You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gaalkacyo: 'Hadii la idilo waxaan ahay midka dilkiisa aan laga shalayneyn ee lagu faanayo'
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Freelance Journalist
Shalay waxaa magaalada Gaalkacyo lagu aasay Dhaqtar Zakariye Cabdi, oo aano qabiil loo dilay, waxaana ka dhashay in dhakhaatiirta magaalada Galkacyo ay shaqa Joojin saddex maalmood ah ku dhawaaaqaan aaskiisa kadib.
Balse waxaa jira dhacdooyin is daba joog ah badankooduna isku xiran, oo keentay in dadka qaar oo ay ka mid yihiin dhalinyarada saameynta leh ee magaalada ku noolaa ay isaga baxaan Galkacyo, iyaga oo ka cabsi qaba in ay naftooda ku waayaan waxyaabo aysan ku lug lahayn.
Jacfar Yuusuf, waa mid kamid ah dhallinyarada ugu firfircoon magaalada Galkacyo, isaga oo hugaamiyay ururka dhallinyarada ee magaalada. Wuxuu hadda aad uga walaacsan yahay amnigiisa.
"Magaaladu xaalado waxay soo martay laba dawladood la isku laayo, laakiin markaan way ka cabsi iyo hurgumo badan tahay wixii hore," ayuu BBC u sheegay Jacfar.
Jacfar wuxuu sida uu sheegay ku noolaa magaalada Galkacyo inka badan 20 sano, wuxuu hadda ka aaday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si uu uga nabad galo dilalka aanooyinka qabiill ee walbahaarka ku reebay dhallinyarada.
"Waxaa la beegsanayaa dadkii haldoorka ahaa, dadkii bulshada indhaha u ahaa, waxaa saameyn ku yeeshay dilka aanada qabiilka kaas oo ka soo bilowday ragga cabtooyda ah, kadibna isku badalay in loogu aaro kuwa haldoorka ah." ayuu hadalkiisa ku daray.
Jacfar oo ah aabe xaas iyo caruur leh, ayaa habeenkii afaraad reerkiisa ka dhaxaya.
Bashiir Suuleey, waa nin kale oo dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Galkacyo. Si ka duwan jacfar wuxuu go'aansaday inuu joogo magaalada, sababta oo ah in qoys ahaan aysan si toos ah u saameyneyn aanada hadda ka taagan magaalada.
Bashiir wuxuu BBC u sheegay in dilalka ka dhaca Galkacyo ay si shaqsi ah u sameeyeen. Wuxuu maamule ka yahay shirkad ganacsi oo ka shaqaysa magaalada Galkacyo, isaga oo sheegay in inta badan shaqaalihii shirkadda ay fasax qaateen si ay magaalada uga baxaan inta xiisaddu jirto.
"Hal qof oo waxaa jira kun qof ka qiima badan." ayuu yiri Bashiir oo ka hadlayay dhimashada saaxiibkiis dhaqtar Sakariye Cabdi, oo sida uu sheegay ay isku dhawaayeen.
Dhallinyaro badan ayaa ka niyadjabsan dilalka bareerka ah ee lagula kacayo da'yarta.
"Hadii la idilo waxaan ahay midka dilkiisa aan laga shalayneyn ee lagu faanayo." ayuu mid kamid ah dhallinyarada magaalada Galkacyo ku soo daabacay boggiisa Facebook.
Sawir guud: Xaalka Galkacyo ee maanta
Dilka dhaqtar Sakaiye oo dabcan xanuun gooni ah ku beeray bulshada magaalada, ayaa daba socday dilal aano qabiil ah oo badankoodu isku xirnaa, halka qaar kale ay gooni ahaayeen. Arrintaan ayaa markiiba magaalada ka dhex abuurtay kalsooni darro ku aaddan in qof waliba uu noqon karo bartilmaameed aano qabiil, xitaa haddi uusan lug ku lahayn qofka loogu aargudayo.
Taasi waxay dhalisay in magaaladu gasho xaalad hubanti la'aan dhanka amniga ah, dadka qaar sida kuwa saameynta leh ama caanka ah ayaa ka baxaya magaalada, halka qaar kale ay sheegeen inay imaan lahaayeen balse hadda aysanba ku dhicin.
Bakhaarada iyo goobaha kale ee muhiimka ayaa hub lagu ilaalinayaa halka lasoo werinayo in qoryuhu ay qaaliyoobeen.
"Qofka kasta oo ganacsi haysta maanta wuu hubaysan yahay wuxuu ilaalinayaa ganacsigiisa," ayey tiri xildhibaan Hani Fanax Dudun oo ka tirsan Golaha deegaanka Gaalkacyo ee dhawaan la doortay, haatanna ku sugan magaalada.
"Xitaa Dadka macaamiisha ah ee ka adeegan lahaa, bakhaaradu waxay ka baqayaan in iyaga oo goobta ku sugan lasoo weeraro kadibna iyada oo aan loo aaba dayin halkaas lagu dilo," ayey sii raacisay.
Waxaa jira dad aan ka dhalan qabiillada waaweyn oo loo "yaqaan looma ooyaan", kuwaas oo ay dhacdo in marar badan oo ay meel dad loogu dilayay aano qabiil oo ay ku sugnaayeen ku dhintay iyaga oo aan bartilmaameed ahayn.
Arrintaan ayaa waxaa sababay sida la sheegay rasaasta oo aan loo aaba yeelin in ay ku dhacday. Hani waxay noo sheegtay in waqtiyada laga hadlayo garta ama cadaaladda aan dadkaas xitaa lagusoo hadalqaadin goobta.