Afrika: Ma ogtahay madaxda Afrikaanka ah ee dhawaanahan dilka ka badbaaday?

Xigashada Sawirka, AFP
Tiro ba dhowr hogaamiye oo Afrikaan ah ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sheegay inay ka badbaadeen isku day dil, waxaana kamid ah hogaamiyayaasha Mali iyo Madagascar. Lama sheegin sababta rasmiga ah ee loo beegsaday madaxdaas.
Ammaanka madaxda caalamka ayaa si weyn loo ilaaliyaa, waxaana adag in si fudud lagu dhibaateeyo.
Halkan ka akhriso saddex hogaamiyayaal Afrikaan ah oo sheegay inay ka badbaadeen isku day dil.
Madaxweynaha Mali
Madaxaweynaha ku meel gaadhka ah ee Mali, Assimi Goita, ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil lagu doonayey in lagu khaarajiyo. Nin toorray sita ayaa isku dayey inuu ku dhex dilo isaga oo salaadda ku jira masaajid ku yaal magaalo madaxda Bamako, maalintii Salaasadii ee Ciidal Adxa.
Ilaalada madaxweynaha ayaa markiiba ku soo booday oo masaajidka dhexdiisa ku qabay laba nin oo inta ay isku jabiyeen ku qaaday buudhiga baabuur milatari.Hadana waxa isla kolkiiba madaxweynaha isku gedaamay ilaaladiisa gaarka ah.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in baadhitaan socdo oo aan la ogayn ujeedada iyo cidda uu yahay ninkaa isku dayey inuu madaxweyna dilaa.
Hase ahaatee, war xukuumadda ka soo baxay maanta ayaa lagu sheegay in ninkaa lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu dilo Madaxweyne Assimi Goita, ku geeriyooday Isbitaal uu ku jiray oo lagu ilaalinayey.

Xigashada Sawirka, AFP
Ninkaa weerarka qaaday oo aan la magac dhabin ayaa xukuumaddu sheegtay inuu xabsiga ku dhex bukooday ka dib na loo qaaday Isbitaalka oo uu haatan ku dhintay.
Faahfaahin lagama hayo sida xaaladiisa caafimaad ahayd dhacdaa ka hor, waxaana sidoo kale xukuumaddu sheegtay in la baadhayo waxa uu u dhintay.
Madaxweynaha Madagascar
Madagascar ayaa 22 Julaay sheegtay in ay fashilisay isku day dil lagu doonayey in lagu khaarajiyo Madaxweyne Andry Rajoelina.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas ayaa sheegay in dhawr qof oo muwaadiniin reer Madagascar iyo shisheeye iskugu jira la xidhxidhay todobaadkii hore, talaabadaas oo qayb ka ah baadhitaanka lagu hayo dilkaa la soo maleegay.

Xigashada Sawirka, AFP
"Marka la eego caddaymaha aanu helnay, dadkani waxay qorshaynayeen in ay dilaan dhawr qof oo ka mid ah madaxda dalka iyo sidoo kale madaxweynaha" ayaa lagu yidhi warbixintaa iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixinin hawl galka dadkaa lagu soo qabqabtay.
Warbixinta ay xeer ilaalintu soo saartay ayaa ku dacwaysay eedaysanayaasha in ay qorshaynayeen in ay "khaarajiyaan oo qudha ka jiraan" dad badan.
Bishii hore markii ay socodeen dabaal degyadii maalinta xorriyadda Madagascar, ayaa xukuumaddu shaacisay in la fashililyey isku day lagu doonayey in lagu khaarajiyo taliyaha booliska, Jeneraal Richard Ravalomanana.
Ra'isal wasaaraa Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters
Dabayaaqadii bishii Oktoobar 2018 ayaa ra'isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, sheegay in qaar kamid ah askar isa soo hor dhoobatay xafiiskiisu doonayeen in ay isaga dilaan.
Xilligaas oo uu xaaladdii baddalay isagoo amar ku siiyey in ay xabadka dhulka dhigaan oo ay jimicsi sameeyaan asna uu la sameeyey.
Abiy iyo askarta ayaa la arkayey ayagoo wada qoslaya balse waxa uu baarlamaanka u sheegay "qalbi ahaan in aanu faraxsanayn".
"In qaar ciidamada ka mid ahi ay socod ku tagaan madaxtooyada ma ahayn oo kaliya sharci darro balse waa arrin khatar ah, sababta oo ah ujeedadu waxay ahayd in isbadallada socdaa ay dhicisoobaan" ayuu yiri Abiy oo baarlamanka la hadlayey.
"Isla waqtigaas, markii xaaladda la xakameeyey kadib, waxaan maqlay ciidamada qaar oo leh: "wuu cararay intii aanan dilin ka hor."

Xigashada Sawirka, WALTA TV
Waxaa la arkayey asagoo dhoollo caddaynaya, balse waxa uu baarlamaanka u sheegay in uu "caraysnaa oo uu cabsanayey".
Waxa uu sheegay in uu ka baqay in uu dagaal qarxo ayadoo buu yiri " dad dhalinyaro ah … ay soo aadeen [Addis Ababa] si ay dagaal u kiciyaan"
Ra'isal wasaaraha ayaa horay u sheegay in ay jiraan "xoogag" aan oggolayn isbadallada uu samaynayo.










