Khatar hor leh iyo digniin cusub oo loo diray dadka wejiga bucbuc ka dhigta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka isku sameeya qalliimada laysku qurxiyo gaar ahaan kuwa cirbadaha wajiga looga duro ee dawooyinka lagu shubo ayaa looga digay khatarta ay leedahay in ay xididada xirmaan taas oo horseedeysa arag la'aan marka uu dhaawac soo gaaro qulqulka dhiigga sida khubaradu sheegeen.
Cilmibaarayaasha ayaa adeegsaday iskaan lagu baarayo boqol kiis oo ah dad wajiga duriin ku sameeyay oo dhibaato kala kulay.
Xarumaha caafimaadka waxaa lagula taliyay in ay iskaan saaraan ka hor inta aan qofka lagu durin cirbadaha wajiga si looga fogaado in waxyeelo soo gaarto xididada halbowlaha ee halkaas ka dhow.
Dr Rosa Sigrist oo cilmibaarista hoggaamineysa ayaa sheegtay, inkastoo aysan aheyn wax guud hadana "dhacdooyinka xididada dhiigga" waa kuwa ku yimaada marka la duro xididka ama meel u dhaw taas oo dhibaato ah sababtuna waxay tahay waxay dhimanaya unugyada, wajigana wuu baddalmaa hadii aan la daaweyn.
Dermal waa walax lagu duro jirka, inta badan waxaa loo adeegsadaa miinta wajiga iyo in maqaarka ay ka dhigto mid fidsan. Mararka qaarna waxaa loo adeegsadaa in sanka lagu qaabeeyo.
Dr Sigrist waxay sheegtay in meelaha sanka u dhow ay khatar yihiin sababtoo ah xididada dhiigga ee sanka waa qeybta ugu muhiimsan madaxa.
Waxyeelo soo gaarta xididada waxay keeni karaan dhibaatooyin la xiriira maqaarka, arag la'aan iyo sidoo kale in qofku uu ku soo boodo istarook.
Dr Sigrist iyo kooxdeeda jaamacada São Paulo ee Brazil ayaa daraasad ku sameysay waxybaaha wajiga lagu buuxiyo iyo dhibaatada ka timaada iyadoo baaris ku sameysay 100 bukaan.
Waxyaabaha ay heshay waxaa lagu soo bandhigi doonaan shirka caafimaad oo sanadlaha ee toddobaadkan.
Baaritaano lagu sameeyay kala bar dadkaas ayaa lagu arkay in socodka dhiigga xididada yaryar uu istaago. Saddex meelood dadka baarista lagu sameeyay dhiigga xididada waa weyn ayaa istaageen.

Xigashada Sawirka, ROSA MARIA SILVEIRA SIGRIST, M.D., AND RSNA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si looga fogaado dhibaatooyinkan, waxay ugu horeyn kula talisay xarumaha caafimaadka in ay adeegsadaan iskaanka loo yaqaan Ultrasound si loo qorsheeyo halka la durayo. Tani waxay kaa caawin kartaa marka dhib yimaado in la ogaado halka la durayo.
Hadii cirbadaha lagu durayo qofka aan lagu hagin iskaan, waxaa suuragal ah in la duro meel aan loogu talogelin.
"Haddii cirbadaha aan lagu hagin ultrasound-ka, waxay daweeyaan iyagoo ku saleynaya natiijooyin qiyaas ah, waxayna si indho la'aan ah u durayaan meel aan loogu talogelin,"
"In la ogaado oo la naqshadeeyo halka ay ku yaalaan xididada dhiigga waxay si aan shaki ku jirin u keeneysaa xog muhiim ah ka hor inta aan daawada bilaaban".
Khataraha laga dhexlo waxyaabahan ayaa keenay in loo ololeeyo sidii loo sameyn lahaayeen qeynuuno lagu xakameeyo hababka loo maro duriinka wajiga.
Waxybaaha hadda la soo jeediyay waxaa ku jira in shaqaale caafimad oo khibrad leh ay sameeyaan qaliimada ay khatartoodu badan tahay sida kuwa lagu buuxiyo meelo badan oo jirka ah.
Xarumaha caafimaadka ee maamulo waxybaaha wajiga lagu duro iyo Botox waxaa looga baahan yahay in ay buuxiyaan shuruudo heerkoodu sareeyo oo ah in awood u leeyihiin waxa ay sameynayaan si loo siiyo shatiga ay ku shaqeynayaan kuna qabanayaan qaliimada qurxinta.
UK, bilaha ugu horeeya sanadka soo socda ee 2026 ayaa dadweynaha lala tashanayaa si loo ogaado aragtidooda sida qalliimadan loo sameynayo iyo sida loo meelmarinayo tallaabooyinkan. Ugu dambeyn waxaa la geynayaa baarlamaanka si ay sharci u noqoto.













