You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa looga digayaa in magaalada New York ay quusi doonto?
Qeyb ahaan magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa dhismayaasheedu si tartiib tartiib ah u quusayaan biyo, sababaha keenayana waa baaxadda dhismayaasheeda iyo xajmigooda weyn -mana ahan magaalada kaliya ee xeebta ah ee ay soo wajahday dhibaato ceynkan oo kale ah.
Marka heerarka biyaha badda ay sidoo kale kor u kacaan, ayey sidoo kale waxey gunta hoose kasoo galaan shubka ee ay ku qotomaan dhismayaasha iyo daaraha dhaadheer ee magaaladani, ma la badbaadin karaa?
Taariikhdu markii ay ahayd 27-kii bishii Sebtembar ee sanadkii 1889-kii, ayaa shaqaalaha dhismo waxey taabsiiyeen Tower dhisme dheer meeshiisa ugu sarreysa. Wuxuu ahaa dhisme ka kooban 11 dabaq, taasoo ay saamaxday qaab dhismeedka qalfoofka birta, waxaa loo malaynayaa inuu yahay dhismihii ugu horreeyay ee magaalada New York laga hirgaliyo. Dhismahan waa uu dheeraa – waxaana la dhammeeyay sanadkii 1914-kii - laakiin hirgalintiisa, ayaa calaamad u noqotay billowga dhismaha dhaadheer oo aan weli istaagin.
Masaafada gaareysa 300sq ama sida kale haddii loo dhigo (777sq km) ee ah badka ay ku fadhiso magaalada New York, ayaa waxay noqonayaan dhanka kale 762 milyan oo tan ama (1.68 trillion pounds) shubka dhismayaasha culeyskooda, marka lagu daro dhalooyinka iyo birta ay ka sameysan yihiin dhismayaasha, sida lagu sheegay qiyaasaha cilmi-baarayaasha Maraykanka ee sahanka cilmiga dhulka (USGS).
Iyadoo tiradaasi ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah waxyaabaha lasoo koobay ee la xiriira agabyada kale, tankaas ama culeysyadaan kale kuma jiraan qalabyada, iyo alaabta guriga ee ku dhex jirta dhismayaasha tirada badan ee magaalada . Sidoo kale kuma jiraan kaabayaasha gaadiidka ee isku xira, iyo 8.5 milyan oo qof ee ku dhex nool magaalada New York.
Dhammaan arrimahan, ayaa saameyn aan caadi ahayn ku yeelanaya dhulka lagu dhisay daaraha dhaadheer. Dhulkaas, sida laga soo xigtay daraasad la daabacay bishii Maajo ee sanadkan, ayaa wuxuu ku quusayaa 1-2mm (0.04-0.08in) sannadkii, qayb ahaan sababtoo ah cadaadiska ay ku hayaan dhismayaasha magaalada ee kor ku xusan. Taasi ayaa waxay qeyb ka tahay walaaca ay muujiyeen khubarrada – marka lagu daro kor u kaca ee heerka biyaha badda ee soo wajahaya dhulka, gaar ahaan qiyas gaareysa badda waa 3-4mm (0.12-0.16in) sanadkii. Waxay tani keeneysaa ama laga yaabaa inaysan u ekaan wax badan, laakiin dhowr sano ka dib, waxay ku kordhineysaa dhibaatooyin la taaban karo oo soo food saarta magaaladan dhacda dhanka xeebta.
Magaalada New York, ayaa kal horaba waxaa soo wajahayay dhibaatada hoos u quusidda illaa iyo dhammaadkii xiligii barafeedkii hore ee jiilaalka. Marka laga hadlayo culeyska barafka, qaar ka mid ah dhulka ku yaal xeebta bari ee badda, ayaa sii fidaya, halka qaybaha kale ee dhul-xeebeedka, oo ay ku jiraan qaybta ay magaalada New York ku fadhiso, ay u muuqato inay sii dagayso. "Nasintaasi waxay keentaa hoos u dhac," ayuu yiri Tom Parsons, cilmi-baare gaar ahaan cilmiga dhulka, oo ka tirsan Xarunta Sayniska ee Xeebta Baasifiga iyo Badda ee USGS ee Moffett Field, ee gobolka California, isagoo sidoo kale kamid ah afarta qoraa ee daraasadda.
