You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump iyo isbeddellada socdaalka ee waaweyn iyo saameyntooda ilaa hadda
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Isniintii, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay amarro fulineed oo badan oo la xiriira socdaalka, taasoo u gogol xaareysa dadaal ballaaran oo lagu xakameynayo muhaajiriinta aan sharciga haysan ee Mareykanka.
In ka badan 21 tallaabo, Trump waxa uu u dhaqaaqay in uu dib u habayn ku sameeyo qaybo ka mid ah nidaamka socdaalka ee Maraykanka, oo ay ku jiraan sida muhaajiriinta loo maarayn lahaa oo looga musaafurin lahaa Maraykanka.
Aqalka Cad ayaa tan iyo markaas shaaciyay qaar ka mid ah dadaalladan. Jimcihii, Xoghayaha cusub ee saxaafadda Aqalka Cad ayaa la wadaagay sawirrada duullimaadyada masaafurinta ee ay fulinayaan diyaaradaha xamuulka qaada ee milatariga.
In kasta oo Trump uu ballan qaaday "masaafurin ballaaran" iyo xarig, weli ma cadda inta uu la eg yahay qorshihiisa hadda la hirgeliyay.
Waxaan soo koobaynaa qaar kamid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee uu Trump ka qaaday socdaalka toddobaadkiisii ugu horreeyay, iyo is barbar-dhigga siyaasadihii hore.
Masaafurinta muhaajiriinta
Aasaaska siyaasadda socdaalka ee Trump ayaa ah ka saarida muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka baxaya Mareykanka iyo ballan qaadka "masaafurin ballaaran".
Si taas loo gaaro, wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in ay bixin doonto diyaarado militari si loo tarxiilo in ka badan 5,000 oo qof oo lagu xiray xarumaha ilaalada xuduudaha ee San Diego iyo El Paso, oo ku yaal Texas.
Tirakoobka ICE ayaa muujinaya in in ka badan 1,000 qof laga saaray ama dib loo celiyay Khamiistii, maalintii afraad ee maamulka Trump.
Trump wuxuu sidoo kale u dhaqaaqay inuu ballaariyo baaxadda masaafurinta degdegga ah ee muhaajiriinta aan sharciyeysneyn, isagoo dib u soo nooleeyay siyaasad hoos timaada xilligiisii ugu horreeyay ee Biden uu joojiyay.
Raritaan degdeg ah ayaa hore loogu xaddiday meelaha 100 mayl (160km) u jira xudduudaha caalamiga ah ee Maraykanka, waxaana la codsaday kuwa aan codsan magangelyo ama ku guul darraystay inay muujiyaan kiis sharci ah oo magangelyo.
Isbeddellada Trump, ayaa hadda ka dhici kara meel kasta oo Mareykanka ah, waxaana lagu dabaqi doonaa muhaajiriinta aan sharciyeysneyn ee aan caddayn karin inay waddanka joogeen in ka badan laba sano.
Masaafurintu maaha mid u gaar ah maamulka Trump.
Biden waxa uu sidoo kale sameeyay masaafurinta, iyada oo 271,000 oo muhaajiriin ah loo tarxiilay 192 waddan sanad maaliyadeedkii 2024. Tani waa qiyaastii 740 maalintii, taas oo ka dhigaysa tirooyinka hordhaca ah ee hadda ee Trump.
Wadar ahaan, Biden waxa uu qaaday 1.5 milyan oo masaafuris afartii sano ee uu joogay, sida laga soo xigtay tirooyinka machadka siyaasadda socdaalka. Taasi waxay la mid tahay tii la fuliyay muddadii ugu horreysay ee Trump.
Tiradaas ayaa ka hooseysa masaafurinta lagu sameeyay xilligii Barack Obama, oo lagu daray wadar dhan 2.9 milyan.
Xoojinta xudduudda Maraykanka iyo Mexico
Pentagon-ka ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in 1,500 oo askari oo firfircoon la geynayo xudduudda koonfureed ee Mareykanka. Tani waa marka lagu daro 2,500 oo shaqaale kuwaas oo horeyba halkaas u joogay, ayay saraakiishu sheegeen taas oo muujineysa kororka 60% ee ciidamada xoogga dalka ee aagga.
