Xasaasiyadda: Sidee looga hortagi karaa cudurka sanboorka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cudurka sanboorka ee ka dhasha xasaasiyadda loo yaqaano Rhinitis-ka, ee horseeda in qofka uu dareemo ciriiri dhanka neefsashada sanka ah, hindhiso soo noqnoqota, weji cuncun iyo neefsashada oo ku adkaata qofka, badanaa way ka sii dartaa xilliga dayrta ama jiilaalka waxayna ku xiran tahay waxyaabaha qofka ku kiciya ee ka dhasha deegaanka qaarkood sida boorka, dhogorta xayawaanada iyo manka geedaha.
Inkasta oo soddonkii sano ee lasoo dhaafay loo maray waddo dheer sidii dawo loogu heli lahaa sanboorka- arrinta dhabta ah ee la ogaaday ayaa in aan la helin dawo ka hortaggi karto xasaasiyadda rhinitis, iyadoo seynisyahano badan ay aaminsan yihiin in wax xal ah aan loo heli doonin cudurkan.
Haddaba waxaan halkan ku eegeynaa sababta ay u adag tahay in laga hadlo daweynta cudurkan, iyo maxay yihiin siyaabaha ugu muhiimsan ee lagu xakameyn karo maanta?
San xiranka
Sanka wuxuu leeyahay duleylo, qaabab iyo habab dhowr ah oo uu uga hortagayo gelitaanka walxaha halista ah, kuwaas oo dhaawici kara shaqada sambabada.
Tusaale ahaan: qiyaas in fayraska uu isku dayayo inuu soo galo sankaaga. Jirka wuxuu sameynayaa wax walba si uu u eryo feyraskaas sida ugu dhakhsaha badan si looga fogaado dhibaatooyin waaweyn.
Xaaladdan oo kale, nidaamka difaaca ee jirka ayaa ku dhaqaaqayaa tallaabooyin taxane ah isla markaana baabi'inayo waxyaabaha kusoo duulay jirka - Sanka waxaa ka buuxsamaa dheecaanno xilliggaas mana joojinayo hindhisada.
Qofka isku arko xaaladdan noocan ah, waxaa uu jirkiisa ka falcelinaya waxyaabaha xasaasiyadda ku kicinaya ee kasoo tallaabay sankiisa, inta badan sanboorka waxaa kiciyaa boorka iyo waxyaabaha kale ee xasaasiyadda kiciya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Falcelinta jirka
Dr. Antonio Condino, oo ka tirsan machadka Sayniska ee Jaamacadda São Paulo ee dalka Brazil ayaa sharxayaa in falcelinta difaaca jirka ee sababta sanboorka uu yahay mid aad u adag maadama uu howlgeliyo noocyo kala duwan oo unugyada jirka ah.
"Mid ka mid ah unugyada dhiiga cad ee jirka ee ku lugta leh habkan waa unugga weyn, kaas oo sii daaya maaddada la yiraahdo Histamine," ayuu yiri Dr Antonio.
Wuxuu intaa ku daray in maadada Histamine ay horseedo astaamaha uu iska arko qofka qabo sanboorka sida san cuncunka iyo indhaha qofka oo guduuto.
Condino waxa kale oo uu barayaa in cudurka sanboorka uu yahay cudur mid 'polygenic ah', kaas oo ku xiran isbeddellada qaybaha kala duwan ee hidde sidaha banii'aadanka.
"Waxaa jira cudurro ka dhasha difaaca jirka kuwaas oo ay sababto isbeddel ku yimaada hal hidde-side. Xaaladahan, way sahlan tahay in laga fekero daaweynta hidda-sidahaas ayaa wax ka qaban karaa dhibaatadan," ayuu yiri Dr. Antonio Condino.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee looga hortagi karaa sanboorka?
Tallaabooyinka lagu xakameyn karo sanboorka waxaa kamid ah sare u qaadidda nadaafadda guriga.
"Qolka waa inuu noqdaa mid hawo wanaagsan leh, in guriga lagu sameeyo nadiifin joogto ah, in roggaga iyo go'a la baddelo toddobaadkii hal mar iyo in guriga laga ilaaliyo boorka iyo waxyaabaha kale ee kiciya xasaasiyadda" ayuu yiri Jane da Silva oo ka tirsan jaamacadda Brazil una qaabilsan cudurrada ka dhasha difaaca jirka iyo xasaasiyadda.
Waxay khuburrada ku talinayaan in sanboorka sidoo kale looga hortagi karo in barkinta iyo furaashyada la dhigo qoraxda isla markaana la dhaqo dharka iyo bustayaasha in muddo ah guriga dhex yaallay ee la isticmaalin.
Waxaa dhammaan tallaabooyinkan looga golleeyahay xakameynta walxaha keena xasaasiyadda, sida boorka, dhogorta xayawaanada.
Nadiifinta, dabcan, kuma koobna guriga: sidoo kale waa lagama maarmaan in la dhaqo sanka. "In sanka maalin kasta lagu nadiifiyo cusbada loogu talagalay waxay meesha ka saartaa wasakhda waxayna qoysaa xuubka xabka ah, kaas oo ka hortagaya xasaasiyadda," ayuu yiri Silva.
Marka laga reebo tallaabooyinka, waxay dhakhaatiirta dadka qaba sanboorka u qoraaan dawooyin taas oo ku xiran heerka uu gaarsiinsan yahay cudurka.
"Bukaanada uu ku kaco sanboorka xilligga gu'ga tusaale ahaan waxaa siinnaa dawo si loo yareeyo calaamadaha cudurka xilliggaas oo kaliya ah" ayay tiri Salmito oo ka tirsan cisbitaalka Alemão Oswaldo Cruz oo ku yaalla Sao Paulo Brazil.
Dhakhaatiirta qaar waxay bukaanada siiyaan dawooyinka ka hortaga xasaasiyadda gaar ahaan marka uu qofka uu si xun u hayo sanboorka.












