Muhiimadda amni ee saldhigga Bariire iyo weeraradii dhimashada badnaa ee horay uga dhacay

Hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ayaa waxay ku wareejiyeen ciidamada dawladda Soomaaliya saldhiggii hawlgalku ku lahaa deegaanka Bariira ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saldhigaan oo daganayaan ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa difaaca Dadka Uganda ee UPD ayaa waxa uu noqonayaa kii todobaad ee lagu wareejiyo ciidamada dawladda Soomaaliya, iyada oo lagu jiro wajiga saddexaad ee wareejinta saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada ATMIS.

Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS ee xerada deganaa, Janaraal Anthony Lukwago, ayaa ku wareejiyay xerada sarkaal matalayay ciidamada Soomaaliya, Gaashaanle Muxidiin Axmed. Waxa kale oo halkaa ku sugnaa saraakiil kale oo ka kala socotay ciidamada Soomaaliya iyo dhanka ATMIS.

ATMIS ayaa sheegtay In wareejinta xeradaani ay tahay tusaale muujinaya sida habsami u socodka leh ee uu u dhaqan galiyo barnaamijka dhamaadka hawlgalka.

Muxuu yahay saldhigga Bariire?

Saldhigaan waxa uu ku yaalaa magaalada Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gacanta ku hayay ciidamo ka socda dalka Uganda oo ka mid ah hawlgalka ATMIS ee horay loo oran jiray Amisom.

Sanadkii 2019 kii ay la wareegeen saldhigaas, iyaga oo ku tilmaamay in uu yahay mis istiraatiiji ah oo laga ilaaliyo amniga caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, waxa uuna u jiraa magaalada qiyaastii 60 km oo uu uga beegan yahay dhanka galbeedka.

Magaaladaan waxaa horay uga xoreeyay ururka al Shabaab ciidamada dawladda Soomaaliya iyo ciidamo la socday oo ka tirsanaa hawlgalkii Amisom. Waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay marin muhiim ah oo ay Shabaabku ugu soo talaabi jireen dhinaca caasimadda.

Sanadihii ugu dambeeyay ee ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom halkaas, waxaa laga soo tabiyay warar badan oo dhiilo lahaa. Intooda badanna ay ahaayeen weeraro halis ahaa oo ay ku qaadeen al Shabaab.

Bishii Sepemper ee sanadkii 2019 kii, ururka al Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen saldhig ay halkaas ku lahaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya xilli aroor hore ah. Weerarkaas ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay albaabka xerada, kadibna waxaa gudaha u galay dagaalamayaal ka tirsan al Shabaab.

Weerarkaas oo saacado socday ayay ciidamada dawladda Soomaaliya sheegeen in ay iska difaaceen weerarka Shabaab, oo ay ka dileen ilaa 18 ka tirsan ciidankii Shabaab ee goobta gudaha u soo galay, guushunu sidaas dhankooda u jirto.

Balse Shabaab iyana waxay sheegteen guul iyo in ay ciidamo gaaraya 90 askari ay halkaas ku dileen.

Laakiin, isla sanadkaas, 2017 kii, waxaa deegaanka isaga guuray ciidamada dawladda Soomaaliya, waxaana bishii Oktoobar 14 keedii la wareegay ururka al Shabaab.

Ma caddeyn sababta ay xilligaas ay saldhiggaas muhiimka ah u baneeyeen ciidamada dawladda Soomaaliya, dawladduna wax war ah kama soo saarin.

Balse isla todobaadkii ay ka baxeen ciidamadu halkaas, ayaa la xasuustaa in booqasho uu saldhigga ku tagay taliyihii militariga Soomaaliya ee xilligaas Janaraal Axmed Jimcaale oo ku magac-dheer Cirfiid.

Isla sanadkaas ayaa waxaa bariire ka dhacay dhacdooyin amni oo halis ahaa, kuwaas oo ay ku dhibaatoobeen shacab badan.

Bishii Agust ee 2017 kii, ayaa waxaa la soo tabiyay in ugu yaraan afar qof oo shacab ah ay ku dhinteen gaari dameer. Waxaa la sheegay dadka ku dhintay miinadaas ee saarnaa gaari dameerka in ay ka qaxeen dagaalka Bariire ee u dhaxeeyay al Shabaab iyo ciidamada dawladda.

Kadib dagaaladaas mudada socday iyo baneyntii ciidamada dawladda ee Bariira, ayaa sanadkii 2019 kii waxaa la wareegay magaalada Markale ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa Amisom, xilligaas ayayna ahayd markii la aasaasay saldhigga ciidanka Amisom ee dib loogu badalay ATMIS ee maanta lagu wareejiyay ciidamada dawladda Soomaaliya.

Hawlgalka ATMIS oo bilaabay in uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya sanadkii hore, ayaa waxa sida horay loo shaaciyay ku egyahay dabayaaqada sanadkaan.

Saldhigyo badan oo ciidamadiisu ay horay ugu sugnaayeen ayaa lagu wareejiyay dawladda Soomaaliya, balse intooda badan ayaa waxaa weerar ku ekeeyay ururka al Shabaab. Qaarkoodna waa ay baaba’een oo haatan maba jiraan gabi ahaan.