Ciidamada ayaa duulin doona diyaaradaha qumaatiga u kaca si ay uga caawiyaan ilaalada xudduudaha la socodka, ayuu yiri ku simaha Xoghayaha difaaca Robert Salesses. Waxay sidoo kale gacan ka geysan doonaan dhisidda xuduudsaha lagu joojinayo soogalootiga inay soo galaan.
Saraakiishu waxay intaa ku dareen in tiro ka mid ah "hawlaha xoojinta xuduudaha" ee dheeraadka ah ay ku jiraan horumarinta, iyada oo aan la bixin waxyaabo gaar ah.
Biden wuxuu kaloo u daabulay ciidamo xadka, kuwaas oo loo adeegsaday inay ka caawiyaan ilaalada Xuduudaha hawlaha ugu horreeya ee maamulka.
Isgoysyada xuduudaha ayaa si weyn hoos ugu dhacay Biden sannadkii u dambeeyay ee madaxweynaha. Bishii Disembar 2024 - bishii ugu dambeysay ee maamulka Biden, qiyaastii 47,330 muhaajiriin soo galooti ah ayaa la duubay, oo hoos uga dhacay heerkii ugu sarreeyay ee ku dhawaad 250,000 bishii Diseembar 2023.
Tirooyinka ayaa ka hooseeya celceliska billaha ah ee xilliga ugu horreeya ee Trump, kahor masiibada Covid-19. Bishii Maajo 2019, tusaale ahaan, wakiilada xuduudaha ayaa diiwaangeliyay 132,800 oo muhaajiriin ah.
Joojinta habaynta soogalootiga iyo magangalyo-doonka
Amarka fulinta, Trump ayaa hakiyay gelitaanka dhammaan muhaajiriinta aan sharciga haysan ee Mareykanka, waxaana saraakiisha ilaalada xuduudaha la faray in ay dadka ka celiyaan iyaga oo aan la siinin dacwado magangalyo.
Amarka ka hor, muhaajiriintu waxay awoodeen inay yimaadaan xudduudda Mareykanka waxayna lahaayeen xuquuq sharci ah inay magangelyo weydiistaan.
Bishii Juun 2024, maamulka Biden ayaa soo saaray amar si ku meel gaar ah u hakiyay xaqa muhaajiriintu u leeyihiin inay dalbadaan magangelyo haddii aysan tagin goobta rasmiga ah ee laga soo galo, ama aysan ballan ka qabsan aalladda CBP One, oo ah mid qaab Online ah loo codsado, iyadoona bishii Sebtembar, xannibaadaha magangalyada aad loo adkeeyay.
Trump ayaa sidoo kale joojiyay barnaamijkii dib u dejinta qaxootiga ee Mareykanka. Marka loo eego Biden 2024, Maraykanku wuxuu aqbalay in ka badan 100,000 oo qaxooti ah waana kii ugu sarreeyay tan iyo 1995.
Waxa kale oo uu soo afjaray barnaamijkii weynaa ee xilligii Biden kaas oo u oggolaaday ilaa 30,000 oo muhaajiriin ah bishiiba dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela inay u duulaan Mareykanka sababo bini'aadantinimo.
Siyaasadda "Remain in Mexico" ee Trump, muddadii ugu horreysay ayaa sidoo kale dib loo soo celin doonaa. Tan ayaana magangelyo doonka aan Mexico-kaanka ahayn ku qasbaysa inay ku sugaan Mexico ilaa laga xaliyo sheegashadooda magangalyo ee Maraykanka. Waxay saamaysay ku dhawaad 71,000 oo qof intii uu xilka hayay Trump.
Siyaasadan muranka badan dhalisay ayaa waxaa si joogta ah u dhaleeceeyay dadka u dooda socdaalka, waxa ayna sheegeen in muhaajiriinta inta badan looga tago Mexico muddo bilo ah, mararka qaarna ay ugaarsadaan kooxo dambiilayaal ah.
Waxaa jira dib u dhac lagu qiyaasay 3.6m oo kiis oo ka jira maxkamadaha socdaalka Mareykanka, muhaajiriinta ayaa inta badan ku qasban inay sugaan sanado. Dad badan ayaa la yaabay in kiisaskaas weli la dhageysan doono iyo in kale.
Trump ayaa shaqada ka ceyriyay dhowr mas'uul oo sare oo ka tirsan maxkamadda socdaalka tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, taas oo saameyn ku yeelan karta habsocodka kiisaskaas.
