Khubarada aasaarka qadiimka ah ee Masar oo helay qalfoofka nibiri barri-biyood ahaan jiray

Qolfoofka nibirigan la helay waxa loo bixiyey "Fiyuumsiitis Anuubis"

Xigashada Sawirka, DR ROBERT W. BOESSENECKER

Qoraalka sawirka, Qolfoofka nibirigan la helay waxa loo bixiyey "Fiyuumsiitis Anuubis"

Koox cilmi-baadheyaal taariikhda qadiimka ah oo ka tirsan Jaamacadda Al-Mansuura ee dalka Masar, ayaa helay qalfoof cusub oo ah nooc ka mid ah nibiriyo ahaan jiray barri-biyood oo noolaa 43 milyan oo sannadood ka hor.

Sida ay sheegeen cilmi-baadheyaashani nibirigani wuxuu ka mid ahaa dugaagga afarta lugood leh.

Sannadkii 2008 ayaa khubaro ka tirsan wasaaradda deegaanka Masar ay goobtan laga soo qoday qalfoonka nibirigaa ka heleen lama degaanka Al-Fayuum oo ah deegaan badanaa laga helo qolfoofka nooleyaashii qadiimka ahaa.

Saynisyahannadaas ka socday jaamacadda oo ka tirsan xarunta daraasaadka aasaarta qadiimka ah ee Al-Fiqaariya ayaa nibirigan ay heleen u bixiyey "Fiyuumsiitis Anuubis" oo ah eray bixin saynis oo lagula xidhiidhinayo lama degaankaa Al-Fayuum ee koonfurta ka xigta Qaahira. Halka erayga Anuubis isna yahay magac ilaah ka mid ah ilaahyadii Faraacinadii hore.

Qalfoofkan la helay ayaa muujinaya in nibirigaa dhererkiisu ahaa saddex mitir culayskiisuna ahaa ilaa 600kg.

Xawayaankan qolfoofkiisa la helay ayaa waxa uu lahaa hab-dhis bayoolaji oo u sahli jiray inuu noolaado waagaa fog.

Cabdallah Jowhar oo ka tirsan xarunta Al-Fiqaariya ee Jaamacadda Al-Mansuura ayaa yidhi "Fiyuumsiitis Anuubis waa nooc inagu cusb helidda qolfoofkanna waxa uu muhiimad weyn u leeyahay cilmiga daraasaadka aasaarta qadiimka ah ee Masar iyo Afrika".

Hawsha laga wada goobtaa laga helay qolfoofkani waxay sahashay in la helo fursad lagu ogaado waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan sidii ay nolosha xawayaanka qaarkood u ahaan jirtay barri-biyoodka markii dambena ay isugu rogtay inay badda oo keliya uun ku noolaadaan.

Hishaam Salaam oo ka tirsan Jaamacadda Al-Mansuura ayaa isna yidhi "helitaanka qolfoofka nibirigani wuxuu sii kordhinayaa su'aalihii la iska weydiinayey habdhiskii deegaanka Masaaridii hore waxaanu ku dhiirri gelinayaa in cilmi-baadheyaashu ay wax badan ka ogaadaan nolosha nibiriyadii waagaa jiray".

Warbixin uu soo saaray golaha wasiirada Masar, ayaa lagu yidhi "cilmi-baadhistan aan tan oo kale hore loo samaynin waa guul hor leh waxaanay sidoo kale tahay talaabo ay hore u qaadeen khubarada aasaarta qadiimka ah ee Masr iyo Carabtu".

Cilmi-baadhistan ayaa lagu daabacay majallada "Rayal Society of Ecology and Environmental Science" ee dalka Ingiriiska.

Waxaana lagu sheegay in helitaanka noocan cusub ee nibiriga berry-biyoodka ahaan jiray uu wax ku kordhinayo fahamka asalka nolosha nibiryadii noolaan jiray xilligii faraacinadii hore iyo qaabkii ay dadka ku wada noolaayeen iyo deegaankii u gaarka ahaa ba.