Kansarka xiniinyaha ragga ku dhaca oo kusoo badanaya adduunka. Maxaa sababay?

Sida lagu sheegay warbixin dhowaan uu daabacay wargeyska caafimaadka ee Lancet, waxaa guud ahaan adduunka kusoo badanaya kansarka ku dhaca xiniinyaha ragga.

Lancet ayaa maqaalkan ku sheegay in kiisas cusub oo kansarka borostaatada ah uu ku badan yahay dalalka soo koraya sida kuwa Afrika ku yaalla.

Tirada dhimashada ee sanad walba u geeriyoota cudurkan ayaa gaari doonta ilaa 700,000 sanadka 2040, taasoo ah sare u kac boqolkiiba 85 ah marka la eego sanadkii 2020, ayaa lagu yiri warbixinta.

Meelaha Afrika ee ay ku nool yihiin ragga ugu badan ee xanuunkan qaba ayaa ah dalalka Zimbabwe, Barbados iyo Ivory Coast.

Waxay kaloo warbixintu sheegtay inuu yahay kansarka ugu badan ee ragga ku dhaca kuwaasoo ku nool 112 dal.

Sanadkii 2020, ilaa 375,000 oo rag ah guud ahaan dunida ayaa u dhintay kansarkan. Waa nooca shanaad ee kansarka dhimashada u sababa ragga.

Sababta kansarkan ayaa lagu sheegay isbeddelka nolosha iyo iyadoo meelaha qaar sida Afrika aysan ka jirin baaritaanka xanuunka oo casri ah.

Maxaa sababa cancer-ka xiniinyaha?

Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxa sababa kansarka ku dhaca xubinta taranka ee ragga, khubarada seyniska caafimaadkuna waxay ku howlan yihiin in ay sharraxaad helaan.

Waxaase la ogaaday in ragga uu cudurkan ku dhaco ay u badan yihiin kuwa da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 35 sano.

Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in kansarkan xiniinyaha ragga ku dhaca uu sidoo kale noqon karo mid la kala dhaxlo, markaa waxaa jirta suurtogalnimo ah in dadku ay ka dhaxlaan waalidkooda amaba qaar ka mid ah xubnaha qoysaskooda.

Xaaladdan oo kale, dhaqaatiirtu waxay kula talinayaan dadka in haddii uu qoyskaaga ku jiro qof qaba amaba u dhintay kansarka boqostaataha amaba nooc walba oo ka mid ah kansarka aad adiguna u baahan tahay inaad baaritaan isku sameyso.

Haddii qof qoyskaaga ka mid ah uu qabo kansarka boqostaatada, waxaa ragga lagula talinayaa inay sameeyaan baaridda cudurkan labadii lanoba mar marka ay gaaraan wixii ka dambeeya da'da 45 sano jir.

Haweenka ayaa iyaguna lagula talinayaa inay iska baaraan xanuunka kansarka naasaha oo ah kan ugu badan ee dumarka adduunka ku dhaca.

Calaamadaha lagu garto cancerka xubinta taranka

Astaamaha muujiya cancer-ka xiniinyaha wey kala duwan yihiin. Calaamadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

In xiniinyaha ay ka baxaan booskooda iyagoo aadaya qeybaha kore ee jirka, taasoo dadka qaar ay u yaqaannaan “xiniinya-roor”.

  • In uu qofka dareemo xanuun dhanka xiniinyaha ah
  • Xanuun u badan qeybaha hoose ee caloosha
  • Saxaro biyo ah oo qofka ka imaata
  • Neefsashada oo adkaata
  • Dhabar xanuun
  • Cunto xumo
  • Miisaanka oo hoos u dhaca

Marka ay calaamadahan soo muuqdaan, waxaa habboon in qofka lagu sameeyo baaritaanno ay ka mid yihiin tijaabada dhiigga, raajada xabadka iyo raajada xubnaha taranka.

Daweynta cancer-ka xubinta taranka

Habka daweynta cudurkan waxa uu noqon karaa dhammaan noocyada daweynta cancer-ka, sida gubista oo loo yaqaanno "chemotherapy" iyo "radiotherapy" oo loogu talogalay in lagu baabi’iyo unugyada uu haleelay cancer-ka.

Tirada dadka sida buuxda looga daweeyo wey badan tahay, waxayna ku xiran tahay mar walba heerka uu gaarsiisan yahay cudurka iyo xilliga laga war helo.

Cancer-ka xubinta taranka ee ragga waxa uu inta badan qofka ku dhacaa xilliga ka dambeeya qaan-gaarka ee ka billowda 15 jir, waxaana suurtagal ah in dhalmadu ay istaagto inta ay socoto daaweynta.