Laakiin culeyska weyn ee deegaanka la dhisay ee magaalada, ayaa uga sii daray xaaladda, taasoo ku keentay hoos u dhac weyn, Parsons ayaa sidaasi sheegay.
Tanina waa dhacdo caalami ah, oo ka socota meelo badan. Magaalada New York, ayuu sidaasi yiri Parsons mar kale, "waxaa loo arki doonaa in tani ay horudhac u tahay magaalooyinka kale ee xeebaha ku teedsan oo ku yaalla dalka Maraykanka iyo adduunka kalaba, oo ay ku sii kordhayaan tirada dadka u soo haajiraya iyaga, kuwaasoo xiriir la leh magaalaynta, iyo kuwa wajahaya biyaha badaha oo kor u kacaya".
Waxaa jira sababo badan oo kala duwan oo keenaya in magaalooyinka xeebaha ku dhaw ay quusaan, laakiin tirada badan ee kaabayaasha aadanaha ee cadaadiska ku haya dhulka, ayaa door ka ciyaaraya.
Miisaanka kaabayaashani waa kuwo aad u ballaaran: Sanadkii 2020-ka, ayaa tirada walxaha bini'aadmigu sameeyay ay ka sare mareen dhammaan noolaha kale.
Wax ma laga qaban karaa si loo joojiyo magaalooyinkan - oo ay ku nool yihiin boqollaal milyan oo qof - inay quusaan, gaar ahaan kuwa xiga dhanka badda?
Qaar ka mid ah magaalooyinka adduunka - sida Jakarta, caasimadda dalka Indonesia - ayaa quusiddeeda waxey ku socotoaa si xawli ah, iyadoo sidoo kale ay jiraan kuwa kale.
"Magaalooyinka qaarkood, waxaan aragnaa hoos u dhac dhowr sentimitir sannadkii," ayuu yiri Steven D'Hondt, oo ah professor cilmiga badaha ee Jaamacadda Rhode Island ee Narragansett. Marka la eego heerkan, magaaladu aad ayay u sii quusaysaa, halka la doonayo in la barbar dhigo badda marka ay kor u kacayso, si loo daboolo arrintaas. "Waa inaan kordhinaa dhalaalinta barafka, iyadoo loo eegayo heerka cabbirka, si taas u dhiganta."
Qoraaga daraasadda magaalada New York, D'Hondt, waa mid ka mid ah saddexda qoraa ee daraasadda ee sanadka 2022-ka ah, oo adeegsatay sawirada dayax-gacmeedka, si loo cabbiro heerarka hoos u dhaca 99 magaalo oo ku teedsan xeebaha adduunka.
"Haddii hoos u dhacu uu ku sii socdo heerarkii aan aragnay dhawaan, magaalooyinkan waxaa ay la kula kulmi doonaam dhacdooyinka daadad ba'an ah sida ugu dhaqsiyaha badan ee la saadaaliyay," ayay qoreen D'Hondt iyo asxaabtiisa Pei-Chin Wu iyo Matt Wei, oo labaduba ka tirsan Jaamacadda Rhode Island.
Koonfur-bari Aasiya ayaa si weyn uga dhex-muuqatay liiska magaalooyinka ay sida degdegga ah hoos u quusaya, ama dhulka sii galaya. Qaybo kamid ah magaalada Jakarta, ayaa waxay hoos u dhacaan inta u dhaxaysa 2cm-5cm (0.8-2in) sannadkii. Jakarta, oo lagu beddelayo caasimadda Indonesia magaalo laga dhisayo meel 1,240 mayl (1996km) u jirta, ayaa waxaa quusidda ku weheliya magaalada Manila ee dalka (Philippines), Chittagong oo ku taalla dalka (Bangladesh), magaalada Karachi oo ku taalla dalka (Pakistan) iyo Tianjin oo ku taalla dalka (Shiinaha). Magaalooyinkan ayaa waxaa kal horaba u soo gaaray burbur ku yimid kaabayaashii dhaqaalaha, iyadoo taasi gaarsiiyeen fatahaado isdaba joog ah.
