You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidii ay ku badbaadeen ciidamadii Mareykanka ee Caydiid soo qaban rabay balse xayirmay
Xalaaddii ban'aadanimo ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye ayaa keentay in dalal badan oo caalamka ah ay ku dhawaaqaan hawgal loogu magac daray hawgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay taas oo keentay in ciidammada hawalka Qaramada Midoobay loo diro Soomaaliya.
In ka badan labaatan askari oo ka tirsanaa hawgalka Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay Muqdisho, taasoo keentay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay amraan in lasoo xiro Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, maadaama lagu eedeeyay in isaga uu ka dambeeyay dilka ciidamadii Qaramada Midoobay.
Sidii ay ku badbaadeen ciidamadii Mareykanka ee ku xayirmay degmada Wardhiigleey ee rabay inay Caydiid Soo qabtaan
Amarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliyay in ciidamada Mareykanka ay Muqdisho ka fuliyaan hawgal la doonayay in lagu soo qabto Jeneraal Ceydiid, taas oo keentay in Muqdisho ay ku dagaalamaan jabhadii USC iyo ciidamada Rangers ee Mareykanka.
Waxa uu ahaa howlgal loogu talogalay muddo sagaashan daqiiqo ah oo isku bedelay toban iyo toddobo saac oo xiriir ah. Jab weyn oo ka mid ah kuwii ugu foosha xumaa ee ay dibeda kala kulmaan ciidamada Mareykanka ayaa qabsaday, howlgalkii waxaa lagu tilmaamay inuu noqday mid fashilmay.
Labo diyaarad oo ay adeegsanayeen ciidamada Mareykanka ayaa la soo riday, 18 askari Mareykan ah, iyo boqolaal Soomaali ah dad lagu qiyaasay ayaa ku dhintay dagaalkaas oo markii dambe horseeday in ciidamada Mareykanku isaga baxaan Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in maalintaas uusan Janaraal Caydiid imaanin goob USC ku shireysay oo la tuhunsana inuu imaanayo, balse ka dib markii dagaal qarax ayaa waxaa dhacday in qaar ka mid ah ciidamadii howgalka fulinayey ay ku xayirmay aaggii lagu dagaalamayay halka saaxibadood ay diyaarado ku baxsadeen.
Ilo wareedyada ay BBC-da la hadashay ayaa tibaaxay in ciidamadii xayirmay ay dhaxgaleen xaafadaha, gaar ahaan waxaa la sheegaa inay ku dhuumaaleysteen xarun dugsi oo ay gabbaad ka dhigteen ardaydii dugsiga.
Xaaladda dagaalka ayaa sii qaraaraatay iyadoo ciidamadii Mareykanka ay weerar aan kala joogsi lahayn ku wadeen aaggaasi taas oo markii dambe sababtay in Janaraal Caydiid uu amro in askartaan xayiran loo furo waddo ay ku baxsadaan.
Waxaa la sheegay in Janaraalka uu taa u door biday badalkii uu dagaalkan sii socon lahaa oo dadkana dhammaan lahaayeen in la siiyo waddo ay ku baxsadaan, ka dib farriintaas ayaa loo diray ciidamadii weerarka aan kala joogsiga lahayn ku waday aaggaas, sidaas ayayna ku badbaadeen ciidamadii xayirnaa.
Maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa Janaraal Caydiid laga yareeyay cadaadiskii ay ku hayeen waddamadii ku sugnaa Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Mareykanka.
Taas waxay keentay in isna la sii daayo Michael Durrant, duuliyihii waday dayaaraddi Blackhawk ee xaafadda gudaheeda ku dhacday, kaas oo ay badbaadiyeen taageerayaasha Jeneral Caydiid.
Sheekada askarigii Mareykanka ahaa ee sheegay inuu sas ka qaaday hawlgalkii Soomaaliya
Jeff Struecker oo ah Jeneraal hore Mareykan ah oo hawgalb ah balse horay uga tirsanaa ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee Rangers ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu kaga sheekeeyay hawgalkii uu qeybta ka ahaa ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkii 1993-dii.
Jeff Struecker oo inta aanan hawgalka "rajo soo celinta" loo dirin ku sugnaa gudaha dalka Mareykanka, horayna uga soo dagaalamay dalal ay kamid yihiin Kuwait, Panama, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa waxaa uu sheegay in ujeedkii Soomaaliya loo geeyay ay ahayd sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, waxaana uu ka sheekeeyay wixii dhacay horaantii bishii Oktoobar ee sanadkii 1993-dii.
"Aniga iyo guutadii aan ka tirsanaa waxaa naloo diray hawgalkii toddobaad oo ahaa kii ugu dambeeyay, ujeedkiisuna ahaa sidii aan ku soo qaban lahayn Caydiid, waana xilligaas marka ay dhacday diyaaradii Black hawk down ee ciidamada Mareykanka"ayuu yiri Jeneraal Jeff Struecker oo ka sheekeeyay wixii dhacay xilligaas isagoo la hadlayay xarunta American veterans Centre.
Jeff wuxuu sheegay in cabsidii iyo argagixii uu kala kulmay hawgalkii lagu so qabanayay Ceydidi uu ahaa mid uur ku taala ku noqotay, waligiina aanu hilmaamin.
Afarta bishii Oktoobar ayay ahayd markii la soo riday diyaaradii Black hawk ee ay ku dhinten ciidamada Mareykanka ee la sheegay inay gaarayeen 18 askari, waxaana xilligaas la sheegay in sidoo kale Magaalada Muqdisho lagu dilay dad badan oo rayid ah. Dayaaradaas waxaa laga sameeyey filimkii Blackhawk Down.
Jeff oo labaatan sano kadib dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 2013-ka ayaa waxaa uu sheegay in Alle mahadii ay tahay in mar kale uu Muqdisho tegay isagoo aanan cabsaneyn.
"Waxba ma aanan dareemin ilaa iyo inta aan dib uga laabtay Muqdisho, Alle ayaa I badbaadiyay, mana doonayo in aan seego fursadda labaad ee u Alle I siiyay in aan ku noolado,"ayuu yiri.
Hawgalkii rajo soo celinta ayaa ahaa mid ay hogaaminayeen ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa. Ujeedka hawgalka ayaa xilligaas lagu sheegay in lagu difaacayo Qaramada Midoobay iyo sidii loo dejin lahaa colaadda Soomalaiya, gargaarna loo gaarsiin lahaa dad badan oo xilligaas baahi u dhimanayay, kuna sugnaa Koonfurta Soomaaliya.
Markii Magaalada Muqdisho lagu dilay ciidamadii nabad ilaalinta ee ka socday dalka Pakistan, Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu meelmariyay qaraar tirsigiisu ahaa 837, kaas oo dhigaya in tallaaba walba ay qaadi karaan, si gargaar loo gaarsiiyo dadka Soomaalida.