You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Daacishta Soomaaliya oo sheegatay weerar ay dhawaan ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Bari
Kooxda isku magacowda Dawladda Islaamka ee IS ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii 31dii bishii December ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Dharjaalle ee gobolka Bari ee Puntland, iyadoo kooxdu ay warkaan ku baahisay barta Telegram, sida ay sheegtay wakaaladda warar ee Reuters.
Warka ay soo saartay kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen 12 dagaalyahan iyo laba baabuur oo qaraxyo siday, iyadoo ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay ku dhawaad 22 askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale.
Ciidamada amniga ee maamulka Puntland ayaa Talaadadii sheegay inay ka hortageen weerar ay wehliyeen gawaari qaraxyo lagu soo xiray oo koox ka tirsan Daacish ay ku soo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Dharjaale, sida ay ku sheegeen warka ay soo saareen.
Kaptan Yuusuf Maxamed, oo ka tirsan ciidamada ka hortagga argagixisada ee Puntland, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in sagaal dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda weerarka soo qaadday ay dhinteen tira kalana ay ku dhaawacantay.
Puntland waxay horey u sheegtay in dhamaan kooxdii weerarka soo qaadday oo ajaanib u badnaa ay dhinteen, iyadoo baraha bulshada la soo dhigay muuqaallo muujinayay meydad lagu sheegay in ay yihiin kooxdii weerarka soo qaadday.
Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in Daacishta Soomaaliya ay soo xoogaysanayeen waayadaan, sababtuna ay tahay dagaalyahanno ajaanib ah oo ku soo biiraya, waxaana sare u kacay dakhliga ka soo xarooda lacagaha ay ka qaataan ganacsiyada gudaha dalka, sida ay baahisay Reuters.
Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay sanooyiinkii u dambeeyay ay dhibaatooyiin amni darro iyo dilal ka geysteen deegaanada Puntland.
"In badan ayay buuraha gaadmo ka wadeen , beec-mushtarka ayay soo faragaliyeen, dadkey dhibeen, culumo ayay laayeen, waxgarad bay laayeen oo cuqaal bay laayeen" ayuu yiri Wasiir Dirir oo la hadlay BBC da.
Wasiirka warfaafinta ee Puntland ayaa BBC u sheegay in ay ka go'an tahay dowlad goboleed ka cirib-tirka kooxda ISIS ee ka howgasha meelo ka mid ah deegaanada Puntland.
"Dowladda Puntland waxay go'aansatay in buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan oo ah dhul qorfa ah oo adag oo boqolala kilo mitir dheerarkoodu dhan yahay inay soo afjarto" ayuu yiri.
Maxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin oo mar la sheegay in la beegsaday'?
Sida laga soo xigtay taliska ciidamada Maraykanka ee Africom, duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya dabayaaqadii bishii May ee sanadkii 2024-ka ayaa lala beegsaday hoggaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka Daacish.
Ma cadda in lagu dilay duqeyntaas iyo in kale, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo u warramay warbaahinta.
War qoraal ah oo 31-kii bishii May ay soo sareen howlgalka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayey ku sheegeen in duqayn ay ku bartilmameedsadeen Daacishta ku sugan buuraha Cal-Bari.
Warkaas ayaa lagu yiri: "Innagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Soomaaliya ka fuliyay weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Daacish,"
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan fog oo ku dhow aagga Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya.
Qiimayn hordhaca ah oo markaa la sameeyay ayaa lagu sheegay in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyntaas, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah sida ay bayaankooda ku sheegeen AFRICOM.