Dhanka kale, in kasta oo aysan ku ooolin xeeb, magaalada Mexico city ee xarunta dalka Mexico, ayaa waxay quustaa cabir gaaraya 50cm (20in) taasoo yaab leh sannadkii, iyadoo oo ay uga mahad celinayaan dadka dalka Mexico dowladda Isbaanishka oo sameeyey biyo-mareennada hoose, markii ay ku qabsadeen gumeysi ahaan dalka Mexico. Cilmi-baaristu ayaa waxay soo jeedisay inay qaadan karto 150 sano oo kale, ka hor inta aysan joogsan quusitaankaas - iyo qiyaastii 30m (98ft) oo dheeri ah.
Laakiin waa magaalooyinka xeebaha ah kuwa diiradda lagu saarayo saarayo daraasadda D'Hondt iyo asxaabtiisa. Qayb weyn oo ka mid ah Semarang ee dalka Indonesia, tusaale ahaan, waxay quustaa 2-3cm (0.8-1.2in) sannadkii, halka aag muhiim ah oo ku taalla waqooyiga Tampa Bay, ee Florida, ay quusto, taasoo u dhiganta 6mm (0.2in) sannadkii.
Qaar ka mid ah heerka hoos u dhaca ama quusidda, ayaa si dabiici ah u dhacda, Wei ayaa leh. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si weyn u dardar gelin kara bini'aadamka arrintani - ma aha oo kaliya culeyska dhismayaasheena, laakiin soo saarista biyaha dhulka hoostiisa ah, iyo sidoo kale soo saarista saliidda iyo gaaska, ee gunta hoose ee dhulka. Wax ku biirinta quusidda ee mid kasta oo ka mid ah dhacdooyinkan, ayuu yiri Wei, "way ku kala duwan yihiin goobaha, taasoo ka dhigaysa hawl adag in la fahmo oo wax laga qabto quusidda biyaha ee goobaha dhaca xeebaha".
Laakiin waa inaan wax ka qabannaa magaalooyinka dhulka sii galaya. Biyaha kor u kaca, ayaa si fiican u waxyeelleeya magaalooyinka, kahor intaysan bilaabin inay wax burburiyaan: waa mawjadda kor u kiciya, ee haddana dajiya dhammaan doomaha.
Saamaynta ugu horreysa ee waxyeellada kor u kaca heerka badda, ayuu yiri D'Hondt, waxay ka dhacaan meel ka hoosaysa oogada dhulka. "Waxaad liqayaan waxyaabaha la galiyey dhulka hoostiisa ee dhismayaasha, aasaaska iyo kaabayaasha, iyo aasaaska u aasan dhismayaasha, ka dibna, biyaha baddu waxay bilaabaan inay kasoo gudbaan ashyaada dhulka la galiyey, muddo dheer ka hor intaadan arkin iyagoo soo gaarey dhulka korkiisa biyuhu." Sida ay waxani u socdaan, duufaanada dhacaya, ayaa waxay kordhiyaan biyaha harqiya magaalooyinka.
Xalalka loo baahan yahay, ayay ku kala duwan magaalooyinka, iyadoo loo eegayo sababaha ay mid waliba gaarka u leedahay, ee ay u quusayso.
Hal hab oo cad ayaa ah, in kasta oo ay la yimaadaan dhibaatooyinkeeda, waa in la joojiyo dhismaha. Sida Parsons uu sharraxay, usii quusidda dhulka dhismayaasha "guud ahaan dhismayaasha ayaa waa la dhammeeyaa sanad ama laba ka dib marka la bilaabo dhismahooda". Inkasta oo in badan oo magaalada New York ah ay leedahay qeybo fidsan, oo lagu dhiso marmar iyo biro laga sameeyey macaadin kale, dhagaxyadani waxay leeyihiin oogo adag iyo jajabyo iyaga kamid ah, kuwaasoo loo aaneyo qaar kamid ah hoos u dhaca.