Burinta ballamaha muhaajiriinta ee jira
Isbeddel weyn oo la dareemay isla markiiba ka dib markii Trump uu xafiiska la wareegay iyadoona meesha laga saaray barnaamijka CBP One ee talefanka casriga ah, kaas oo muhaajiriinta awood u siinayay inay ballan la yeeshaan wakiilada ilaalada xuduudaha ee Maraykanka.
App-ka CBP One waxa bilaabay maamulka Biden si loo kala habeeyo gelitaanka muhaajiriinta iyo codsiyadooda.
Ilaa 30,000 oo qof ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin gudaha Mexico tan iyo markii app-ka la dejiyay, dhamaantood waxay wateen balamo loo qorsheeyay oo hadda la joojiyay.
Qiyaastii 270,000 oo muhaajiriin ah ayaa lagu qiyaasay inay ku sugnaayeen dhanka Mexico ee xuduudka iyagoo sugaya inay balamo ka helaan app-ka, sida laga soo xigtay tirooyinka dowladda ee ay heshay warbaahinta CBS, oo bahwadaag la ah BBC-da.
Talaabadaan ayaa waxaa murugo kala kulmay dad tahriibayaal ah oo safaro dheer u soo galay dhanka xuduuda, kuwaasi oo muddo bilooyin ah sugayay inay helaan balamahaas.
U doodayaasha ayaa sheegay in, markii la saaray, aysan hadda jirin waddo la taaban karo oo loo maro ilaalinta muhaajiriinta imaanaya.
Ururka xorriyadda madaniga ah ee Mareykanka ayaa tan iyo markaas gudbiyay dacwad ka dhan ah xiritaanka app-ka.
Dhismaha hoyga muhaajiriinta ee Mexico
Mexico ayaa filaysa inay ku soo qulqulayaan muhaajiriinta amarka masaafurinta ee Trump, waxayna bilowday in ay dhisto guryo waaweyn oo teendho ah oo laga dhisayo sagaal magaalo oo xuduud ah si ay si ku meel gaar ah u dejiyaan.
Sarkaal ka tirsan dowladda hoose oo lagu magacaabo Enrique Licon oo ka tirsan Ciudad Juárez, oo ah magaalo xuduud la leh El Paso, Texas, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in teendhooyinkaan ay hoy u noqon doonaan kumannaan qof oo ay tahay in ay diyaar noqdaan maalmo gudahood, isaga oo ku tilmaamay dadaalka "mid aan horay loo arag".
Goobaha la dajin doona dadka ayaa sidoo kale lagu siin doonaa cunto, daryeel caafimaad iyo kaalmo xagga helitaanka dukumentiyada aqoonsiga.
Raxan basas ah ayaa sidoo kale diyaar u ahaan doona inay caawiyaan dadka Meksikaanka ah inay dib ugu noqdaan magaaladoodii.
Waa qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo loogu magac daray "Mexico Embraces You", olole dowladeed oo dhan ah oo lagu soo dhaweynayo muwaadiniinta laga yaabo in laga soo tarxiilo Mareykanka laguna caawiyo inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.
Wadamada kale ee u dhow sida Guatemala, waxay bilaabayaan dadaallo la mid ah si ay u soo dhaweeyaan dadka la tarxiilayyo.
Laakiin dadka qaar ayaa walaac ka muujiyay in Mexico iyo dalalka kale ay diyaar u noqon doonaan inay wax ka qabtaan tirada dadka ee soo socda.
Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa sidoo kale ka baxsanaya qalalaasaha siyaasadeed ama rabshado dambiilayaal ah oo ka jira dalalkooda, taasoo keentay su'aalo ku saabsan inay badqabi doonaan haddii ay soo laabtaan.
Qaar ka mid ah amarrada fulinta ee Trump ayaa la saxiixay iyada oo ujeeddadu tahay in la ballaariyo awoodda socdaalka iyo dhaqangelinta Kastamka (ICE) ee lagu xirayo oo lagu hayo soogalootiga sharci darrada ah.
Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa sheegtay in 538 qof la xiray Khamiistii.
Marka la barbardhigo, ICE waxay xirtay in ka badan 149,700 sanadkii 2024 maamulka Biden, taas oo u dhiganta celcelis ahaan 409 maalintii.