itoobiya ayaa marka hore loo daabulay si ay u xakameeyaan kooxaha hubeysan ee ka howlgala gudaha dalka. Dalka ayaa sidoo kale gacan weyn ka geysta howlgallada nabad ilaalinta ee dalalka kale.
Itoobiya waxay leedahay ciidamo lugta ah, ciidamada cirka iyo kuwa badda oo isku darkoodu yahay in ka badan 160,000 oo ciidan.
Sannadkan, waxa la soo bandhigay warshado soo saara hub isugu jira taangiyo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ku qalabaysan tignoolajiyada casriga ah oo fulinaya amarro gaar ah.