Laakiin ciidda hodanka ku ah dhoobada iyo alaabta macmalka ah, ee si gaar ah ugu baahsan Manhattan dhulkeeda hoose, ayaa waxay sababi kartaa qaar ka mid ah khatarta ugu badan ee hoos u quusidda, ayey yiraahdeen Parsons iyo asxaabtiisa. Markaa hubinta in dhismayaasha waaweyni ay ku yaalliin dhulka ugu adag, ayaa waxay qeyb ka noqon karaan in la yareeyo isbeddelka hoos u dhaca.
Xalka kale, ugu yaraan meelaha qaar, waa in la dhimo ka bixitinta biyaha dhulka hoostiisa ah, iyo ka soo saarista biyo-mareenada dhulka hoostiisa. Parsons iyo asxaabtiisa ayaa ka digaya in kordhinta magaalaynta ay u badan tahay inay kordhiso tirada biyaha dhulka hoostiisa ah ee la soo saaro, marka lagu daro xitaa dhismo badan si loola tacaalo dadka sii kordhaya. Helitaanka habab badan oo waara oo lagu bixiyo baahiyaha biyaha ee magaalada, iyo ilaalinta heerka biyaha dhulka hoostiisa, ayaa qeyb ka ciyaari kara kahor tagista in magaalooyinka ay dhulka hoostiisa u quusaan.
Si kastaba ha ahaatee, habka ugu wanaagsan waa barnaamijyo isku dhafan oo aan toos ahayn, oo ah dhismaha iyo ilaalinta iyo ka difaacista daadadka sida darbiyada badda. La qabsiga Tokyo ee kaabista dhulka waa laba-geesood. Magaaladani ayaa waxaa laga dhisay dhismayaal jireed sida dheegag shub leh, gidaarada badda, saldhigyada iyo meelaha ay soo gali karaan daadadka. Kuwaas waxaa lagu daraa tallaabooyinka bulsheed, sida joogteyntaa daadgureynta iyo habka digniinta xili hore ah.
Aaladaha kale ee waxtarka u leh kahor tagista hoos u quusidda waxaa ka mid ah yareynta taangiyada: haamaha waaweyn ee la galiyo dhulka hoostiisa, oo sii daaya biyaha dabaylaha sida xawliga ah u duulaya, si tartiib tartiib ah. Martin Lambley, oo ah khabiir ka tirsan shirkadda soo saarta tuubooyinka Wavin, ayaa sheegay in taangiyada wax-soo-saarka lagu daro walxaha dabiiciga ah sida balliyada, meelaha qoyan (godadka qashinka ah ee ay biyuhu si tartiib tartiib ah uga soo baxaan) iyo liqidda ama ku shubista meelaha kale sida badda). "Caqabadaha aan maanta wajahayno aad ayay uga duwan yihiin kuwii hore, markii ugu horreysay ee bullaacadaha iyo hababka bullaacadaha ee magaalooyinka la hirgelinayey," ayuu yiri.
Waxaa laga yaabaa inaan aragno xalal cusub oo kale marka ay biyuhu kor u kacaan. Sannadkii 2019-kii, Qaramada Midoobay, ayaa waxay qabatay dood-wadareed ku saabsan magaalooyinka sabeynaya, kuwaasoo laga yaabo inay noqdaan qaab-dhismeedka pontoon. Ugu dambeyntii, waxaa la isla gartay in la sameeyo ololaha kahor tagga isbeddelka cimilada, iyadoo la baabi'inayo qiiqa gaaska, iyo in guryaha dhirta lagu koriyo iney ka hortagaan ama dib u dhigi doonaan ugu yaraan xoogaa dhalaalidda qeybta saree e barafka, iyo sidoo kale hoos u dhigista heerka joogga biyaha badda.
"Waxaan u maleynayaa in dowladuhu ay u baahan yihiin inay ka fiirsadaan," ayuu yiri D'Hondt. "Haddii aysan rabin inay lumiyaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo awoodda dhaqaale dhowr iyo toban sano gudahood, waxay u baahan yihiin inay hadda bilaabaan qorshahan."